Madaxweyne Erdogan waxa uu meelmariyey in uu dalkiisu ku sii jiro xaalada dag dag ah muddo saddex bilood oo kale

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa meel mariyay in saddex bilood oo dheeri ah lagu daro wakhtiga uu dalku ku sii jirayo xaaladda dag daga ah.

Guddiga ammaanka Turkiga ayaa soo jeediyey taladan Taladaas lagu kordhinayo wakhtiga xaaladda dag daga ah.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in loo baahday wakhti dheeri ah oo lagu dabar jaro khatarta ka timid waxa uu ugu yeedhay “kooxaha argagixisada ah” ee wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishii todobaad ka dhacay sannadkan.

Laakiin dadka dhaliishan arrintan ayaa waxay sheegeen in sharciga xaaladda dag daga ah si xun loo adeegsaday iyada oo ay intaas ku dareen in la xidh xidhayo dhammaan dadka ka soo horjeeda dawladda oo aysan ku ekayn dadkii looga shakiyay in ay maleegeen afgambiga.

Erdogan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo afjaridda waxa uu ugu yeedhay “marinka argagixisada” ee xuduudda Turkiga iyo Suuriya.

Xaalada dag dag ah ayaa waxay u saamexaysaa in xukuumadda uu xogaamiyo Erdogan ay adeegsadaan awood milateri.

bandhige@gmail.com