Wuxuu ahaa oday da’ ah, oo goblan ah haddana Laaji ah ama aan degenayn dhulkiisii hooyo oo ku nool magaalada Aliskanderiya ee waddanka Masar ku taala.
Wuxuu gali jirey ama uu ku noolaa guri yar oo cariij ama buul ah cid wax siisa ama u gargaartaana ma ay san jirin, hadana noloshiisu waxay ahayd mid layaab leh oo dadka la jaarka ahi ay is weydiin jireen tolow yaa quudiya odaygan gaboobay.
Dadku marwalba waxay arkaan isagoo xidhan dharka aad u qaaliya, gurigiisa marka ay hormarayaan dadku waxay uriyaan cunto aad u udgoon oon ahayn urtii ay ka urin jiriin guryahan caadiga ah. Wajigiisu wuxuu ahaa mid aad u iftiimaaya oo aanay wax diif iyo tacab ahi ka muuqan.
Maalin maalmaha ka mid ah CIIDNA ah ayaa waxay ay dadkii xaafadu isugu yimaadeen barxad weyn oo lagu tukado salaada ciida iyadoo uu ka mid ahaa odaygii faqiirka ahaa ayaa waxa su.aal weydiiyey nin kamida dadkii meesha joogay oo yidhi.
‘adeer waxaan ku weydiiyey dadka xaafada ayaad ka mid ahayd ilaa in muddo ah mar kasta oo aanu wax u qabta is nidhaahno waxaanu aragnaa adigoo ku nool nolol taayadaba ka fiican wax shaqo ahna ma hayside maxaad quudataa oo aad ku nooshahay’.
Odaygii da,da ahaa wuxuu ku jawaabay jawaab dadkii oo dhan ka yaabisay wuxuuna yidhi ‘ waa runtiin wax camala ma hayo cid bani aadama oo ii gargaartaana ma jirto lkn waxaan la xidhiidhaa ilaaha iska leh uumanka samada iyo arlada oo i quudiya’
ninkii ayaa wuxuu odaygii ku celiyey ‘ adeer ilaahay anaguba waanu barinaaye ma si naga duwan ayaad u baridaa’.
Odaygii wuxuu yidhi ‘ waxaan ilaahay baryaa ama ku ducaystaa ilaahayow ii quudi ama ii arsaaq sida aad u quudiso TUKAHA YAR deedna waan helaa waxaan doonayo iyadoo aan ugu tago guri gayga wixii aan ilaahay weydiistey.’
ninkii waxa uu weydiiyey odaygii adeer bal iiga waran ducadan maxaa ku duugan’
odaygii intuu ilmeeyey ayuu yidhi ‘ waa arin cajiiba ilaahay isda uu u quudiyo TUKAHA YAR tukaha weyni marka uu dhalo ee uu beedka dhigo wuu huuriyaa ilaa inta uu ka gaadhayo xiligii uu dilaacayey, marka uu gaadho xiligii dilaaca ee uu afka ku dhufto waxa uu rajaynayaa inuu kasoo bixi doono dhal madow oo isaga u eg lkn waxaa kasoo baxda dhalo yaryar oo cadcad oo aan madow ahayn TUKIHII weynaa wuu ka argagaxaa dhasha cad wuuna ka baxsadaa. Marka uu sidaa uga tago dhashii yarayd waxay u baahan tahay wax ay cunto ileen waa nafleye, intaa ka dib ilaahay swtc wuxuu baalasha dhashayar kasoo saaraa ama kasoo kaahiyaa UR layaab leh oo ay ka dhashaan DIRXI ka dib dirxigaa ayey dhalahii cunaan oo ay ku noolaadaan,
mudo ka dib waxa maalinba maalinta ka dambaysa is bedesha baalashii midabkoodii oo noqda madaw, maalinta ay wada madoobaadaan ayey hooyadii oo dusha ka ilaashan jirtey kusoo noqotaa oo u timaadaa maadaama uu madowgii ay rabtay uu noqday. Isla marka ay u timaado waxa baaba’a urtii oo waxa suula urtii oo waxa dhamaada dirxigii maadaama ay hooyadii u qadhaabayaso cajiiiiiiiib aniguna sidaa ayaan ilaahay u baryaa oo uu iigu quudiyaa sida tukaha yar’ wax ooyay dhamaan dadkii dhagaysanaayey oo layaabay habka uu Allah u quudiyo tukaha yar waxayna ku dhawaaqeen ALLAHU AKBAR JASAKA ALLAHU KHAYR.
Waxaa ducadan u gudbinayaa walaalahay inay ku ducaystaan. Aniga laftaydu waxyaabo ayaan ka arkey.
Qalinkii Cabdi Caawiye