Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland oo war kasoo saaray 6 maxbuus oo saaka dil lagu fuliyay

Hoos ka akhriso Warkan:

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle  Axmad Ibraahin Faarax.  Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan  Ina shukri Yuusuf,  kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi  Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay  marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan  Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd  ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

 

GoobtaQisaasta

Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.