Xusuustii Caydiid-Lafcambe (WQ: Siciid-Beegsi Maxamed)

Xusuustii Lafcambe

Ma foga ee waa shalay. Waxaan telefishanka ka daawaday boqollaal hooyooyin ah, boqollaal aabbeyaal ah iyo boqollaal carruur ah, kuna dhaqan Togdheer oo ka kala yimi degaannadii abaaruhu saameeyeen ee aagaggaas. Harraad, gaajo iyo nolol laโ€™aan ayay sheegteen, waxaanay u cawdeen, kana cawdeen, isla xukuumadda.

Waxaan xusuustay sheekadii Lafcambe ee lixdan sannadood ka hor. Gabyaa Lafcambe inta uu bari ka hayaamay buu Hargeysa oo galbeed ah iska degay kana guursaday. Noloshii xooladhaqata ama raacata ayuu ka beddeshay oo beeraley iyo reer magaalnimo ka doortay.

Waxa ay Lafcambe niman tolkiisa ahi ku yidhaahdeen Hargeysa iskaga kaalay oo Togdheer iyo Saraar na la deg; Lafcambena wuu ku diiday baaqaas; waxaanu si badheedh ah ugu dooday in aanay Hargeysa mooyaane meelaha kale nolol macne lihi ka jirin, sidaas darteedna aanu ka tegi karin Hargeysa.

Haddaba halkaas iyo khilaafkaas waxaa ka bilaaabantay silsilad gabayo ah. Maansada silsiladdaas ku jirta inta badan waxaa isu tirinayey Caydiid-Lafcambe iyo ina adeerkii Abokor Cawed.

Labadaa nin ee ehelka ah rag kale oo isla tolka uun ahina way la kala safteen meelaha qaar. Waxay isku hayeen waa bari iyo galbeed; ‘reerka ha ka fogaan’ iyo ‘ka ag dhowaan maayee ha daalinโ€™.

Abokor iyo Lafcambe waxay kala taagnaayeen labada dacal. Lafcambe wuxuu si xayeysiin u eg u ammaanay nolosha Hargeysa, waxaanu ku tilmaamay meel dadka lagu karaameeyo oo basharku qiimi ku leeyahay, taa lidkeedana waxa uu si xil leh u haaraamay degaankiisii hore ee bari iyo ku noolaantiisa.

Isaga oo Galbeed ama Hargeysa faanaya Lafcambe waxa uu yidhi: โ€œXaraf iyo Hargeysaa nin raga lagu xurmeeyaaye.โ€ Mar uu Togdheer xifaalaynayeyna waxa uu yidhi: โ€œTogdheer waxa faqrigu kuu jiraa taakadaa qudha.โ€

Togdheer iyo Xaraf, ama Bari iyo Galbeed, labaduba dawladnimo ha ka arradnaadeene, haddana Xaraf maanta waa meesha laga dhisayo guriga Somaliland looga arriminayo, Togdheerna waa meeshaa kumannaanka kun ee qof ee geerida qarka u saarani warbaahinta kula hadleen. Dadka faalka rumaysani in Lafcambe la weheliyo ayay u qaadan karaan laakiin Hargeysa lafteeda kumannaan baa ku macalluulsan.

Haddaba, ujeedkaygu in aan silsiladdaas ka warramo ma ahayne, Lafcambe, oo doorka ugu muhiimsan filinka ku lihi, wuxuu caddaystay in uu Togdheer iyo ku noolaanteedaba ka quustay. Waxaanu ku dooday in aanu dan iyo rejo ka lahayn Togdheer iyo Saraar ama bariga, โ€˜haddii la doonana Ruush ama shisheeye kaleba Togdheer iyo kheyraadka yaalba ha qaateen ee anigu waan ka tashaday kumana laabanayoโ€™ ayay noqotay dooddiisu. Wuxuu yidhi:
โ€œRaaxada Togdheer iyo Saraar Ruushan haw hadho e.”

Waqti dheer ka dib maalintii Lafcambe gabyayey, waxaa la yidhi imika dhallinyaradii reer Burco meel ay ku nafisaan bay la’ yihiin: buug, fan, sawir iyo xorriyad kaleba lama oggola mararka qaar, haddii aad Burco bari u sii dhaaftana xaalku wuu ka sii darayaa uun. Nolosha kale ebernimada waxay kala siman yihiin dalka.

Xisbiga Kulmiye oo ilaa shalay Galbeed ku shirayey baa isaguna sidii Lafcambe Bariga ka dayriyey!

Kolkaa sow suuragal ma aha dadku in ay sidii Lafcambe barigaba ka haajiraan? Maya ee halgan baa furan mar walba.