Qowmiyada Soomalida iyo mustaqbalka (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Maqaalkan waxaan qoray bishii lixaad 2018, waa saadaal aan markaa sameeyay, waxan imika u soo daayay markaan arkay sida ay arimuhu u socdaan, dadkan la xidhxidhay ee ganaaxa culus la saaray iyo dadkan cabanaaya, ayaan jeclaystay inaan saadaashan idinla wadaago. Saadaashu qaladna way noqon kartaa saxna way noqon kartaa.

Waa taa afar dakadood lagu wareejiyay Ethopia, horta hore ayaan u maqli jiray in soomaliya gabigeedaba khariidada la doonayo in laga saaro ama Somaliland dheh ama koonfur soomaliya magaca aad doontid ugu yeedh, laakiin waxaanan fahamsanayn qaabka loo wareejin doono.
imika ayay in yar iiga iftiimtay, horta koonfur toos ayaa loo hoos gaynayaa oo waataa muuqata. waxan la yaabi jiray dadkan wax garadka ah ee la laynaayo koonfur soomaliya, cidii doontaa ha sheegato dilalkooda eh.

Hadafka qarsoon ee laga leeyahay in dadkan wax garadka ah la laayaa waxa weeyaan, in dadka laga laayo dadkii hagi lahaa ee indhaha u ahaa, oo maxasta, waxmagaradka iyo inta biidhi qaataha ay usoo hadhaan, markaa dalka la qabsado.
Xarakaadkan jihaadiga ahina waa dabin loo dhigay inta islaamku daacad ka yahay caalamka oo dhan si loogu laayo intaa daacada ah, dadkuna ay iyaga rajo ka sugaan oo ay is yidhaahdaan iyaga ayaa idin xoraynaaya, marka lagu gaadho hadafkii laga lahaana la kala diro sida xarakaad kale lookala diray sidii Liibiya ka dhacday, ama la laayo sida Suriya iyo Jijniya ka dhacday, iyada oo awood xad dhaaf ah la adeegsanaayo.

Cidda loo adeegsaday inay xoog isticmaalaan Suuriya iyo Jijniyana waa isku mid waa Ruush, ma wax isku beegmaybaa mise waa qorshe, idinka ayay idin jirtaa.

Somaliland qorshaha lagu wareejinayaa waa kii ingiriis, odayaasheenu maxay yidhaahdeen meesha uu doonayo inu awr mariyo irbad ayuu ku dayaa, markaa adiga arinkaagu waa tartiib tartiib, imika waxaa lagu wareejiyay boqolkiiba sagaal iyo toban, inta ku xigtan way fududahay sidii laguu marsiin lahaa, tii ilaahayna maqan.

Waxa kale oo dhici karta in dagaaladii bari la sii wado, oo marka ay dawladan waqtigeedu ka dhawyahay galbeedkana dagaalka isna lagu huriyo, markaa dagaal ka dhex oogmo qabiilkii udub dhexaadka u ahaa Somaliland.

Mida kale hadafka Somaliland loo sameeyayba wuxu ahaa sidii beelaha dhexa loo furfurilahaa, sidii soomaliwaynba markii la sameeynaayay hadafku u ahaa sidii soomali loo kala diri lahaa, waanay ku guulaysteen in ay soomali kala diraan. Somaliland mooyi inay ku guulaysan iyo inkale illaahay baa og.

Marka xiga beelaha darafyadu dawlad goboleedo ku dhawaaqaan, oo yidhaahdaan anagu dagaalkiina bari ayaanu ka nahay.

Beelaha dhexna ay soo gudagalaan ciidamo Ethopian ah oo usocda oo leh wadanka ayaanu dejinaynaa, markaas ayaa adigana laguu samayn Isaq land. Waxa la yaableh Somaliland ayaad ku heshiinwayday eh sidaad Isaqland ugu heshiin, waa lagugu khasbi cid u kabo qaad ahna way u dhiibi, sida kililka shanaad.

Imika Rasiil wasaaraha Ethopia, waa kan furfuraansha badan sameeyay ee dadbadan la dhacsanyihiin, waa maxay sababtu, aniga waxay ila tahay waa bilowgii sidii laynugu dari lahaa Ethopia, furfuraanshahana waa dabin soomali loo dhigaayo iyo shucuubta islaamka.

Maalin dhaw ayuunbay odhan inta biidhi qaataha ah ee wax og, bal eega Ethopia waa taa dimuqraadi noqotay, ee shucuubtii la gumaysanayay xoriyad heshay, aynu ka mid noqon dawladaa wayn ee geeska afrika ka dhalatay.

Magac cusubna waa loo samayn si saska laynooga saaro, sida maraykanka ayaa laynagu odhanayaa gobolo midoobay ayaad noqonaysaan, caasimaduna Adisabab, ta dhaqaaluhuna waa Xamar. Tii Illahayna maqan, ta Illahay doonay ayaanay noqonysaa.

Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com