Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu afur u sameeyey Qurba-joogga iyo madaxda Laamaha dibedda ee xisbiga

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyadda iyo Baarlamanka ee u qorshaysan in ay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.

Sidaana waxa uu Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga Kulmiye u sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamaha xisbiga ee dibedda, gaar ahaan dalal ka tirsan qaaradda Yurub xalay.

Casuumadda oo ahayd afur iyo casho ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo qayb ka ah dardargelinta u diyaargarowga xisbiga ee doorashooyinka soo socda, waxa ka qaybgalay xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, qurba-joog fara badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee waddamada dibadda ku nool oo ay ku jiraan madaxda laamaha xisbiga ee dalal ku yaal Yurub oo ay ka mid yihiin Sweden, Finland, Wales iyo kuwo kale.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, Maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase) iyo siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo dhawaan xisbiga ku biiray, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen kulankaasi uga mahadceliyey qurba-joogga ajiibidda casuumadda xisbiga Kulmiye u sameeyey, waxa kale oo ay uga xog-warrameen hawlaha xisbiga iyo xukuumaddiisa, waxqabadka ay dalka ka hirgelisay, u diyaargarowga doorashada iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey qurba-joogta xisbiga, waxaannu u sheegay in xisbal-xaakimku marayo halkii u wanaagsanayd waqtigan, isla markaana uu rajo wayn ka qabo inuu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œKulmiye maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, Kulmiye waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoogaystay, Kulmiye waa xisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oo dhami. Xilka inna saarani waxa weeye Kulmiye lix sanno oo uu xilka hayey magaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka wax badan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada horumarka ayeynu sii wadi, wixii aynu toosinay ee wanaagan ee inoo baxay waynu sii wadi doonaa, wixii qalad ah ama aanay fursaddu inna siina iminka ayeynu daraasadeedii samaynaynaa oo aynu dhammaynaynaa,โ€

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com