Abaarta iyo Xafladaha xisbiyada Soomaaliland

 

Dhulka ay Soomaalidu degto guud ahaan ee bariga Afrika waxaa ka tagaan abaar aad u qadhaadh oo waliba ay weheliyaan xanuuno halis ah oo maalamhan bilaabmay, Soomaaliland iyada oo walaaleheeda kale la qaybsata xanuunka iyo wanaagaba waxa ay la qabtaa dhibka jira gobolada bariga ha ugu daraadaane.

Waxaase jirta in xisbiyada Soomaaliland gaar ahaan labada waaweyn waa Kulmiye iyo Wadaniye ay baryahan ku mashquuleen xaflado iyo dad baa nagu soo biiray, malaha waxa ay roonaayeenba maalmihii ay dadka tabaalaysan isku soo sawiri jireen !!! kolay ilayn siysaasiyiin waxa ay bixinayaan dar Ilaahay kama ahee sida ay u badan yihiin.

Markaa m odhan karnaa abaartii waxaa badalay xaflado aan hada micno badan lahayn ? sababtu waxa ay tahay waxa dib loo dhigay doorashyooyinkii ilaa dhamaadka sanadkan , ma fahmi karo dad badan lacagta lagu luminayo xaflado badan oo ay nimankaas is caydhsanayaa bixinayaan  oo ay ku bixiniyaan waxaa nagu soo kordhay iyo waxaa na taageeray reer hebal iyo dhalinta meel heblaayo.

Kolay kama hayo xogo rasmi ah oo sheegaya lacagaha ku baxaya xafladahaas laakiin marka la qiyaaso waxa lagu lumniyaa xoolo aan yarayn oo dad iyo duunyo badan caymin lahaa, kaba soo qaad hadii soo dhaweynta madaxdaas loo kirooyo 50 baabuur midkiiba waxaa ku baxaya $ 40 doolar oo markaas noqonaysaa  $ 2,000 intaas waxa dheer dilaalkii baabuurta oo qaatay xoo dhan $ 500, hadii iyadana la soo koobo Huteelkii lagu lagu xafladaynaayey, hurada, cuntada, marti qaadka  iyo jaadkna waxaa ku baxaya xoolo aan ka yareyn $ 20,000.

Sida tirooyin kani dhab ma ah waa qiyaaso uun laakiin intaas maalin kaliya hadii ay baxaday 22,500 oo doolar imisa Booyadood oo biyo ah ama raashin, cabitaano iyo daawooyin ay gadi lahayd, waxen hubaa xisbiga maalin intaas bixiya in uu ducada masaakiinta ku heli lahaa naxariista Ilaahay ee ay raadinyaan oo ah in ay Kursiga ku fadhiistaan.

Waxaase aad looga welwela ah in damiirka siyaasiyiintu aanu u soo jeedin quudinta iyo nooleynta shacabkooda, waana tan sababteyba in doorashada dib loo riixo, malaha waxa ay gurman doonaan hadii ay abaarto gaadho ilaa bisha laba iyo tobnaad ee sanadkan, kolkaas oo doorshana la xasuusan waayo wax kaleba iska daayoo.

Xasan Ciise- Suxufi