Qorrida Buugga Cilmi-Baadhista, Wakhtiga Qallin-Jebinta (Thesis) -Daabacaadda Labaad.

Qorrida Buugga Cilmi-Baadhista, Wakhtiga Qallin-Jebinta (Thesis) -Daabacaadda Labaad.

 

Jawiga Qorrida Buugga Cilmibaadhista

Dad badan inta ay wax qorayaan waxa  ay ugu baxdaa in ay keli ahaadaan oo ay Joogaan meel u gaar ah wax buuq ah-na aan laheyn.wax ay rumeysan yihiin in keliya  la qori karo wax saameyn leh iyo Cilmibaadhis, marka  meel nabdoon oo xasilloon la joogo kelina loo noqdo daraasada iyo qorraalka.in cilmi baadhistu u baahan tahay xasilooni,jawi degan,iyo kelinimo Dood baase ka furan.Xasilloonida,Jawiga degan,iyo goobaha nabdoon ee buuq la,aanta ahi marar badan ma siin karaan firfircoonidii dhabta aheyd ee uu  u baahnaa qof wax diyaarinayaa,si Maskaxdaadiisu u fekirto,Maxaa yeellay Dadyow badan Marka ay wax Qorrayaan ama cilmi baadhis muddo qaadaneysa ay billaabaan waxa ay  jecel yihiin in ay joogaan meelo asxaab badan iyo dadyow kala duwan ka muuqdaan 00 mashquul iyo dad badan leh.Waxa ay xooga saaran in ay markasta wada joogaan Asxaabta iskaashiga shaqo,ama Akhris ay wada leeyihiin,Waana sida loo badan yahay.Haddaba qorrida buugga qallin jebinta cilmi-baadhista Daraasadaha Xilliga jaamacadda ayaa ah mid u baahan markasta in la helo la fadhi dad,iyada oo Daraasada la baadhayaa ay u baahan tahay koox isku xidhan oo leh meel  go’an oo ay si joogto ah baadhistaasi  ugu wadaan maalin kasta.Wada Jooga iyo isu imaanshihuna  aan ka noqoneyn wakhti lumis ay kaga fogaadaan ujeeddadii.

Ardeygeena buugga yar ee Cilmi baadhista qallin jebinta qorrayaa waa mid Dhan casharadii Waxbarshadda iyo imtixaano kaga socdaan, dhana qorrida Buugg Cilmibaadhista difaacashada qallin jebinta ku hawlan kuna mashquulsan,isla markaasina hawlihiisii gaarka u ahaa ee nololleed ay ku furan yihiin Wakhtiguna cidhiidhi ku yahay.

Sida darteed Qorrida iyo baadhida cilmi baadhiseedba waxa ay qeyb ka tahay shaqo maalmeedkooda joogtada ah ee ay si maalinleh ah ugu qorsheysan.,Wakhtiyadasi iyo hawl maalmeedyada mashquulka badan dhexdooda ayuunbeyna ardeydu ku dhex wadaan darasadahaa billowga ah ee qallin jebintu kaga xidhan tahay, si meesha looga saaro in in maalin kasta 7 ilaa 7 fiidnimo Meel loo fadhiyo Cilmi baadhistaasi.

Inta ay Ardeydaasi sawirkoodu dusha sarre idinka muuqda ay qorrayeen buugga cilmi baadhista difaacashada Jaamacadda waxay u aheyd mid Maalin kasta oo timaadda wakhtigooda uu buuggu wax ku leeyahay, iyaga oo hadba halka ay ku joojiyaan ka sii ambaqaaddaayey geedi socodka qorraalkooda,Maalintoodu waxa ay ahayd mid ay si Joogto ah u aadayeen fasaladda Maaddooyinka jaamacadda,waxa ay ahaayeen kuwo wakhtiyadii ugu danbeeyey ee jaamacaddooda la qaadanaayey asxaabtooda iyo ardeyda ay isku fasalka yihiin,macaariiftooda ay wax wadaa bartaan iyo dadka kale badan ee ay magaalada ku leeyihiin intaba.waxa ay ahaayen kuwo si joogto ah qeyb uga ahaa guud ahaan  hawlaha waxbarasho ee kulliyadooda ka socda,waxa ay ahaayeen kuwo  qeyb ka ahaa wakhtigoodana wax ka siiya fadhiga ku diyaarinta buugga  Rukta Kutubta (library) jaamacadda,waxa ay ahaayeen  kuwo wakhtiyo nasasho iyo jawi meelaha buuqa leh sida maqaaxida cuntadda kula  qaata ardeyda inta ay ku jiraan qorrida buugga cilmi baadhistooda, jawigaasi  ayaaa  ahaa  midka  aynu ka sawiran karno daraasadooda  sidii ay u soo Wadeen.inta ay ku Jireen  dhameystirkaasi  cilmi baadhistana waxa ay ku qanceen in adduunka oo dhan u yahay mid u furan oo aaney aheyn in la iska  xidhxidho.

 

Wakhtiga

 

50% Wakhtiga  Ardeyga diyaarinaya buugga difaacashadu wuxu ku dhacaa akhriska iyo qorrida qeybaha buugga cilmi baadhista, 20% iyo hubinta xaqiiqada cilmi baadhistooda iyaga oo wax kasta  oo khaldan dib u saxaaya,halka 20% kale kaga dhaco wakhtigooda helida iyo diyaarinta weydiimaha xogta  baadhitaanka  lagu sameyn doono, halka ugu danbeyna 10% wakhtiga u soo hadhaa ku dhammaado daabacadda,sixidda buugga iyo dhammeystirka tixraacyada saxda ah.Ardeyda iyo Macallimiinta ku horjoogteysa Hab raacyada sharci ee Cilmi-badhistuna marka ay wakhtiga sida saxda ah uga soo faa,ideysan waayaan waxa dabayaqada iyo gunaanadka wakhtiga gudbinta buugga  isugu  yimaaadda culeysyo iyo  isku buuqyo badan oo khalkhal nafsaani ku abuurta.(sida Jawigu saameyn ugu leeyahay qorida daarasadaha ayaa wakhtiguna ugu leeyahay) iyada oo koox kasta garwaaqsan tahay wakhtiga jaamacaddu siiso dhammeystirka cilmi baadhisaha tijaabadaha ahi in uu yahay 3 billood oo fasaxyo iyo Mashquul badan leh.

 

Buggaagta Cilmi baadhista Ardeyda Halkee la Dhiggayaa

 

Su,aasha halkan ku jirtaa waxa weeyaan tirada badan ee cilmi baadhista ah ee sannad kasta kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda laga sameeya halkee  ku danbeynayaan?halkee la dhigayaa?Xogtaa intaasi leeg se Rug lagu keydiyo  oo qeyb ka ah Laybareeriyada jaamacaddaha sow Maaha.Kulliyaddo badan oo tobonaankii sannadood ee ugu danbeeyey shaqeynaayey xogtii cilmi-baadhiseed ee  ardeydu sameysey meel ay ku sheegaan ma laha.

wakhtigan casriga ah ee dalku ku jiheysan yahay markaad eegto haddi aan si mug leh looga fekirin habka cilmi baadhiseed ee ardeyda jaamacaddaha isla markaasina aan la horumarin sidii cilmi baadhistooda loogu diyaarin lahaa meelo iyo habab bulshaddu uga faa,ideysato sida ay hadda wax u socdaan ayuunbey iska ahaan doontaa.Sannadaha imanaya waa in ay noqdaan kuwo isbedel ku sameeya hanaanka cilmi baadhiseed ee jamacadaheena wakhtiyada qalin jebinta.

Ugu danbeyntii Ardeydaasi sawirkaasi quruxda badan xassuusta uga reebtay  buuggooda inta aaney kulliyada uga tegin iyo kuwo badan ee la midka ahaa ee guud ahaan dalkaba waxaaan u rajeynayaa in waayo aragnimadii ay ka dhaxleen inta ay hadda cilmi baadhista ka gaadheen ay ku dhiirigelin doonto mustaqbalka in ay maalgelin xoogan ku sameyn doonaan daraasaadka iyo cilmi baadhisaha kala duwan ee Mustaqbalka ku soo foolka leh.

Abdifataah  M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com