= Haddii jabhadda lagu kala diri waayo nabad ama dagaal, waxa dib u dhac ku iman doonaa doorashada ururrada ee la qorsheeyey afar bilood ka dib.
= Markay doorashada ururradu dib u dhacdo, waxa iyana dib u dhacaysa doorashada madaxtooyada. Ileyn ma jiraan saddex xisbi qaran oo doorasho geli karaaye. Intaasi ka dib waxa madaxweynaha loo samayn doonaa muddo kordhin kale.
= Kooxaha jabhadda sameeyey waxa ay gawracayaan hankii ahaa in Waddani ku guulaysto hogaanka dalka.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan