Qorshihii Fashilmay ee Shiicadu u Galeen Hanashada Ardayda Suniga ee Ameerika (WQ: Dr Mahamed Sh. Abdirahman Kaariye)

Waqtiga aan ka hadlayaa waa sideetanadii oo ahaa sanadihii fangalay dhalashadii kacaankii sharaysnaa ee Khumayni, waxayna ahaayeen guyaal ay shiicadu is lahayd waxaydun ka hanan doontaan ardaydii faraha badnayd ee suniga ahyd ee ka buuxday jaamicadaha iyo kuliydaha Waqooyiga Ameerika iyo dalalka Yurub.

Laakiin , Ilaahay mahaddii , wuxuu noqday dadaal ay Shiicadu ku guul daraysatay, ku fashilantay, waji gabax iyo fadeexadna ka raacday, waayo waxay moodeen seere ay daaqiisa si sahala ugu dhici karaan,hase ahaatee godkay dabooleen iyo shilkay maleegeen Ilaahay ayaa ardayda ka sabat bixiyay.

Ardaydii sunniga ahyd ee xilliyadaa wax ka baranaysay Waqooyiga Ameerika ee dacwadana ku dhex jirtay waxay hogaanka u qabteen dacwad islaamiya oo ay calankeeda ka dhex qotamiyeen jaamicadaha iyo kuliyadaha, waxay dhidibada u aaseen xarumo islaamiya (islamic centers), waxayna albaabada u fureen masaajidadii ugu badnaa ee waqtigaa laga dhisay waqooyiga Maraykan. Khayrka faraha badan ee Muslimiinta maanta ku nool Maraykan ka dhaxleen ardaydaa ayaa ah tilmaamayaal warinaya raadka wanaagsan ee ay kaga tageen cariga Maraykanka.

Shiicada oo adeegsanaysay maal galin laxaad leh oo kaga soo burqanayay dowladda Iiraan ee dadaalka weyn ugu jirtay ilaa maantana ugu jirta siday mad-habka Raafidiga ah ugu dhex faafin lahayd bulshooyinka Suniga ah, ayaa yool iyo hadaf ka dhigatay inay fara geliyaan howlaha dacwada ee ka socday goobaha ardayda suniyiintu uga howl galayeen dacwada iyo faafinta diinta, iskuna dayaan inay kasbadaan qaybo ka mida ardayda, ama hadday kasban kari waayaana ay ku qanciyaan in farqi diimeed iyo mid caqiido u dhaxayn Sunaha iyo Shiicada, loona baahan yahay in Sunaha iyo Shiicadu isku bahaystaan ujeedooyin siyaasiya, khilaafka Sunaha iyo Shiicaduna ku salaysan yahay oo kaliya dhacdooyin taariikhiya oo loo baahan yahay in laga gudbo, dibna loo jalleecin.

Xeeladaha ay adeegsadeen way kala duwanaayeen, kala jaad iyo kala noocna way ahaayeen, laakiin waxay iskugu biyo shubteen siday u dhex xuluulan lahaayeen masaajidada iyo xarumaha dacwada ee ehlu sunaha, taasi oo bilowgii keentay in arday Suniyiini la tacaadufeen baaq-siyaasigii dowladda Iiraan, laba wadaad oo xilligaa ku dhex jiray dacwada, arday jaamacadeedena ahaa ayaan wax ka weydiiyay sababahii keenay tacaadufkaa iyo laab-lakacaa aan aqoonta ku dhisnayn.

Labadan walaal waxay labaduba isku tiriyaan safka salafiyada, ka hore waa taariikhyahan ku qaatay shahaadada maajisteerka cilmiga Juqraafiga , waana Falastiini ku koray Daanta Galbeed ee Filastiin., wuxuu ii sheegay in isaga laftiisu ay Shiicadu suldaartay, sababtana wuxuu u aaneeyay laba arimood wuxuuna yidhi “ Sideedaba haddaanu Filastiini nahay waxaanu u hanqal taagnaa ciddii ku baaqda inay Filastiin iyo Qudus xoraynayaan, dabcan Khumayni iyo dowladda Iiraana baaqaa ayay ku suuq galiyeen mashruucooda Raafidga ah. Ta labaadna waxa weeyi Jahli nagaga jiray caqiidada iyo diinta Shiicada, waxa kaliya een anigu ka aqaanay wuxuu ahaa inay gacmaha laalaadiyaan markay tukanayaan iyo inay Cali رضي الله عنه jecelyihiin, halka aynu inagu wada jecelnahay Cali iyo Mucaawiye رضي الله عنهما .” Waxa uu hadalkiisa iigu daray in arday reer Daa’ifi waydiiyay inuu wax ka yaqaano caqiidada Shiicada iyo in kale, dabcan jawaabtu waxay ahayd maya, halkaasi ayaan dib u akhristay , waxana ii soo baxay waxay yihiin iyo waxay ruymaysan yihiin.

Walaal kale isna waa Carab shahaadada PHD ku haysta cilimgai Fiskiska, Isaguna wuxuu ka mid ahaa ardaydii waayahaa wax ka baranaysay Jaamicadaha Maraykan, sababta ay bilowgii ugu dagmeen kuwa ka mida ardayda sunigi dacaayaddii Khumayni iyo Shiicada waxa uu u celiyay baaqii dananayay ee Khumayni is lahaa ku soo jiido Ehlu Sunaha ee ku wajhnaa xoraynta Filastiin iyo Baytal Maqdis, iyo in kacaankiisu u dhashay Muslin oo dhan meel walba oo ay ka joogaan daafaha aduunka, wuxuu ku seddexeeyay inay sheeganayeen jacaylka Ehlu Baytka, laakiin ayuu ydihi waxba ardaydu kama aqoon xaqiiqada caqiidada iyo asalada diintoodu ku dhisan tahay.

Laakiin markii aanu ogaanay caqiidadooda iyo siday u neceb yihiin saxaabada Nabiga iyo cayda ay ku hayaan xaasaskii Nabigeena صلى الله عليه وسلم khaasatan Caa’isha bintu Siddiiq, ayaa laga faraxashay Shiico iyo warkeedii.

Muxaadaradii Sh.Dr.Cumar Al-Ashqar ee Kashiftay Siicada:

Kulan ay qaban jirtay jimciyadda “ رابطة الشباب المسلم العربي في أمريكا وكندا” oo loogu talo galay aradayda ku hadashay afcarabiga ayaa mid ahaa mu’tamraadka ugu nafciga badnaa kulanada ardayda, waxa la qaban jiray bisha Diisember sanad walba wuxuuna socon jiray shan maamlmood, waxa lagu martiqaadi jiray culimo looga yeedhay dunida Islaamka, dhalinyarada ka soo qayb gashaana waxa lagu qiyaasi jiray shan kun.

Mu’atamarkii ay jimciyadu qabatay sanadkii 1984 oo ka dhacay magaalada Daalas ayaa waxa ka mid ahaa culimada lagu marti qaaday Sh.Dr.Cumar Al-Ashqar, muxaadaro uu sheekhu ka jeediyay oo ahayd “تصويب المسار” ayuu sheekhu ku soo hadal qaaday Shiicada iyo inxiraafkooda, laakiin waxa ka dhashay su’aalo badan oo sheekhu si cilmiyaysan oo xikmadaysan uga jawaabay.

Ahamiyadda ay muxaadaradu lahayd iyo raadka weyn ee ay ku yeelatay ardaydii ayuu sheekhu ku sheehay buuggiisa “صفحات من حياتي”, oo dabcaddiisa kowaad la nashriyay sanadkii 2010, oo ah laba sano ka hor geeridiisii.

Sheekhu isagoo ka waramay su’aalihii uga yimid muxaadarada ayuu yidhi : “Waxa iska daba yimid su’aalo qoran, miiskii dheeraa ee balaadhnaa ee i horyaalay ayay ka soo buuxsameen, boqolkiiba sagaashan su’aaluhu waxay ku saabsanaayeen Shiicada, markaasi ayaan caddeeyay mad-habka ay cuskadaan iyo asalada iyada la’aantood aanu qofku noqon karayn Shiici, buuq ayaa ka dhex bilowday dadkii joogay oo ay ka mid ahaayeen waxoogay arday shiico ah…ka dib ayuu hadlay arday Shiiciyi, sixirkii ayaa isku gediyay saaxirkii, wuxuu ydihi: Anagu ma cayno Abuu Bakar iyo Cumar, laakiin waxaanu caynaa Caa’isha bitni Abii Bakar, kolkaasi ayaan ana iska daayay si uu u sii wato hadalkiisa, ardaydii Ehlu Sunaha ahaa ayaa dhako faaray, oo waxay yidhaahdeen : Sidee u caayaysaan zawajaddii Rasuulka (SCW) ee Ilaahay ka bari yeealay todobada samo korkooda, jawigii mu’tamarka ayaa dhinacayga u soo iishay.

Intaa ka dib ayaa la ii ogolaaday inaan idhaahdo hadalka xaqa ah ee ay waajibka ahayd in laga yidhaahdo mu’tamarkaa, waxaan caddeeyay in hadalka kuwa leh: Khumayni wuu ka madhan yahay tacasubka mad-habiga ah, wuuna ka badhax tiran yahay yahay waxay Shiicadu leeyihiin, ee sheegtay in Shiicada cusubi ayna lahayn baladii Shiicadii hore, waxaanan darsay buugga “Al-Xukuuma Al-Islaamiya” ee Khumayni qoray, kolkaasi ayaan maqshiiyay waxa uu Khumayni ku yidhi buuggaasi, oo uu yahay Shiici la mida Shiicada, waxana u caddaaday ciddi i maqashay in aanu wax farqiyi u dhaxayn Shiicada maanta iyo Shiicadii shalay.

Warbaahinta ayaa faafisay warka nadwadan, waxayna gaadhay daafaha aduunyada, waxayna jabisay go’doonkii ay kuwo akhyaari ku farad yeelen in laga hadlo Shiicada.” [Safaxaat min Xayaatii:255-256].

Walaal Urdiniya oo injineera oo muxaadardaa fadhiyay ayaan waydiiyay raadka ayay kaga tagtay dadkii fadhiyi, wuxuu yidhi waxay ahayd inqilaab dhamaystiran “انقلاب كامل”, wuxuu ku daray waxba kamaanu aqoon Shiicada, Urdun kama jirto Shiico.

Buuggaag muhiima oo ka qayb qaadatay kashifiddi xaqiiqada Shiicada:

الخطوط العريضة للأسس التي قام عليها دين الشيعة الإمامية الاثنى عشرية

Waxa Jiray buug muhiima oo aad looga faa’iiday, aniga laftaydu waan akhriyay buuggan waqtiyadaa, aadna wuu ii anfacay, wax badana wuu iiga iftiimiyay caqiidada baadilka ah ee Shiicada..
Waxa buuggan qoray Sheekh Muxiba Diin Al-Khadiib, oo sanadkii 1960 ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, sidaa awgeed buuggu waa buug aad uga horeeyay dhalashadii kacaanka Khumayni, laakiin Sheekha qoray ayaa ilaa xilligaa ku baraarugsanaa khatarta Shiicada iyo caqiidadeeda baadilka ah ee ay waajibka tahay in looga digo Muslimiinta.

Sababta uu Sheekhu u qoray buuggan waxay ahayd inuu wax ugu bayaamiyo culimo ku dagantay inay Shiicadu rabto in laysku soo dhaweeyo Ehlu Sunnaha iyo Shiicada, markaasi ayuu Sheekhu qoray buuggan si uu banaanka u soo dhigo xaqiiqada ah in Ehlu Sunne iyo Shiico marna isku soo dhawaan karayn, isagoo u tibaaxaya farqiga weyn ee u dhexeeya caqiidada Ehlu Sunnaha iyo caqiidada Shiicad Imaamiyada Isnaa Cashariyada, Isla markaana wuxuu iftiimiyay khatarta uu baaqani ku keenayo caqiidada Ehlu Sunaha.

Sanadkii 1947 ayuu wadaad Shiiciya oo magaciisu ahaa Maxamed Al-Qummi yimid Qaahira, wuxuuna ka furay Xarun loogu magac daray Daar At-Taqriib, oo looga jeeday isku soo dhaweynta Sunaha iyo Shiicada, Sheekh Muxaba Diin wuxuu ka mid ahaa culimadii sida weyn uga soo horjeedsatay fikradda isku soo dhaweynta ama taqriibka “التقريب بين المذاهب”, xarunteediidana wuxuu ku tilmaamay inay tahay Daat At-Takhriib, oo ah Daartii Wax Kharibidda.

Juhuuda cilmiga ah ee lagu xusuusto Sh.Muxuba Diin waxa ka mida inuu faafiyay(nashriyay) Buugga “العواصم من القواصم” Al-Cawaasim Minal-Qawaasim ee uu qoray Ibnu Carabi Al-Maaliki, oo waliba uu raaciyay tacliiqaad iyo faalooyin aqoon iyo faa’iidooyin badan xambaarsan. Nashrinta buuggana wuxuu ula jeeday difaaca Asxaabta رضي الله عنهم iyo naqdinta wararka beenta ah ee lagu duray, kuna saabsan khilaafkii dhex maray geeridii Nabiga صلى الله عليه وسلم ka bacdi .

Buugan aad l ayaa looga faa’iiday, aniga laftaydu waan akhriyay buuggan waqtiyadaa, aadna wuu ii anfacay, wax badana wuu iiga iftiimiyay caqiidada baadilka ah ee Shiicada.

وجاء دور المجوس

Waxa qoray Sh.Maxamed Suruur bin Naayif oo reer Suuriya ah, kuna alifay magac aan kiisa ahayn “اسم مستعار” oo ah Dr.Cabdullaahi Al-Qariib, wuxuu Sheekhu buuggiisa ku soo bandhigay kagana hadlay baaxadda taariikhda caqiidada iyo siyaasadda kacaanka Iiraan. Wuxuuna daaha ka fayday khayaanda soo jireenka ah ee Shiicadu ka gashay ummadda Islaamka
Ahmiyadda uu buuggu leeyahay awgeed ayuu Sheekh Cabdul Casiis bin Baaz ka iibsaday 3000 oo buug dadkana u qaybiyay, sida qoraaga buuggu sheegay.

Buuggan waxa la daabacay dhowr bilood ka dib dhalashadii kacaankii Khumayni, qayb weyna wuu ku lahaa kashifida xaqiiqada Khumayni iyo kacaankiisii, buuggan aad ayaa loogu dhex faafiyay masaajidada iyo xarumaha ardayda iyo jaaliyadaha Suniga ee waqooyiga Ameerika.

Waxaan xusuustaa anigoo jaamicadda araday ka ah inaanu buuggaag islaamiya ku soo bandhigi jirnay xarunta jaamicadda, buuggaataa waxa ka mid ahaa buuggan “Wa jaa’a Dowr Al-Majuus”, jaamicadda waxa ku jirtay arday Shiico Sucuudiyiina oo ay lafta iyo dhuuxa ka gashay Shiicanimadu, waxay u adkaysan waayeen buuggan sida cilmiyaysan u fadeexadeeyay ee kashifay taariikhda, caqiidada iyo siyaasadda kacaanka Khumayni ee ay Shiicadu huwinaysay tuqayda, masabidka iyo beenta, si ay uga qariyaan dadka raba inay si cilmiyaysan wax uga ogaadaan Khumayni iyo caqiidadiisa.

Waxay isku dayeen inay maamulka jaamicadda nooga ashtakoodaan, oo waxay codsadeen in buuggan laga mamnuuco in lagu iibiyo jaamicadda dhexdeeda, laakinn way ku hungooben kuna fashilmeen.

الخمينية شذوذ في العقائد وشذوذ في المواق

Sh.Saciid Xawaa (Abu Maxamed) oo ka mid ahaa culimada u fakiri jirtay jamaacada Ikhwaanu Muslimiinka ayaa bilowgii kacaanka Khumayni u qiirooday isan raaciyay baaq-siyaasigii Khumayni, ilaa ay ka gaadhay inuu u safro Iiraan si uu si toosa oo fool ka foola ula kulmo Khumayni, wuxuu la kulmay Khumayni, wasiirkii arimaha dibadda Ibraahiim Yazdi iyo Kamaal Kharaasi, laakiin Sheekhu رحمه الله wuxuu ka soo laabatay socdaalkiisa isagoo aad uga soo niyad jabay Khumayni iyo dowladdiisaba, waxa taa kaga darnayd markuu akhriyay labada buug ee Khumayni qoray ee ah “الحكومة الإسلامية” iyo “كشف الأسرار” , ee la butaacaya caqiidadiisa ku astaysan kufriyaadka, shirkiyaadka iyo nacaybka asxaabta .

Socdaalka uu Sheekhu ku tagay Iiraan waxa uu dhacay bisha Maayo sanadki 1979, Isago is lahaa kacaanka Khumayni waa mid u dhashay Muslimiinta oo dhan, seeskana u dhigaya khilaafad Islaamiya oo Muslin oo dhami wada hoos hadhsadaan , ayuu ka weydiistay inuu wax ka qabto gumaadka Xaafid Al-Asad ku hayey Ehlu Sunaha Suuriya, dalabkaana Khumayni dhaguhuu ka awtay , wuuna iska indho tiray xasuuqii Nusayriyiintu ku hayeen Ehlu Sunaha Suuriya.

Si hadaba Sh.Saciid Xawaa u guto waajibka bayaaminta iyo caddaynta xaq ayuu buuggan qoray isagoo Ehlu sunaha uga digaya caqiidada baadilka ah ee Shiicada , una kashifaya beenta Khumayni iyo beer laxawsiga uu rabay inuu ku soo jiito shucuubta Ehlu Sunaha ah

Sh.Saciid ayaa ku yidhi hordhaca buuggiisa sidan:

عندما انتصر الخميني ظن المخلصون في هذه الأمة أن الخمينية إرجاع الأمر إلى نصابه في حب آل بيت رسول الله وتحرير التشيع من العقائد الزائفة والمواقف الخائنة ، خاصة وأن الخميني أعلن في الأيام الأولى من انتصاره أن ثورته إسلامية وليست مذهبية ، وأن ثورته لصالح المستضعفين ولصالح تحرير شعوب الأمة الإسلامية عامة ولصالح تحرير فلسطين خاصة . ثم بدأت الأمور تتكشف للمخلصين ، فإذا بالخميني هذا يتبنى كل العقائد الشاذة للتشيع عبر التاريخ ، وإذا بالمواقف الخائنة للشذوذ الشيعي تظهر بالخميني والخمينية.

“Markuu Khumayni guulaystay ayay kuwa ka mida mukhlisiinta Ummaddani u malayeen inuu Khumayniyaddu “الخمينية” arinka u soo celinayso xaqiiqadiisa ee jacaylka aalu bayta rasuulka Ilaahay, tashayucana ka xoraynayso caqiidooyinka qladan iyo mowaaqifta khiyaanaysan, khaastan tiiyoo oo Khumayni ku baaqay maalmihii ugu horeeyay ee guushiisa in kacaankiisu yahay mid islaamiya, oonu ahayn mid mad-habiya, kacaankiisuna u dhashay dadka la daciifsado awgood, xorayanta shucuubta Islaamiga ah guud ahaan iyo xoraynta Filastiin gaar ahaan awgeed.

Arimihii ayaa bilowday inay u caddaadaan mukhlisiinta, oo waaba iyadoo Khumaynigani uu qaatay caqiidooyinka Shiicade ee falaagoobay, waaba iyadoo mawaaqifta khiyaanaysan ee falaagada Shiicigi ka muuqatay Khumayni iyo Khumayniyada.”
Wuxuu intaa ku daray Sh.Saciid Xawaa inuu yidhi:

فلا بد لأهل العلم من هذه الأمة أن يقولوا فيه ما يفضح أمره ويبين حاله كي لا يغتر أحد به ، وكي لا يهلك فيه أحد إلا وقد قامت عليه الحجة وظهر له من البينات ما يدعوه إلى اجتناب هذا الخطر العظيم الذي هو مقدمة لسخط الله واستحقاق عذابه

“Waxa lagama maarmaan u ah Culimada ummaddan inay ka yidhaahdaan hadal fadeexadeenaya arinkiisa oo caddaynaya xaalkiisa si aanu qofna ugu kadsoomin, qofna ku halaagsamin ilaa ay ku oogantay xujadu, ugana muuqdeen caddaymaha wax ugu yeedhaya inuu ka fogaado khatartan weyn ee hordhaca u ah cadhada Ilaahay iyo mutaysiga cadaabkiisa.”

الشيعة والتشيع فرق وتاريخ

Buugan waxa qoray Sheekh Ixsaan Ilaahii Dahiir oo ahaa caalim Baakistaaniya, oo dadaal badan ku bixiyay inuu daaha ka faydo kooxaha lunsan, wuxu buuggaag ka qoray Shiicada, Bahaa’iyada, Ismaaciiliyada, Qaadiyaaniyada iyo Bariilawiyada.

Shiicada wuxuu ka qoray afar buug oo ah, “Shiicada iyo Tashayuca” , “Shiicada iyo Qur’aanka”, “Shiicada iyo Ahlu Baytka” iyo “Shiicada iyo Sunnaha”.

Kutabta iyo Muxaadarooyinka Sheekhu waxay Shiicada u diideen jiif iyo joog, si ay u joojiyaana way garan waayeen, marbay ka dalbeen inuu joojiyo oo suuqa ka saaro kutubtiisa, laakiin sheekhu wuxuu ku xiray inay iyaguna gubaan kutubtooda kana bari noqdaan, taasina way diideen. Sababta uu Sheekhu sidaa ugu yidhi waxay ahayd in hadalada uu ku xujeeyay ee uu ku dawinay kutiubtiisa uu ka soo guuriyay buugtooda, oo waxa uu u daliishanayo baadilkoodu ay yihiin hadalo ay iyagu rumaysan yihiin oo ku qoran buugtooda u ah maraajicda iyo tix raaca.

Waxaba la sheegay inuu Khumayni abaal marin lacaga ($100,000) ugu ballan qaaday qofkii u keena madaxa Sheekha, wuxuuna isku dayey inuu Sheekha ku marti qaado Iiraan, laakiin Sheekhu nin caqli badan ayuu ahaa, wuuna ogaa in Khumayni qodayo xabaashiisa, kolkaasi ayuu ugu jawaabay ninkii fariinta uga siday Khumayni “Yaa noloshayda Kafaalo qaadanaya?”, wuuna diiday marti qaadkii Khumayni ee khiyaanaysaa.

Sheekh Ixsaan waxa soo gaadhay dhaawacyo waaweyn oo la tagaey jidhkiisii seddex meelood, waxa loola rooray Dhakhtarka Dhexe ee Laahoor, ka dibna 29/Maarso/1987 waxa la geeyay dhakhtar ku yaala magaalada Riyaad halkaasuuna ku geeriyooday 22 saacadood ka dib, maydkiisii waxa loo qaaday magaaladan Madiina , salaadii janaasada ayaa lagu tukaday Masjidul Nabawiga, waxana lagu aasay xabaalaha Baqiic ee ay ku aasan yihiin kuwo badan oo ka mida Saxaabadii uu in badan oo cimrigiisa iyo noloshiisa ka mida ku bixiyay inuu ka difaaca cayada iyo masabidka Shiicada.

Marar badan ayaa loo hanjabay Sheekha, xataa mar ayuu ku dhaawacmay isku-day la doonayay in lagu dilo, laakiin Sheekhu marana kama istaagin dacwadiisu uu Muslimiinta uga digayey khatarta ku duugan caqiidada Shiicada iyo siyaasadda kacaanka Iiraan. Wuxuu ku waajahay geesinimo aan lahayn libiqsi, duibna ugama guran caga juglaynta Khumayni doonayay inuu Sheekha kaga joojiyo kashifida caqiidadiisa kufriga ah iyo baaq-siyaasigiisa ku dhisnaa beenta iyo beerlaxwsiga hogoognaa munaafiqada.

23/maarso/1987 Isagoo Sheekh Ixsaan muxaadaro ka jeedinaya kulan ay ku lahaayeen jamaacada Ehlu Xadiisku magaalada Laahoor ee dalka Baakistaan ayaa miiska horyaalay la soo dhigay ubax, ay ku qoran tahay “Ixsaan Ilaahi dahiirka aan Ilaahay dartii uga cabsan canaanta mid wax canaanta”, labaatan daqiiqo ka dib ayay qaraxaday waxana marikiiba goobta ku shahiiday 7 sheekh, laba kalena gadaal ayay ka shahiideen.

Hal bacaad lagu lisay:

Ka dib markii la fahmay caqiidada baadilka ah ee Shiicada, lana gartay asalada lunsan eenu qofka shiicigu aanu shiiciba noqon karayn Ilaa uu ictiqaado asaladaasi, markii ay ardayda u caddaatay in Shiicadu ay rumaysan yihiin in asxaabtii gaaloobeen dhowr mooyaane, diina ay ka dhitaan nacaybkooda iyo caynta iyo qadfiga xaasaskii Nabiga , khaasatan Caa’isha iyo Xafsa oo aabayaashood u hayaan cadaawad sharaysan, markii ay kashifantay in khumayni iyo Shiicada dowladdda Iiraan ku socdaan caqiidadii Shiicadii hore dhinaca siyaasddana kaba khatar san yihiin, ayaa layska fogeeyay Shiicadii , dibadana laga dhigay maamulka xarumaha iyo masaajidad Ehlu sunaha, waxa kale oo loo qoray awqaafta Ehlu Sunaha distoora dhigaya in mulkiyadeeda iyo maamulkeedu gaar ku yahay Ehlu sunah, xataa xabaalihii ay Ehlu sunuhu lahaayeen ayaa lagu sharciyeeyay inaan lagu aasi karayn Shiicada

Waxa dhacay kala guur rasmiya iyo kala sooc muujiyay in Ehlu Sunne iyo Shiico aanay meelna iska soo gelin, isku caqiido iyo isku mad-habna ahayn. Ilaahay ayaana ku mahad leh in dadaalkii ay Shiicadu u gashay hanashada aradayda sunniga ah ee Ameerika uu fashilmay kuna dambeeyay sidii hal bacaad lagu lisay.

Dr. Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye