Hantida ugu weyn ee aan kaaga tegay waa jacayl….!!
Waxan ku soo koray tuulo yar oo ku taallay dooxada weyn ee Septies. Waxaanu ahayn beeraley noloshuna waa ay noo wanaagsanayd. Waqtigaygan caruurnimadu wuxu ahaa mid igu maasheeyey farxad iyo kalgacal dheeriya oo aan Hooyaday ka heli jiray maadaama oo ay aniga keligay i dhashay, waxay ku dedaali jirtay inay i siiso wax kasta oo i farxad gelinaya isla markaana aanan dareemin agoonnimadayda.
Nolosha iskuulku waxay ahayd mid aad u xiiso badan, waxan lahaa saaxiibbo aanu wada ciyaarno isla markaana is dacaayadayno.
Waxan Hooyaday dhawr jeer ka codsaday in aanay iigu iman iskuulka maadaama oo ay lahayd Il keliya ana aan ka cabsoonayey in saaxiibaday ogaadaan in Hooyaday Il keliya leedahay kadibna ay igu dacaayadeeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani uma ay dhaadhicin Hooyaday. Dhowr maalmood baan daaqada iskuulka ka arkay iyada oo soo socoto balse si degdega ayaan uga hor tegay si aanay u soo gaadhin iskuulka oo aan asxaabtaydu u arkin.
Maalin maalmaha ka mida waxan ku war helay hooyaday oo daba socota macalinkaygii xisaabta isla markaana soo gashay galaaska si ay ii aragto. Ardaydii oo dhan ayaa hal mar wada jaleecay kadibna qosol kaga taagay, balse hooyaday waxay ku dhawaaqday magacayga iyada oo leh “Hooyo, i soo yar bax”. Cadho darteed waan kici kari waayey, waxanan dareemay ceeb weyn oo ay saaxiibaday igu dacaayadayn doonaan.
Aniga oo aad u xanaaqsan ayaan kasoo baxay galaaskii, kadibna waxan toos ugu dhaqaaqay xaggii guriga, Hooyo way iga daba qaylinaysaa waxayna ku tiraabaysaa “Hooyo i sug waxan kuugu imi si aan kuugu indha doogsado markaan arko adoo waxbaranaya, isla markaana aan kuu keeno nusasaacihii oo aad saaka soo ilowday”.
Waan kusoo jeestay anoo aad u qaylinaya kuna leh “miyaanan kun jeer ku odhan ha iigu iman iskuulkayga, bal sidaan wax ula sii dhigan doonaa ardaydii saaka oo dhan ku qoslaysay ishaadan gorofka ah, waad i ceebaysay waanad ii bah dishay cidkasta maanta, ma doonayo in aan dib kuu arko ee iga hor dhaqaaq ana waxan ballan kuugu qaadayaa in aan ka dheeraado meel aad joogto” kadibna waan dhaqaaqay.
Waxan la degay saaxiibkay waxanan go’aan ku gaadhay inaan ka tago magaaladan iyo iskuulkaba. Isla maalmihiiba waxan waxbarasho bilaash ah ka helay waddanka Singapore oo aan ku dhamaystay iskuulkii iyo jaamacadiiba. Halkaasaan shaqo ka bilaabay isla markaan ku guursaday oo noloshaydii ku qaatay aniga oo aan mar qudha dib ula xidhiidhin Hooyaday iyo tuuladaan kusoo koray toona.
Goor galab ah abaaro 5:30pm aniga oo ka imi shaqadii isla markaana fadhiya beerta gurigayga daawanayana caruurtayda oo ku ciyaaraysa daarada ayaa lasoo garaacay albaabkii guriga waxa ka furay wiilkayga curad oo 8 jir ah balse isaga oo qaylinaya ayuu dib u soo cararay, dhamaan caruurtii waxay isku dartay oohin iyo qaylo aad u dheer oo cabsi badani ka muuqato, si degdega ayaan u kacay waxanan arkay hooyaday oo aad u gabowday, dayac iyo diif badanina ka muuqato oo taagan albaabka, aad baan u xanaaqay waxan ku idhi: “Sowtaan ku idhi aragayga waan kaa dheeraynayaa ee i daa, sidaad u awoodday in aad gurigayga timaaddo oo aad carruurtayda cabsi geliso? ii dhaaf gurigayga noloshaydana ii daa waan ku baryayaaye”.
Hooyaday way oyday wayna dhaqaaqday.
10 sanadood ka dib waxan booqday tuuladii aan kusoo koray si aan uga wardoono xaalada ay ku nooshahay Hooyaday, waxan tegay gurigayagii oo cidla ah isla markaana aan wax dhaqdhaaq ah lahayn. Waxan waydiiyey jaarkii inay arkeen Hooyaday waxayna ii sheegeen inay geeriyootay 9 sannadood ka hor ayna iigu dhiibtay waraaqdan. Runtii waan naxay waxaanan furay waraaqdii waxa ku qoran hadal sidan u dhigan:
“Wiilkaygii aan jeclaayow ma qiyaasi kartid sidaan ugu faraxsan ahay in aad maanta ku soo laabatay gurigeennii, waxan doonayaa in aan laabta ku geliyo oo ku dhunkado balse ma awoodo in aan kasoo tooso sariirta aan jiifo hadda.
Wiilkaygiiyow in badan ayaan kuu xiisay, subax kastana waxan furi jiray albaabka si aanad u soo garaacin markaad ii imanayso ee aad u soo gasho adoon ku daahin garaaca albaabka.
Wiilkaygiiyow waan ku jeclahay mana qiyaasi kartid intaan aragtidaada u xiisay. Muddo dheer bay igu qaadatay in aan ogaado halka aad adduunka kaga nooshahay, dhowr jeer waan ka shakiyey in aad nooshahay balse qalbigayga ayaa ii sheegi jiray in aad nooshahay oo farxad ku nooshahay.
Wiilkaygiiyow maalintaan kuugu imi Singapore waxay igu qaadatay safar dheer oo hawl badan in aan soo gaadho Singapore balse daal oo dhan waxa i illowsiiyey markaan ku arkay adiga, weliba waxa iiga sii farxad badnayd markaan arkay in aad caruur yaryar oo faraxsan iyo xaas qurux badan yeelatay, run ahaantii waxay maalintani ka mid ahayd maalmihii nolosha iigu farxada badnaa.
Wiilkaygiiyow, waxan doonayaa inaan kuu sheego qiso aanan hore kuula wadaagin, markii aad yarayd adoo maalin ku ciyaaraya waddada agteeda ayaad gashay shil aad u khatar badnaa oo sababay in aan aniga laftaydu koomo u galo dartaa, nasiib wanaag waad ka badbaaday geeri balse waxad weyday ishaadii bidix oo xalku noqday in lagaa saaro oo keliya, arintaasi waxay igu dhalisay werwer badan waxanan murugooday in badan ugu dambayn waxan go’aan ku gaadhay in aanad korrin adiga oo leh il keliya kadibna waxan kuu saaray ishaydii bidix si aanad uga duwanaan caruurta khayrkaa ah aniguna waxan doortay in aan Il la’aado adiga dartaa.
Waan farxaa markasta oo aan arko adiga oo faraxsan oo indhahaagii kuu dhan yihiin.
Wiilkaygiiyow hantida ugu weyn ee aan kaaga tegay waa inaan ku jeclaa, weligayna ku jeclaan doono.
Waan ka murugoonayaa in aynu nolosha ku kala fogaanay balse waxan rajaynayaa in aynu aakhiro dib u midowno.
Waan ku jecelahay hooyo macaan”.
Farriintan markaan dhameeyey ayaan koomo galay, ilaa iyo maantana noloshaydu waxay u dhaxaysaa geeri iyo nolol.
Hooyadaa oo kuu hanweyn.
Qisadii Mack Wolfe,
Qalinka: Mursal Ardale