Kulmiye: Heshiiska reer Gabiley iyo reer Berbera Samaale wax ma u dhimayaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Gabiley ayaa Berbera uga tanaasushay tartankii guddoomiyaha koowaad ee xisbiga Kulmiye. Dad badan ayaa arrintan u arkaya in siyaasi Samaale halkaasi lagu gawracay, arrintu se sidaasi way ka duwan tahay. Waxa se micno weyn samaynaya in Samaale iyo abtiyaashii reer Gabiley ay u kala dhammaatay.

= Samaale wuxuu gacanta ku hayaa beesha HabarJeclo oo golaha dhexe ku xooggan, maadaama oo uu yahay ninka ugu waayo-aragsan musharraxiinta. Waayo-aragnimada wuxuu ku khasban karaa xubno kale. Meesha beelo heshiiyey ma codeynayaan, waxa loo tartamayaa waa golaha dhexe ciddii awood iyo galaangal ku yeelata.

= Beesha Habar jeclo way is-yaqaanaan siyaasi Samaale oo markii uu wasiirka Maaliyadda ahaa wada shaqayn ayaa dhexmartay, kumana doorsanayaan nin cusub oo aanay garanayn.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com