Soomaalidu gebi ahaantood waxay ka soo kala jeedaan ama ku kala abtirsadaan qabiilo, qabiiladu ceeb ma laha waa tirsashada iyo ilaalinta nasab ahaaneed ee qof kastaa ku jiro, ku darso Rabi Subxaanuhu Watacaalaah ayaa inaga yeelay Bulshooyin iyo Qabiilo, sababta sidaas laynooga dhigayna waa in aynu isku aqoonsano oo keliya. kala ahaanshaha qabiilada kala duwani waa arin ay inoogu jirto dheef aan sinaba loo soo koobi karKarinadaba hadii wax ka yar taabto
- Sugida nasab ahaaneed ee qof walbaa leeyahay
- Kala aqoonsashada dadka, sida hadii aadba tahay wiil waxaa nasabbadu kuu kala saartaa gabadhii aad guursan lahayd iyo gabadhii aanaad guursateen.
- Qabiilku wuxuu ilaaliyaa xidhiidhinta qaraabada iyo in aan silsiladii isir ahaaneed ee aad lahayd aanay marnaba go’in.
- Iwm
Hadaba qabiilku hadii aynu ka eegno dhinacyada kala duwan ee kala ah togane iyo tabane waxaynu si mug leh u garanaynaa wuxuu yahay iyo danta inoogu jirto, sidoo kale waxaynu ku aqoonsanaynaa waxyaabaha inaga reeban ee aan ahayn in loo adeegsado.
Hadii aan halkaas ku soo dhaafo qabiilka, bal aan u yara imaado erayga ama sifada kale ee iyadana la yiraahdo Qabyaalad, ugu horayn hadii aan is waydiino waa maxay Qabyaaladi? Ma jiro daah inaga saarini ee waa adeegsiga qabiilka ee dhinaca tabanaha ah ama dhanka xun. Waa libin siinta mid aan daw iyo gar midkoodna u lahayn adigoo ka soo dhacay ama u diiday kii mudnaa ama garta u lahaa, sida marka aad amaan ama guul qof soo hooyey u quudhi waydo maadaama aydaan ahayn isku isir ama nasab. Qabyaaladu waa adeeg xun oo aad u adeegsato nasabada idinka dhexaysa inaad qofna wax wanaag ah ugu qabato, halka aanaad cidda aan nasabadi idinka dhexaynin.
Yaa dheef ka hela qabyaalada:
Qabyaaladu guud ahaan marka dhanka wanaaga laga hadlo ma laha wax dheef ah ee waxay wax ku tartaa marka dhinaca qaloocan loo adeegsado, ama dadka waxyaabaha xunxun sameeyaa ay adeegsanayaa iyaga wax bay u tartaa. Hadaba qabyaalada waxaa dheefaheeda qaloocan ka mid ah
- Ninka u badheedhay boobka hantiga qaranka,
- Nin aan damiir wanaagsan iyo aqoon hagta midkoodna aan lahayn oo kaga tudhatay in uu qabyaalad adeegsado, waayadeed wuxuu haystaa ama aaminsan yahay hadii aanuu dadka kala qoqobin oo reer dabada gelin in aanuu fujaan shah ah cabaynin.
- Kooxaha u diyaarka ah duminta damiirka dadweyanaha
- Kuwa duutiya xuquuqda Aadamaha
- Raxanta afduubtay doorkii dadka oo dhan, god madowna ku kufsanaaya damiirkii dhalinta
- Kooxaha ku horuu maray mixnada iyo munaafaqada
- Kuwa ka ganacsada dhiiga dhalinta, haweenka iyo dhibanayaasha kale ee dalka tuban.
- Boqolkiiba tobanka dunidu soo abhisay ee aad moodayso in la yidhi waxa halkeer ah dal aan ciddi lahayn (no man’s land)
Ninka yidhi qabiil baan
Qarankii ku doorshoow
Qadaf weeye taaduye
Qabyaaladina dheefiyo
Qarash kuuma keentee
Qayilkay ku wacan tahay
Qoomaha qabyaalada:
Qabyaaladu waxay geysataa qoomo aan la koobi Karin kuwaasoo aynaan halkan ku soo koobi Karin, balse waxyaabo ka mid ah aynu halkan balk u xusno waxaana ka mid ah:
- In aad xaqaaga aas-aasiga ah ku weydo oo la siiyo mid kale iyadoo loo adeegsanaayo isirka ama nasabka ka dhexeeya
- In aad ku waydo shaqo aad ugu haboonayd dadka u soo tartamay, balse hogaamiyihii goobtaasi uu siiyey mid ay isku hayb yihiin
- In aad ku waydo naftaada qiimaha iyo qaayaha badan, iyadoo mid aad isku hayb tihiin uu wax geystay oo isagii baxsaday balse adigoon wax ba galabsan laguu dilo.
- In lagugu saaro denbi aanaad lahayn iyadoo lagaaga hiilinaayo mid kale kaasoo loogu hiilinaayo midkii denbiga lahaa sababtoo cidda wax kala saaraysay ayey isku hayb yihiin kan denbigiisii laga soo raray ee adiga laguu soo raray.
- In runtaada iyo beentaadaba aan la kala saarin ee la wada diido maxaa yeelay cidda aad wax u sheegaysa ayeynaad isku bah ahayn.
- Waxay xasuuqdaa dhalinta, haweenka iyo biri ma geydada dalkeena joogta.
- Waxay dhibanayaal ka yeeshay dhamaan ubadka aan dhalan kuwaasoo ah ama noqda dhibanaha aan dhalan.
- Waxay hadh iyo hoosba u diiday dumarkeenii sharafta mudnaa oo ay noqdeen dhibanayaal u afduuban tobankaas anbadka ah
- Waxay darayeysaa dareenkii xorta ahaa ee dadkeenu lahaayeen iyadoo ka dhigtay in aan qofku diidi Karin am aka hor iman Karin shaqsiga ay isku haybta yihiin ee dulmiga iyo duminta ku haya dalkooda.
- Waxay dayr adag ku xidhay dalkeenii oo maanta ah mid aad moodo in aan ceelna u qodnayn ciddina u maqnayn.
- Dadkii guud ahaantood waxay ka dhigtay hangool ninka dan lihi uu u adeegsado ama salaanka loogu baxo kursiga sare
Haddii aan ku soo koobo meelahaas, qabyaaladu waa xanuun dumiya, cidhibtira, madaxa majaha ugu roga bulshooyinka adeegsada; qabyaaladu waxay dumisaa dalal dhisan, waxaana midkaas tusaale fudud kuugu ah siday ka yeeshay ummadii soomaaliyeed ee 1960kii midnimada qaadatay, hadeer kala ah Somaliya iyo Somaliland. Qabyaalada waxaad kaga filan gabaygii Abwaan C/laahi Suldaan Timo cadde, ee uu lahaa
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Ama aan ku xusno Dabataxantii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye AHUN ee ahayd
Deegaanba awr baa
Ku kor doobinaayoo,
Waxay daawadaan hebel
Lagu yidhi dartiin baa
Duubka loogu xidhayoo,
La yidhaahdo, “Kama-dege”
Durbaan bay u tumayaan
Intuu dooddiyaayoo
Hadday cidi danqaabtana
Dirir bay ka xigayaan
Nin daardaari kara ma leh
Qabyaalada maxaa taageera:
Qabyaaladu hadaanay haysan cid ama kooxo taageera oo iyada ka shaqaysiiya keligeed ma jirteen oo way didhib beeli lahayd, balse dadka u heelan ee taageeraa waa dadyowga aan lahayn aqoon ha ahaato mid diineed ama mid maadi ah, waayadii uu noolaa Suubane Rasuulkeenii Muxamad Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha Ahaatee, ayaa Asxaabigii la odhan jiray Abuu-Dar-alQafaari Ilaahay Raali ha ka ahaadee nin ku yidhi kii hooyada madoobi dhashayoow, ka dibna waxaa Rasuulku SCW ku yidhi Abu-darroow weli waxaad ku jirtaa Jaahiliyadii; halkaas waxaad ka garan kartaa in cidkastoo adeegsata qabyaaladu ay tahay cid ka ooman aqoonta, ha ahaado xataa mid wax bartay balse mar hadii waxii uu soo bartay ka reebi wayday qabyaalada oo waddo lid ku ah u jeexi wayday ma jirto wax aqoon ah oo uu leeyahay Adoonkaasi. Arintan waxaynu u adeegsan karnaa hadii qof aqoon leh uu sameeyo denbi ama galo denbi in aanay jirin wax ogaal ah oo uu u leeyahay.
Sidoo kale waxaa qabyaalada taageera oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay caymiska xeerkii jaahiliyada ku dhisan ee ka dhexeeya dadka isku haybta ah balse aan isku danta ahayn ee la yiraahdo MAGTA, Magtu waxay isku si ugu xukuman tahay Daaquudkii geystay dilka iyo Miskiin aan waxba galabsan, sidaas awgeed ayey u adkaysaa qabyaalada sababtoo ah ninka aad la bixinayso dhiig uu geystay iyadoo aanay jirin sifo sharci oo aad ku siinaysaa ayaad ula wadaagtaa dheef iyo dhibaatoba.
Maxaa lagu doorin karaa Qabyaaladan ooda soo goosatay:
Qabyaaladu iminka waxay noqotay mid keentay in hal qof denbi ama eed uu leeyahay lagu xukumo ama lagula coloobo reerkii ama qabiilkii guud ahaantood. Waxay keentay dalka hantigiisii lagu boobo oo aan lalaba xisaabtamin qofafkii dhacay hantiga dad weynaha, sababtoo ah waxaa markaba ka soo dhinac jeesanaaya dadkii ay isku haybta ahaayeen, iyadoo cid doonaysa inay la xisaabtantona lagula dagaalamaayo wax beri hore dhacay oo laba reer dhex maray; waa tii Alla ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Gaariye lahaa:
Marka uu duryaa baa
Laga daba qufacayaa.
Dadna waa hangoolkii
Maalin cidi dan leedahay,
Dalmarow la tabi jirey.
Sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in dedaal aad u sareeya lala galo qabyaalada, waxaana loola dagaalami laba hanaan midkoodba ama labadaba, labadaas oo kala ah
- Hab iyo hanaan toos ah
- Hab iyo hanaan dadban
Hadaba waxaan ku talin lahaa arimahan:
- In dhibaatooyinka qabyaalada lagu daro manhajka qaranka oo ubadka loogu dhigo dugsiyada martabadaha kala sareeya
- In loo aqoonsado colka keliya ee aan marnaba la gaadhayn meel inta ay jirto
- In la yagleelo wacyi gelino aad u balaadhan oo hab aqooneed fiican loo soo diyaariyey
- In la daah furo dood aqooneed lagu lafa guraayo wadeecooyinka iyo waxyeelooyinka ay leedahay, sidoo kalena lagu lafa guraayo sidii looga bixi lahaa
- In la joojiyo hanaanka qabyaalada ku dhisan ee lagu soo xulanaayo xildhibaanada, madaxda kale ee qaranka.
- In haba yaraatee aan xukuumadahu ku soo dhisin golayaashooda hanaanka qabyaalada ah ee iminka jira
- In aan lagu doonin shaqooyinka qaranka hab qabyaalad ah, ileen waad bakhtiyeysaa looma bahalo cunee
- In loo sinaado khayraadka iyo manfaca qarankeenu leeyahay oo aan dhibta keliya la wadaagin dheeftana cid gaar ahi iska xanbaaran
Aan intaas ku soo dhaafo arimaha lagu doorin karo qabyaalada durdurada soo jabsatay ee ina naafaysay, isku soo wada duuboo ma jirto cid wanaagsan oo dheef ku qabtaa qabyaalada ee waxaa qabyaalada ku shaqaysta oo dheefteeda malaa dhadhankeeda yaqaana dadka aadka u liita, hadaba miyaanay dhaliil inagu ahayn oo wax cad ka sheegayn hoosaynta garaadkeena, maadaama aynu u afduuban dadkeena intii ugu garaadka liidatay?
Maxamed Cumar Dhagax