Qurux aad khalad u radisa naftaada yaanay galaafan! (WQ: Mohamed Marty)

Kareemkan ayaa waxa loo qoraa si loogu daweeyo xaaladaha kala duwan ee xanuunada maqaarka ee horaba u jiray ama la filaayo in imika la qaado. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin canbaarta iyo cuncunka noocyada kala duwan, xanuunada (psoriasis, lichen simplex, lichen planus iyo qaniinyada xayawaanka qaar..

Betamethasone waa dawo (steriod) xoog leh oo yareynaysa xanuunadada maqaarka,halka neomycin ka tahay antibiotic shaqadeedu tahay daaweynta infekshanka bakteeriyada.

Sidee ayay u shaqaysaa dawadani?

Betamethasone waa nooc ka mid ah daawooyinka loo yaqaan (topical corticosteroids), Waxaanay u shaqaysa inay joojiso in maqaarku sii daayo noocyo ka mid ah falceliyeyaasha xanuunada, kuwaasi oo unugyada dhiiga ku sababa inay balaadhaan sidoo kalena sababa in maqaarku casaado, bararo ka dibna cuncun ku yimaado, sidoo kale waxay ka caawisa maqaarka in laga hortago inaan is xoqitaan dhalan ama maqaarka aanu qofku xoqin cuncun daraadii.

Neomycin oo ah mid ka mid ah isku jirada dawadani ka kooban tahay, iyadu waa dawo jeermis dile ah ama ( Antibiotic) shaqadeeduna tahay inay disho ili ma aragtayda bakteriyada ah ee ku dhashay maqaarka, taasi oo shaqadeedu tahay inay bakteriyada ku sababto ama ku keento inay soo saarto unugyo borotiin oo aan caadi ahayn, kuwaasi oo gabi ahaanba laaya ama dila bakteriyada sidoo kalena maqaarka ka sifeysa caabuqa infekshanka.

Kareemku wuxuu ku haboon yahay meelaha qoyan ee maqaarka, halka xadiga ama qarada isticmaalka kareemku ku haboon yahay inaad u isticmaasho meehala qalalan ee aan dufanka badan lahayn.

Dawadan sida keliya ee sharci ah ee lagu heli karo ama lagu isticmaali karaa waa iyada oo dhakhtar kuu qorey.

Fadlan ha isticmaalin haddii aan dhakhtar kuu qorin iyo haddii aad la nooshahay xanuunada qaar sida: (foot, ringworm or noocyada cabeebka ama candida ee maqaarka ku dhaca, noocyada hablo baasta, caanogocatada iyo xanuunada kale tb maqaarku ka mid ka tahay

Ma isicmaali karaa haddii aan uur leeyahay ama ilmo naaska jaqsiinayo?

Waa su’aal muhiim ah in la is weydiiya guud ahaan haddii ay muhiim ama daruuri kuu tahay isticmaalka dawadani waxa go’aankeeda leh hadba dhakhtarkaa aad la xidhiidhay.

Haddii uu dhakhtarkaagu kuu ogolaado isticmaalka dawadani, uma isticmaali kartid area ma meelo balaadhan oo maqaarka ah, iyo xadi badan oo dawada ah. Haddii aad marinayso meelaha naaska ama meelaha u dhaw weydii dhakhtarkaaga sida u fudud ee aad u isticmaali karto.

Sideen u Isticmaali karaa dawadan?

Ugu horeyn maydh gacmaahaaga qalajina, ka dibna mari goobaha maqaarka ee ku xanuunaya mar ama laba jeer maalintii.

Dawada ama kareemkan ha u isticmaalin wejigaaga iyo xubnaha taranka ilaa amar dhakhtar maahane, sidoo kale ha marin meelaha maqaarka ee jajabay ama harqay sidoo kale ka ilaali indhahaga.

Meelaha aad marisay ha daboolin hana ku xidhin waxaan ka ahayn baandhayska loo adeegsado nabarada qaar in lagu daboolo, haddii muddo usbuuc ah wax isku bedeli wayaan, fadlan la xidhiidh dhakhtarka joojina isticmaalkeeda.

Maxaa ka dhalan kara dhibaato isticmaalka dawadan
Dawo oo dhani waxay yeelan kartaa cawaaqib xun ama dhibaato sidoo kale dawadan waxa cilad ahaan la sheega inay keeni karto ama ka dhalan karto isticmaalkeeda

Maqaarka oo khafiifa
Midabka maqaarka oo is dhima ama yaraada
Calamado ku samaysma maqaarka
Marinada dhiiga oo ka muuqda maqaarka
Timo faro badan oo ka soo baxa maqaarka (hypertrichosis)

Dhibaatada dawadani waxay ku xidhan tahay sidoo kale xadiga isticmaalka dawada iyo weliba wakhtiga aad isticmalaysa hadba sida uu u dheeraado.

Dhibaatada ugu weyn ee dawadan ka dhalan karta ayaa waxay tahay xadiga corticosteriod oo ku bata jidhkaaga sababana xanuunka halista ah ee loo yaqaano (Cushing’s syndrome) Fadlan haddii aad isku aragto calamado ay ka mid yihiin aragaga oo isku darsama ama khalkhala, nabarada oo aan hore kuu bogsan, dhiigaaga oo kacsan, maqaarkaaga oo diciifa iftiin badana sameeya, buurni u badan dhexda iyo qoorta ama tunka. Fadlan si degdeg ah ula xidhiidh dhakhtarka kugu dhaw.

Dulucda maqaalkayga.

Dawadani waa mid ay caadaysteen isticmaalkeeda inta badan haweenka soomaliyeed, kuwaasi oo ka daya inay isku midab bedelaan ama ku cadaadaan, se aan aqoon dhibaatada ka dhalan karta dawo aan dhakhtar kuu qorin oo aad isticmaashay.

Dawadani waxay ku geyeysiin kartaa dhibaato quruxdaada iyo maqaarkaagaaba soo gaadha, iyo dhibaato guud ahaan samaysa caafimaadkaaga sida xanuunka aan dawada loo hayn ee ka kooban xanuunada badan ee loo yaqaano Cushing’s syndrome, oo aan maqaalka kan xiga idinku sharixi doono badanana caan ku ah calamadahan.

” Finan wajiga.
” Muudhka qofko is badbadala.
” Daal joogta ah, iyo qadashada cunado yaarata.
” Hurdada oo yaarata.
” Khalkhal cadada dumarka.
” Buurini barrar oo kale ah una badan wajiga.

Waxa dhici kareysa isticmaalka dawadan steriod ah oo aad cadaysato ama muddo badan qaadata inay xaalka sii murgiso oo ku geyeysiiso calamadahan:

” Gabadha codkeeda oo waynaada.
“Wajiga oo dumarku ku yeshaan timo sida gadh, iyo rago yeesho naaso.
” Dhalmo la’aan rag iyo dumarba.
” Wadno xanuun.
” Dhiikar.
” Xanuunada masakaxa gaar ahaan depression.
” Caadada oo khalkhal gashaa.
” Marraka qaar in wadnuhu istaag kadis, haddu jojiyo.
” Kalyahaha oo fadhista iyo kalyahaya oo shaqyn waayaa.
” Xanuun loo yaqaano cushion syndrome halis badan leh.
” Qofkoo si sahalan u jabi kara , samaynata ay ku leeyihiin lafaha.
” Difaca jidhka oo yarada qofka taaso keenata xanuunada sidaa hargabka , oofta oo kuso noqnoqda.
” Maqaarkaa oo ay kaga dhacaan dildilaac,xanuuno, iyo xitaa haddii nabar so gaadho oo nabarkaasi bogsan ba waayo.

Haddaba intaad is leedahay naftaada qurxi ha u horseedin xaalad aanad ka soo waaqsan oo cafimaadkaaga iyo noloshaadaba halis gelin karta, akhiradadana u daran.

Fadlan ku Kalsoonow abuurta ilahay oo ha dhalan bedelin quruxdaada, naftaada cafimaadkeeduna waa masuuliyad lagala xisaabtamayo akhiro ee gacantaada ha ugu horseedin xanuun.

Meelaha aan ahayn goobaha cafimaad sida bushaarooyinka iyo tukamada iibiya dawadan waxaan iyagana ugu baaqayaa fadlan ganacsigiina aqoon ku dara oo waxaydaan aqoon umadiina ha ka iibinina, wasaarada cafimaadkana waxaan ugu baaqayaa inay xoog uga shaqayso ururinta dawooyinkan dumarkeenu ka dayayaan quruxda oo lagu koobo ganacsigooda meelo caafimaad.