Boorama: Magaalo cabanaysa Q.3aad (WQ: Cabdicasiis maxamed Jaamac)

Boorama waa magaalo ku taala meel leh isteratejiyad juquraafi oo isku xidha magaalooyinka Djibouti, Hargaysa, jijiga iyo diridhaba, waxaan kabaxa jidad toos u taga magaaloiyinkaasi oo afar ah .
Afartaasi jid ee magaalada ka baxaa ama soo galaa hal jid oo hargaysa taga ayaa ka dhisan, kaas laftiisu aad ayuu u burbursanyahay oo waxa u baahanyahay in wax wayn laga qabto, sadexda jid ee kale waa jidad raf ah isla markaa buuro iyo dooxo ka talaaba.
Ganacsiga magaaladu ma tamar yara laakin waxbadan lagama qaado/dhoofiyo oo gaadid badan oo wax sii daabulaaya ama soo daabulaaya arki maysid, suuqyada magaaladu waa camiranyihiin aadna mashquul ayey u yihiin.
Shacabka magaalada iyo dalkuba aad ayey u dhibanyihiin markay noqoto xaga wax iibsiga, waxaa aad loo isticmalaa lacagta lagu qaato telephonada ee e- money(ZAAD, E-Dahab) lacagtu inta badan waa doolar laakin wax boqol dollar ka yar doolar ahaan kuma diri kartid kuman iibsan karid ilaa aad sarifto.
Waa inaad doollarkaaga kuugu jira telefoonka gacant aad number SARIFLE oo ka bilawda 33++++ u dirto kadiba uu ku soo sariffo qiimo u isagu gooyo, dhamaan sariflayaasha sarifaa lacagahan waa kala qiimo duwanyihiin, waxaa xigaa waa inaad marlabad iyadoo lacagtii somaliland shillin ah aad u dirto ganacsadihii.
Tusaale shayga qiimihiisu yahay $5 markaad soo sarifato waxaa laguu soo celin $4.95 oo shillin somaaliland u dhiganta si aad u bixiso $5 ee shillin somaliland sarifa ah waa inaad sarifataa $5.5 dollar.

Culays aad u wayn ayaa shacaka ka haysta oo dollar kasta oo ay wax ku iibsadaan waxaa saaran lacag sarif iyo iskubadal oo dhan $0.2 ama kabadan mararka qaar.

Magaaalada waxaa ku yaala warshado yar-yar oo dhawr ah, kuwa biyaha iyo sharaabka soo saara, warshada shaambooga,sabuunta iyo agabka nadaafada, warshada milixda iyo warshada furaashaanta kuwaas oo wax badan ka taray shaqo abuurka iyo wax soo saarka dalka.

Waxaa sidoo kale kuyaala labo warshadood oo digaga iyo ukunta soo saara isla markaan u dhoofiya magaalooyinka kale,aadna uga haqab tiray magaalada.
Xaga isgaadhsiinta magaaladu dhib badan kuma qabto oo waxaa ka jira labo shirkaad oo kala ah Somtel iyo Telesom shacabkuna waa ka haqbtiraan ku hadalka gudah walow u aad qaali u yahay la hadalka dibada iyo isla hadalka dhexdooda oo aan isagu jirinba.

Telefonada Linka ee xadhiga la Guido aad ayey u yaryhiin, guryaha iyo xafiisyadan waa ku gabaabsi waxaan isticmaala meherado aad u tiro yar waase jiraan.
Beeraha soo saara khudaarta maalinlaha (cash crops) ee magaaladu quudato oo aad u tiro badan ayaa ku yaala magaalada hareeraheeda sida dooxyada camuud, dhamuug,
daraymacaane iyo khudaarbadan oo katimada doxyada ku teedsan buurta saw ee dhinaca xuduuka xigta laakin xooga kudaarta waxay katimaada Gobolka(Baki)ruqi iyo dooxyada woqooyiga.

Arinta beeraha iyo khudaarata waxaa iigu layaab badnaa oo aad isoo jiitay markii aan la kulmay beerta ugu wax soo saarka badan degaankaasi,taasi oo ku fadhida 0.3 hectare, beertan waxaa leh oo iibsaday muwaadinin carbeed waxayna kutaal talawga dooxa dhamuugeed oo waxay xigaa xaga jaamacada camuud.

Beertan waxaa kuyaala in kabadan 150 taandho (greenhouse) oo midkiiba yahay 40 meter qiyaasti, waxaa ku yaala dhismayaal khudaarta iyo daawoyinka lagu kaydiyo sidoo kale waxaa ka qodan 2 ceel biyood (Riig) oo baacoodu yahay 250 mitir hoos ah.
Khudaarta ka soo godaa waxay gadhaa ilaa caasimada hargaysa waan khudaar lagu beeray aqoon iyo daryeel oo aad u waawayn isla markaan aad u kala duwan ragaa ajaanid siday dhulka wax uga soo sareen iyo dalga kuyaala beerta waxay igu noqotay amakaag.

Magaalada jagooyinkii iyo dhulkii danta guud ee shacbka loogu adeegi jiray ama loogu adeegi lahaa waa la dhameeyey(iibiyey) meel danta guud inaad argto waa naadir waxaa la iibiyey ama la qaatay kawaankii hore ee qaliinka magaalada, godkii qashin,qubka dhigistii, xafiiskii maamulka gobolka, xaruntii laydhka magaalada ee hore, xafiiskii dhiisiga Borama ee hore,sayladii xoolaha iyo dhamaan dhulkii banaana ee degmada maamulkeeda kala duwani lahaan jiray.

Dacwadaha ugu badan ee yaala maxkamada dagmadu waa dad isku haysta dhul beero ah iyo jagooyin sababtuna dhulkii ayaa noqday badeecada ugu qaalisan ee lacag la gashado lagana ganacsado.

Jagooyinka magaaladu waa qaali marka loo eego nolosha shacabka ku nool iyo xooga ganacsiga magaalada kajira , qaybaha iyo degaanada magaaladu waa kala qaalisanyihiin oo waxay ku xidhantahay degaanka aad ka iibsanayso iyo baaxada jagadaasi,tusaale ahaan degaanka woqooyiga magaalada jagada 30×30 waa ilaa $20,000 waana ka qaalisanaan karaan.

La soco qaybta 4aad ee qormadan.