Qayla-dhaan: Sicir-bararka xadhkaha goostay iyo Shilinka giimbaarta noqday! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

 

Qiimihii maciishaddu cirka ayuu isku sii shareerayaa. $100 waxa lagu sarrifayaa hal milyan iyo dheeraad (1,0000,000). Maalin kastana waxa la soo daabacayaa lacag cusub oo 1000 Shiling iyo 5000 shiling ah. Waxa aan Hargeysa imi 1997kii iyada oo shaqeeyaan 5 shilin, 10, shilin, 20, shilin, 50 shilin, 100 shilin. Maanta wax shan boqol oo shilin ka yar lama adeegsado. Sidaas awgeed qofka iibsada wax 300 ah, baaqi looma celiyo. Qiimaha dhaca ku yimi lacagta waxa daawanaysa xukuumadda.

Aaway Madaxweynihii la lahaa waxa uu dhaqaalaha ka bartay Jaamacadda Manchester? Aaway ninkii loo han-weynaa? Marka ay xaaladdu sidan tahay, ma gef baa haddii aan idhaahdo โ€œIlaahay ninkii talada inoo hayay ha ka waraabiyo naxariistii jannoโ€. Waa meyd socda iyo qof aanay waxba gacanta ugu jirin.

Xaaji Axmed miyaa uu tahli waayay in uu ummadda Somaliland bariidiyo maalintii Ciidda? Miyaa uu erey keliya ka soo odhan kari waayay munaasibaddii weynayd ee 26ka Juun? Socdaalkiisa waxa la sheegay in uu toban cisho ahaa, goorma ayaa ay dhammaadeen?
.
Bal eeg is-beddellada sannadkan gudihiisa ku yimi agabka iyo adeegyada aasaasiga ah ee ummaddu u wada baahan tahay
Qiimaha Hore Qiimaha Maanta
Baalashka 500 -1000
Musqusha 500 -1000
Baska 1500 – 2000
Iskiriin 500 -1000
Qalin beensal 500 -1000
Ku-shubasho 8000 -11,000
Shaah 1000 -1500

Haddii ay noloshu sidaas ku sii socoto, waxa dhici doonta in la is-boobo. Macquul maaha in ragga qaarkoodna ay sarriftaan jeegag bilyanno ah oo maal-xatooyadu/manaxtooyadu soo qortay, dadka qaarna ay nusasaace u waayaan carruutoodii. Sicir-bararku xadhkaha ayuu goostay.

Lacagtii Somaliland waxa ay la qiime tahay Giimbaartii Burco laga beddelay. Haa.. Haddii la magacaabayo guddiyo male-awaal ah, waxa dhici doonta in ay dadku samaystaan madbacado ay lacagta Somaliland ku daabacdaan. Iyada oo aan noodhkii hore waxba qabannin, miyaa aynu maalin walba soo daabacnaa kuwo hor leh.

Xisbiyada mucaaridka ahi ha ku baaqaan bannaan-baxyo lagu diiddan yahay nolosha cirka isku shareertay. Haddii uu qiima-dhacani sii socdo, waxa dhici doonta in qofka milyan qaadanaya uu kaaryoone u walwaalo lacagta.

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr