Qiimaynta Tijaabadii Qaad Joojinta iyo Casharada laga Baran karo (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Isku daygii joojinta qaadku, inkastoo aanay si fiican u wada hirgelin hadana waxay ahayd tijaabo dhiiran oo khibrad iyo casharo laga faa’iidi karo hadii sifiican loo derso loona dhuuxo. Ma aha in arintani si fudud inagu dhaafto. Jaamacadaha, wasaaradaha dowlada iyo ururrada bulshada waxa u furan fursad ay cilmi-baadhis miisaan leh kaga samayn karaan duruufihii ku xeernaa mudadaas yar ee qaadka aan “joojinay”

 

Ugu horayn, in go’aan sidaa u saamayn wayn dowlada, ganacsatada qaadka iyo bulshadu isla qaataan, mudadiisu haba koobnaatee, waxay muujisay in aynu dhisi karno oo wada fulin karno go’aano bulshada wax wayn ka badali kara.

Waxaynu dareenay in ay suuro gal tahay in Qaadka aynu si dhab ah u joojino hadii aynu arin iyo aqoon isugeyno isla markaana aynu dejino qorshe mudo dheer ah oo ku dhisan wadaniyad, xilkasnimo iyo badbaadin.

 

Waxa iyaduna meesha ku jirta in loofiirsado sida ay kuyimi go’aanka qaad joojintu. Yay ahayd cidda riixaysay caddaadiskii bulsho ee dowlada ku dirqiyay in ay go’aanka qaadato iyadoo aynu ognahay in ay in badan ka warwareegtay joojinta qaadka sababo badan oo gar noqon kara dartood.

 

Waxa iswaydiin mudan kooxihii iyagu bartilmaameed saday Qaadka ee ugu danbaynna ku guulaystay in ay tooda meel mariyaan awood intee le’eg ayay ku leeyihiin bulshada, awoodaasi se halkay salka ku haysaa? mase inoo muuqataa in ay garoocdeen haybadii dowladnimo xattaa hadii arinta ay doonayeen loo garaabi karo.

 

Waxa laamaha dowlada ee qaabilsan fulinta sharciga la gudboon in ay iswaydiiyaan bal in sida ay go’aankaas u fuliyeen ay ahayd habkii ugu fiicnaa ee loo fulin kari lahaa. Waxa muuqday gaabis ah in aan loo hagar bixin joojinta qaadka, waxa kale oo ย jirtay ka hordhac xukunka maxkamadaha ah: sidaa darteed dib ma u qiimeeyeen sidii ay u howl galeen iyo wixii god-daloolo usoo baxday si ay uga digtoonaadan marka ay howl-galo noocan oo kale ah fulinayaan mustaqbalka.

 

Qaadku waa aafo qaran, waa dagaal cad oo Somalida ku socda. dhiigbax dhaqaale, burbur bulsho, caafimaad daro, dhaqan xumo xididaysatay, iyo maamul xumo dowladeed intaaba waa u aabo. In laga tashado oo qorshe loo sameeyo sidii loo joojin lahaa waa faral inna saaran mar ay noqotaba. Marka aynu dadnimadeena usoo baraarugno ee aynu dareeno in aynu dowladnimo sax ah u baahannay, ladagaalanka qaadku waxa uu noqon doonaa halka saxitaanka bulshda laga bilaabi doono.

 

Sidaa darteed, daraasad lagu sameeyo tijaabadii koobnayd ee inna dhaaftay waxay sawir inaga siin kartaa baaxadda musiibada aynu waajihi doono. Waxaynu fahmi karnaa wixii aynu ku wanaagsanayn iyo waxa aynu ku liidanay. Waxa laga soo saari karaa talooyin sal-dhig u noqda wajiga labaad ee dagaalka lala geli doono Qaadka goor ay noqotaba.