Qormo: Degganaan!! (WQ: Mustafe Barkhad Cabdilaahi “Dhimbiil”)

Waa xilli galab ah oo jawigu rooban yahay. Goobtu waxay leedahay  dhir madaxa is wada gelisay, oo cagaaran. Waxa dhacaysa laydh, wadata saxansaxo udgoon oo roobka hordhac u ah. Onkodka baxaya waa mid maqalkiisa la jeclaysanayo oo aanad ka naxayn. Goobta waxaa ku sugan dad aad u faro badan, wejiyadoodana waxaa ka muuqata farxad an la qiyaasi karin. Sawaxanka dadku waa mid  kala joogsi lahayn, laakiin shimbaraha geedaha  kor saaran ayaa abuuraya  jawi nasasho oo codkooga waxaa la moodaa soo dhawayn gaar ah ! Mararka qaar baad is odhanaysaa dadkii oo dhan ma goobtan baa kulmisay. Ishaadu wax ay dhibsato ma arkaysid. Suurto gal maaha 5 daqiiqo oo isku xiga inaad kursiga fadhido. Waayo kolba waxaa kugu  soo baxaya qof ad saaxiib dhaw ahaydeen laakiin wakhtigu  midba  meel ku xidhay. Daymada hore ee indhuhu is qabtaan ba waxaa bilaabmaya dhoola cadayn, waa lagama  maarmaan inaad laabta is gelisaan, gaar ahaan ragga; dumarka kolba labo isku boqol yoobay baa weji furnaan isku qaabilaya. Dumarku inay laabta is geliyaan waxyaabo kale ayaa u dheer( —–) . Is xog waraysi boobsiis ah ka dib,  jawigii ayaa halkii ka sii soconaya. Waxaad is odhanaysaa noloshuba miyay maalinkasta sidan uun iska ahaato. Carruuurta xataa hadday kufaan ama dhulka ku dhacaan ma ooyadaan’ sababtoo farxadda ayaa hilmaamsiinaysa, xannuunka kasoo gaadha jugta. Laakiin adeegga ad dalbato wuu kaa soo raagayaa. Adeegaha( waiter) goobtu mararka qaar adiga oo sharaab dalbaday buu shaah qaboobay kuu keenaya, mararka qaarna waxaad waayeysaa qof wax kuu keenaa. Sababtuna waa dadka oo aad u faro badana. Sidaas darteed adeegayaasha  goobta oo aanan xaaladdan  u baran waxay  dareemayaan  daal, kaas oo keenaya ilawsho. Goobahan iyo xilliyadan oo kale markay isku beegmaan, waxaan soo jeedin lahaa in ay shaqaalaha kordhistaan, kuraastana badsadaan. Balse ma dedaal yara.

 

Galab wanaagsan

 

W/Q: Mustafe Barkhad Cabdilaahi ( Dhimbiil)