Xikmadaha Maanta

  • Haddii aynu koox fiican nahay oo hadaf leenahay, garnayno waxaan qabanayno midkeena waa uu ka waxqabad badnaan karaa 10 qof oo aan hadaf lahayn.
  • Tartamahaaga ka baro cashar laakiin ha marin ku dayashadiisa.
  • Qofka ka fogaada cabashada iyo calaacalka, farxaduna way usoo dhowaata.
  • Way adag tahay in la samro laakiin in la lumiyo abaalmarinta samirka ayaa ka xun.
  • Dhibaatooyinka noloshu waxay ku barayaan inaad ogaato awoodaada qarsoon.
  • Haddii aad cashar ka barato guuldarada hore guushaadu way dhowdahay.
  • Si aad hadafkaaga ugu guuleysato waa inaad leedahay naf hurid iyo maskax ku jihaysan.
  • Doqonka wuu noqon karaa qof maskax badan hadii uu fahmo inuu doqon yahay, laakiin kan maskaxda badani wuxu isu bedeli karaa doqon hadii uu rumaysto inuu maskax badan yahay.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com