Qormooyin taxane ah: Kala-duwanaanshaha hoggaamineed ee Siilaanyo, Rayaale, Cigaal, Saleebaan iyo Sheekh Ibraahim, Q.1aad (Subeer Daahir)

Qormooyin Taxane  Ah Oo Diirada Ku Saarayno Kala Duwanaanshaha Hogaamineed  Ee Madaxwayne Siilaanyoo,Gudoomiyaha Guurtida Saleemaan , Madaxwayne Rayaale Iyo ALLE Ha U Naxariistee Marxuum Cigaal Iyo Sheesh Ibraahin

Qormadii 1aad

Kartida iyo Hogaamintu waa galad Eebee  Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Madaxwaynihii Hore ee S/land Maxamad X Ibraahin Cigaal 3/5/2002 waxaa siduu Distoorku dhigayay Shir Gudoonka Golaha Guurtida oo Sh Ibraahin horkacayaa si dhakhso ah xillkii ugu wareejay  Madaxwayne ku xigeenkiisii  Daahir Rayaale Kaahin waxaana xusid gaara mudan in Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Madaxwayne Cigaal  aanay Joojin hakadna  galin Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxaanu Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale markuu xillka la wareegay Todaba Bilood ka dib dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka 15/12/2002 halka Afar Bilood ka dibna uu ka qabtay  Doorashadii Madaxwaynaha 14/4/2003 halka Doorashadii Golaha Wakiilada uu dalka ka qabtay 29/9/2005 isagoo Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale culays siyaasdeed iyo Mucaarad Xoogan oo kaga imanayay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye aanay horjoogsan in uu sii wado Geedi Socodkii Dimuquraadiyada waxuu Doorashadii Labaad ee Madaxwaynaha Dalka ka qabtay 26/6/2010 .

Tan iyo Markii Xukuumada  Madaxwayne Siirraanyo Talada Dalka kala wareegay  Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale 27/10/2010 waxaa dalka ka Curatay Xukuumadii ugu ngulayd uguna taagta darnayd xaga Tartamada haday Ciyaaraha Kubada tahay iyo haday tahay Tartamada dhanka  Doorashooyinka   Siyaasada tahayba iyadoo Wareegii u danbeeyay ee Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada S/land ee Magaalada Boorama ka bilawday  12/10/2015 aan wali la hubin in ay qabsoomi doonaan qaybtii Labaad ee Wareega Kubada  Cagta oo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyoo  u mudaysay in qaybta Labaad ee wareega Kubada Cagta ee Gobolada S/land ka bilaabmi doonaan  Caasimada Hargaysa  27/10/2016 waxaana Marag ma doona in mudo Sannad ah Xukuumada Madaxwayne Siilaanyoo la rafanayso in ay soo gunaanado Tartankii Kubada Cagta Gobolada S/land ee Magaalada Boorama ka bilawday  12/10/2015 oo mudo Sannad ah laga joogo iyadoo dhacdadan lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ( Ninkaan quusanin isagaa quusee ) waxaa arin daran Mucaaradka iyo Muxaafidka doorasho ka sugaya  Madaxwayne Siilaanyoo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan  oo markii Jaanta iyo Jiibta ay isla heleen ay S/land Cagta saartay Jidka mudo  kordhinta oo dhabada u xaadhay in ay gabiahaanba  joogsato Geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land  .

Waxay Madaxwayne Siilaanyo iyo Guddoomiye Saleemaan isla kaashadeen in mudo kordhintii ugu dheerayd u sameeyaan Golaha Wakiilada sidoo kale waxay Madaxwayne Siilaanyoo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida  Saleemaan meesha ka saareen in ay qabtaan Doorashadii Golaha Guurtida Nidaam kasta ha lagu soo doortoo  iyagoo Madaxwayne Siilaanyoo iyo Gudoomiye Saleemaan ay mudo xileedkoodan  u sameeyeen Golaha Wakiilada Sadex mudo kordhinood sida mudo kordhintii 7/9/2010 oo  Laba Sanno iyo Sideed Bilooda u kordhiyeen Golaha Wakiilada mar kale waxay  Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwayne Siilaanyoo  10/4/2013 mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen Golaha Wakiilada  mar Sadexaad waxay  Golaha Guurtidu 27/5/2015 mudo kordhin Sanad iyo Todoba Bilooda u sameeyeen Madaxwayne Siilaanyoo iyo Golaha Wakiilada iyadoo Madaxwayne Siilaanyoo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan isla kaashadeen Siyaasad  Golayaashii Qaranka ka dhigtay kuwo hawl gaba oo u dabran Dheemaalka iyo Laaluushka  oo gudan Karin  Waajibaadka Distooriga ah ee Golayaasha Qaranka Xillku ka saaraa bal aynu Qormada Labaad Dib u milicsano Kartidii,Hogaamintii,Hal adaygii iyo Daacadnimadii Madxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo ALLE ha u Naxariistee Madaxwayne  Maxamad X Ibraahin  Cigaal iyo Marxuum Sheekh Ibraahin SHeekh SHeekh Yuusuf SHeekh Madar Toban Sanno ka hor,

Akhriste Fikirkaaga Ka Soo Dhiibo Kala Duwanaanshaha Hogaamineed Ee Masuuliyiinta Kor Ku Xusan

Qalinkii Subeer Daahir

waryaqaan@gmail.com

 

La Soco Qaybaha Danbe