Xalka Doorashada Wakiilada Q.4aad (WQ: Sacad Aareeye)

Geba-gebo iyo Talo soo-jeedin

Geba-gebo:

Maqaalkii 1aad waxaynu kusoo qaadanay hordhac kooban iyo xalka 1aad, aniga oo isku dayay inaan dhiso hannaankii loo qoondeeyey 82ka mudane ee golaha wakiilada sannadkii 2005tii oo shaxan ku muujiy, si fahamka aan usoo dhaweeyo. Maqaalkii 2aad waxaan kusoo qaatay qaab cusub oo aan kasoo dheegay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jsl (Xeer LR 23/2002) ee wax-ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey 2007dii. Halka aan maqaalkii 3aad kaga hadlay hab cusub oo aan ka soo dhiraan-dhiriyay tiro-koobkii ay samaysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dadku United Nations Population Fund (UNFPA) sannadkii 2014kii.

Qormadan 4aad uguna dambaysay waxaan kusoo qaadi doonaa isbarbar-dhig aan ku samayn doono 3da xal iyo mid kastaa halka uu ku wanaagsan yahay iyo halka uu ku liito, aniga oo raacin doona soo koobid iyo talo soo jeedin.

Haddii aynu soo qaadano xalka 1aad oo ah kii lagu galay doorashadii 2005tii, waa mid ay heleen gobolada dalku tiro isku dhaw oo mudaneyaal ah marka aad barbar-dhigto tirada dadka deggan gobol kasta. Goboladu sidan ayay u kala heleen: Maroodi-Jeex [20], Togdheer [15], Awdal [13], Sanaag iyo Sool min [12] halka Saaxil ay ka heshay [10] mudane. Xalkan waxa tabasho xooggan ka keenay gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag bari. Halka ay salka ku hayso abbaartoodu ama bashadoodu haba kala duwanaato e’, waa dood ay ka qabaan tirada mudaneyaasha ee hadda ee kor ku xusan. Tabashadooda waxa xoojinaysa  sannadkii 2005tii waxa lagu heshiiyay in markan [2005] oo keliya lagu galo inta aan la gaadhin doorashada soo socotana [2010] xal waara oo lagu wada qanacsan yahayna  laga gaadho saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada ka hor doorashada dambe [2010].

Habkan faa’iidadiisu waxa weeyi  marka loo eego tijaabada hore ee la geliyay iyo xilliga la haysto oo kooban awgii la isticmaali karo, iyada oo waan-waan iyo goboladaa oo la qanciyo lagu dhamayn karo. Tusaale ahaan haddii la is yidhaahdo hab cusub sameeya, wakhti ku filan looma hayo, doorashaduna dib ayay u dhacaysaa, haddii degdeg loo alkumana, aad ayay suurtagal u tahay in wax badan la il-duufo, boobsiisa awgii.

Dhibka kaliya ee uu leeyahay waa in la dayacayo heshiiskii la sameeyey 2005tii iyo inaan la dhagaysan gobolada tabashada qaba oo dabcan tabashadoodu macquul tahay.

Xalkii 2aad oo ahaa mid aan kasoo dhiraan-dhiriyay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jsl (Xeer LR 23/2002) ee wax-ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey 2007dii, qayb ahaan ayuu xallinayaa dhibaatadii oo tusaale ahaan Sanaag ayaa helaysa 8 mudane oo dheeraad ah marka lagu daro 4 mudane oo ay degmo ahaan u helasyo Sanaag, hase yeeshee ka badanaysa tiradii dastuurku ogolaa. Mudaneyaasha u kordha Sanaag, waa qaar u kordhaya Sanaag bari lafteeda oo tabashadu ka imanaysay. Halkan hal-xidhaale ayaa yaala oo waa in laga fekero sidii degaannada cabashadu ka taagan tahay loogu kordhin lahaa, iyada oo aan wax loo dhimayn wadajirka bulshada gobolka. Halkaa waa la habayn karaa oo wax baa la isku jarjari karaa. Dhibka keliya ee uu leeyahay waa inaanu Awdal waxba u kordhinayn, balse taa cakiskeeda, tiradii hore wax iska dhimayaan. 10 mudane oo keliya ayay helaysaa Awdal (hannaankii 2005tii waxay heshay13 mudane). Sool waxay helaysaa hannaankan 12keedii hore oo waxba ismakama bedelayaan.

Hannaankan sidan ayay gobolada u kala helayaan: Maroodi-Jeex [20], Togdheer [14], Sanaag [20], Sool [12], Saaxil [10] iyo Awdal [10] mudane. Gobolada Maroodi-Jeex, Saaxil iyo Sool waxba iskamay bedelin tiradii 2005tii, halka Togdheer hal mudane ka go’ay, Awdal 3 mudane ayaa ka go’ay hannaankan. Sanaag na waxa u kordhay 8 mudane. Tirada mudaneyaaashu way is bedelaysaa oo waxay noqonaysaa 86 mudane taasi oo khilaafsan dastuurka Somaliland oo tirada mudaneyaasha ka dhigay 82ka mudane ((Eeg qodobka 40aad ee Dastuurka Somaliland).

Hannaankan waxa dheeraad ku ah 4 mudane oo Sanaag ayaa 10ka degmo ee ay ka kooban tahay ku heshay tiradaa dheeraadka ah. Waa in qorshaha lagu darsado sidii tiradaa dheeraadka ah lagu waafajin lahaa dastuurka, iyada oo la ilaalinayo in Sanaag bari la daweeyo tabashadeeda.

Hannaankani hal dhibaato ayuu dawaynayaa oo ah in Sanaag loo helo xal, halka aanu waxba usoo kordhinayn Awdal, Sool na sideedii hore ahaanayso.

Xalka 3aad oo aan kasoo min-guuriyay tiro-koob ay samaysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dadku United Nations Population Fund (UNFPA) sannadkii 2014kii, waa mid la isticmaali karo haddii laga guro qodxaha. Sidan ayuu u kala siinayaa gobolada: Maroodi-Jeex/Saaxil [28], Togdheer [17], Sanaag [13], Awdal [15] iyo Sool [7]. Jajabka waan ka tegay maadaama oo aaanay ahayn tiro buuxda, waa shaqo u taal daneeyayaasha inay go’aan ka gaadhaan gobolka jajabka loogu darayo iyo ka loo guurinayo (Rounding). Habkani wuxuu dan weyn u yahay Awdal oo 2 mudane ku helaysa. Hase yeeshee, Sool ayuu 7 mudane oo keliya siinayaa, halka Sanaag 1 mudane oo dheeraad ah ka helayso. Caqabadda kale ee uu leeyahay waa inuu Maroodi-Jeex iyo Saaxil hal gobol ka wada dhigay oo isku qaaday, 2 mudane na ay si wadajir ah u waayayaan. Midda labaad, Togdheer oo aanay cabasho ka taagnayn ayaa helaysa 2 mudane oo dheeraad ah.

Talo-soo jeedin:

  1. Madaxweynaha iyo Axsaabta Qaranka:

Daneeyayaasha doorashada iyo saamiqaybsiga (axsaabta qaranka) waxaan usoo jeedinayaa inay ahmiyadeeda siiyaan arrinta saamiqaybsiga, si la mid ah siday u siiyeen xallinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ). Waa muhiim, si ay doorasho u dhacdo in loo gogol-xaadho oo la sii bidhiiqiyo arrimaha. Haddii caqabad keliya xoogga la saaro, oo aan si wadajir ah loo abbaarin caqabadaha oo dhan, waa hubaal inaanay doorasho dhacayn. Saamiqaybsiga waa la dhayalsaday ee waa inaan imikana la boobsiin. Waa in laga fiirsado si dhab ahna loo soo afjaro arrintaa, iyada oo heshiis lagu wada yahay.

Mas’uuliyadda ugu weyn iyo doorka hoggaamineed waa mid saaran madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo kala shaqaynaya xisbigiisa Kulmiye, UCID iyo Waddani, hoggaanka dhaqanka, ururada bulshada rayidka ah iyo inta kale ee ay khusayso sida golaha wakiilada oo doorka samaynta xeerarka leh.

  1. Daneeyayaasha doorashada (Qaadhaan-bixiyaasha):

Daneeyayaasha doorashada Somaliland oo u badan qaadhaan-bixiyayaashu waxay xoogga saareen oo ilaa hadda ku cadaadinayaan Somaliland inay doorasho qabato. Caqabadda KDQ way kala shaqeeyeen, hase yeeshee kuma baraarugsana ama way iska indho-tirayaan cabadda 2aad, ahmiyaddeedana leh oo ah saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada.  Waxaan usoo jeedinayaa inay ku baraarugsanaadaan arrimaha ku xeeran in doorasho la qabto iyo cabaddaha haysta oo ay dawladda Somaliland tahay inay kala shaqeeyaan. Midda labaad waa inaanay markay doorashadu soo dhawdahay ku baraarugin, taa bedelkeeda se waa inay Somaliland kala shaqeeyaan gogol-xaadhka iyo bidhiiqinta doorashada.

Tix-raac:

  1. Dastuurka Somaliland
  2. Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jsl (Xeer LR 23/2002) ee wax-ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey 2007dii
  3. Population Estimation Survey 2014, UNFPA
  4. Cali Jaamac Qalinle (2009) Taariikhda Umadda Soomaaliyeed
  5. Further Steps to Democracy: The Somaliland Parliamentary Elections (2006) Progressio Report.