Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.5aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Abuubokor Ibraahim Pasha:

Aboubokor Ibrahim Sheebaani oo ku magacdheeraa (Aboubokory Pasha ama Aboubokor Bey), waxa uu ahaa nin u dhashay qoomiyada loo yaqaano Dankili ama imika loogu yeedho Canfarta; laftiisa hoosana waxa uu ka soo jeeday Jilibka la yidhaah (Xasooba). Inta badan waxaa lagu tilmaamaa in uu Aboubokor Pasha asalkiisii hore ka soo jeedaqy Turki, qaar kalana waxa aay tilmaamayaan in uu ka soo jeeday Cumaan oo aay asaliyadiisii hore ahaayd Carab. Xaalku sida uu la doona ha loo-dhigee ta qudha ee la hubaa waxa aay tahay oo cadaaynteeda la hayaa in uu Aboubokr Pasha uu ka soo jeedo qoomiyada Canfarta ama Danaakilada gaar ahaan qabiilka loo yaqaano (Xasooma).

Aboubokor Ibraahim (Aboubokor Pasha) waxa uu ahaa nin tijaara oo aqoon badan leh, dawladii Cismaaniyiintuna aay aad u cisaayn jireen. Aboubokor Pasha waxa inta badan u safri jirey magaalooyinkii camirnaa Istanbuul. Qaahira,iyo Bumbay yo Baqdaadn oo uu ku badnaa oo safaraduu ku maraayo uu joogtaayn jirey. Aboubokor Pasha iyo qoyskiisuba waxaa aay diiwaanka taariikhdu muujinaysaa in aay ahaayeen aasaaseyaashii magaalada Jibuuti oo aay soo dejiyeen mustacmarkii Faransiiska. Bourhan Aboubokor Pasha oo loo yiqiin (Borhaan Bey) ayaa ah ninkii kaalinta waayn ka qaatey dhisida Dekada Jabuuti iyo xaddiidka tareenka ee taga ilaa Addis Ababa sannadkii 1888 kii isagoo la kaashanaaya Mustacmaradii Faransiiska.

Markii uu abaabulkii uu Burhaan Bey uu ku doonaayay in khadkii tareenka laga dhiso Jabuuti, dakadana aad loo horomarayey ayaay taasi noqotey burburkii magaalada Zaylac oo aay safaradii Harar ka iman jirey aay uuga wareegeen zaylac dhanka Jabuuti. Qooys ahaan muddo dheer waxa aay qooyska reer Bourhaan Bey Jabuuti ka ahaayeen dad ka dhex muuqda maamulka iyo hagida siyaasada Djibouti xilligii Mustacmarada Faransiiska oo ilaa inankii uu Buurhan Bey awoowga u ahaa ( Cali Caarif Buurhan Bey) baa ka noqdey madaxweynihii uugu horeeyay ee Jabuuti xilligii mustacmarada. Burhaan Bey sidoo kale waxa uu aabihii Aboubokor Pasha wakiil uugu ahaa Berbera markii uu aabihii qabsadey saldnadii Zaylac sannadkii 1856 ilaa dabayaaqadii 1884 kii.

Abuubokor Ibraahim Sheebane (Aboubokor Pasha) waxa uu heshiis la soo galey Suldaankii Xudeeda u fadhiyay boqortooyadii Cismaaniyiinta. Suldaankaasi oo soo siiyey 500 oo askari iyo doonyo waaweyn oo aay saaranyihiin qoryaha waaqlaha ee loo yaqaano (Canon). Ciidankaasi waxaa hogaaminayey dhawr ka mida inamadiisa oo uu Buurhaan Bey Abaanduule u yahay. Waxaanay Abuubokor Pasha iyo inamadiisii aay inqilaab kaga qabsadeen Saldanadii Zaylac Xaaji Sharmarke Cali sannadkii 1856 kii. Xaaji Sharmaarke waxaa loo tacaabay Xudeeda halkaasi oo muddo dheer uu jeel ku jirey.

Abuubokor Pasha, markii uu qabsadey Zaylac waxa uu inankiisii Burhaan Bey ka dhigey dhaxal suga ah Saldanadiisa, waxaanu Burhaan Bey u direy Berbera si uu halkaa uuga noqdo Badhasaab isagoo badalay Maxamed Xaaji Sharmaarke oo isna xilkii laga xayuubiyey markii Aabihii la inqilaabay.

La Soco Qormooyinka Dambe
Soo Diyaarintii.

Khadar Jaambiir Egeh