Raggii Maalintii Adkayd Difaacay Madaxwayne Erdogan (WQ: Mustafe Axmed M Geeddi-Xaas)

Afgambigii dhicisoobey ee ka dhacay waddanka turkiga wuxu ahaa maalmo adag oo soo maray shacabka Turkiga iyo dunida islaaamka, waxay ahayd maalmo ay xaaladdu qadhaadhayd oo murugo iyo rajo xumo weyn u ahayd ummada turkiga iyo Caalamka Islaamka oo u arkaayay inuu damay shamacii iyo iftiinkii usoo baxay dunida muslimiinta ee Erdogan. Ciidamadii afgambiga waday waxay markiiba la wareegeen Telefishanka dawaladda waxayn gabadhii warka akhriyaysay lagu khasbay in ay si khasab ah ku akhrido warqadii ugu horaysay ee Afgambiga ee ahayd “Tirsiga Kowaad” waxaan warqadan nuxur-keedu ahaa in dalka turkiga uu ka dhacay afgambi iyo in ay dalka xukunkiisa ay la wareegeen ciidamada qalabka sida,warkaasi oo ahaa kii shacab-ka ku abuurey werwerka iyo xaladda qalafsan ee uu cagta saarray turkigu, waxay shacabku is waydiinayeen xaggee loo socdaa.

Dadkii Afgambiga hor kacaayay waxa ku jirey rag baddan oo ay Erdogan aad isugu dhawayeen loona arki jirey “Saaxiibbadii” lkn markan waxay ahayeen cadawgiisa runta ah ee khaarajin lahaa, rag loo arkayey saxiibbadii Erdogan ayaa mar kaliya isu baddaley cadawgii Erdogan iyo dalka Turkey.

Madaxwayne Erdogan marka uu Afgambigu dhacayey waxa u ku jirey maalin fasax ah isaga iyo qoyskiisu waxay dalxiis ugu baxeen tuulo ku taala xeebta barriga fog ee turkiga, waxayna ku deggen Hotel halkaas ku yaala.

• Saaxiibbadii Maalintii Adkayd Ee Madaxwayne Erdogan.

Markii Afgambigu biloowday xaaladda dalkuna is baddashay, madaxwayne Erdogan-na aannu waxba ka oggayn wax dhacaya, ayaa waxaa telephone-ka ka soo wacay General Dawndaar oo ay ka muuqato sida uu uga xun-yahay shirqoolka ay ku kacayaan hoggaanka ciidamada turkiga ee bilaabey Afgambiga ay xukunka kaga tuurayaan Madaxwayne Erdogan.

Waxa uuna “General Dawndaar” madaxwaynaha u sheegay in uu dalka ka bilaabmey “Afgambi” iyo inuu baddelo halka uu saacadda u la hadlaayo uu ku sugganyahay,waxa kale oo uu sheegay in la rabo in la khaarajiyo, oo uu ku sugan yahay xalad khatar ah oo u dhaxaysa geeri iyo nolol uunna qaato taladdiisa, wuxu u sheegay inuu diyaaraddiisa si dhakhso ah ugu soo kaxaysto dhinaca ‘Istaanbuul’ oo markaa ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaaminayo General Dawndaar, wuxu ku yidhi: usoo carar xagay-ga aniga ayaa ku difaacaya, amaankagagana sugaya halka aad soo marayso iyo halka aad deggayso ee xagayga usoo carar oo aniga ii kaalay waan kula dhimanaynaa anniga iyo ciidankaygu.

Go’aankaas ayuu qaatay Madaxwaynihii dalka turkiga ee Erdogan wuxuna si dhakhso ah ugu duullay dhinac General Dawndaar uu ku sugnaa ee Magaalada Istaanbuul. halkaas ayuu General Dawndaar kusoo dhaweeyay Erdogan kuna saggayay ammaankiisa isagoo diyaar u ahaa inuu difaaco madaxwaynihiisa Erdogan iyo dalkiisa Turkey wuxuuna cidaamadiisa siiyay amarkii ugu danbeeyay ee ay ku badbaadin lahyeen dalka iyo madaxwaynaha, waxa yar uun kadib markii hotelkii uu ka yimi Erdogan ilaa 40-daqiiqo kadib waxaa Hotelkii uu kasoo baxsadey Erdogan la wareegay ciidamo isaga raadinaayay oo rabey inay kharajiyaan ama qafashaan ,waxay ahayd arrin la yaab leha!oo muujisay sida uu General Dawndaar u badbaadiyay Erdogan maalintaas inakasta oo qaddar ilaahy “swc”ahayd wax kastaana ku dhacayeen. Waxa marka kale lala wareeggay magaalada “Ankara”waxaana si toosa ah diyaaraaddaha dagaalku u duqaynayeen xarunta madaxtooyada oo qiiqa iyo uurrada ka baxaysaa aan la qiyaasi karin geeri iyo nolol madaxwaynihii dalka ee Erdogan.kuwa Afgambiga wadaana isaga ayay baadigoobayeen.

Balse amaanka madaxwaynaha ee xiliga waxa la wareegay Generl Dawndaar oo aan oggolayn in ay cidi kasoo ag dhawaato halka uu joogo madaxwayne Erdogan ciidamddisana amar ku siyay inay u dhintaan dalkooda iyo difaaca madaxwaynahoodda.

General Dawndaar waxaa uu ahaa, qadarka rabi marka laga yimaado, sababatii badbaadisay madaxwayne Erdogan wuxuuna noqday saaxiibkii naftiisa u hurrayay difaacay Erdogan, halka qaar ay saxiibo dhow ahayeen oo dhinaciisa ka muuqan jiray ay shirqoolkan wax ka maleegayeen, Dawndaar waa nin Muslim ah oo waliba suni ah, waana sarkaal khabiir ku ah arrimaha ciidamada.

• General Hakaan Fiidaan” Saaxiibkii Runta ahaa  Erdogan. Ee Badbaadiyay Kursigga Madaxwaynaha.

Shaqsigii 2aad ee baadbaadiyay Erdogan waxa uu ahaa saaxiibkii ay dadka turkigu u yaqaaneen “Midida Erdogan”waxa uu ahaa nin uu aad ugu kalsoon yahay Erdogan, waxayna ahayeen saaxiib aad isugu dhaw, waa nin la sheego inay saaxiib dhow yihiin Erdogan, waana nin aad u neceb yuhuuda iyo reer galbeedka, aadna u jecel in la difaaco qadiyadda muslimiinta, reer galbeedka iyo yuhuuddu ninkaas aad ayay u necbyihiin, Waa Taliyaha Ciidamada Sirdoonka ee waddanka turkiga ee loogu yeedho “MIT” jagadaasna waxaa u magacaabay saaxiib-kii Erdogan in xilkaas loo dhiibo “General Hakaan” aad ayay uga xumadeen Maraykan-ka iyo yuhuuddu waxayna u arkayeen cadawgooda . Waxa uu ahaa nin sirdoonka waddan-kiisa ka dhigay mid aad u adag oo xirfad sare leh, waana arrinka ay aad ugu sii naceen reer galbeedku.

Markii Afgambigu socday General Hakaan waxa uu u istaagay inuu badbaadiyo kursiga saaxib-kiis Erdogan iyo waddanka Turkiga wuxu uu ku ordaayey xawaare sare oo sirdoon, isagoo xirafadiisa sirdoon ku jarrayey xadhkaha ay kooxda Afgambiga waddey ay xidhayeen ,mar uu la hadlaayay Erdogan wax uu wacad ku maray in uu u dhimaanayo dalkiisa Turkey uuna difaaci doono Erdogan, wuxuu si toosa ah u maamulayay waxaadda sirdoon-ka ,waxa kale oo uu qayb ka ahaa arrimaha siyaasiga ahaa ee maraxladan qadhaadh lagu xalinaayay.

Erdogan wuxu ku yidhi:- annaga ayaa ku difaacayna oo kula dhimanayana ee dibadda inoo saar aan u tagno shacabkeenna wadooyinka dhexdiisa ka mudaharaadaya, si aaney cadawgu ugu faa’idaysan maqnaanshahaaga iyo aamusnaanteena, wuuna ka aqbalay Erdogan arrinkaa saaxiibkii General Hakaan wuuxna dhex tagey shacab-kiisa oo wadooyin-ka dhexdiisa ka mudaharaddaayey ,waxay ahayd arrin morraal ahaan dajisay shacabka ,waxay kale oo niyad jab ku noqtay kooxdii Afgambiga waddey in ay arkaan Erdogan oo shacabka dhextaagan.

Mr-Hakaan waxa uu ahaa ninkii badbaadiyay kursiga Erdogan. General Hakaan iyo Erdogan in badan ayay saaxiibo ahayeen guddaha turkigana aad ayaa loogga darreemi jiray isku dhawaanshahooda.

Erdogan aad ayuu ugu kalsonaa General Hakaan Afgambiga ka hor, waxayna ahyeen saaxiibo aad ayuuna u ixtaarami jirey,mar ayaa waxa dhacday in General-Hakaan uu rabey inuu u tartamo Barlamaan-ka Turkiga. Kadibna waxa uu iska casilay agaasimaha haayadda Sirdoonka Turkiga, warqada is casilaadana waxa uu u gudbiyay madaxwaynaha, xiligaa waxa Erdogan laga darreemay sida uu uga xumaaday is casilaada General Hakaan iyo sida uu ugu kalsoonyahay ‘General Hakan’ ee uu doonaayo inuu la shaqeeyo, waxa la sheegay in Erdogan laga darreemay in uu arrintaas aad xummaaday, muujiyayna jacaylka uu u qabo Mr-Hakaan kadib markii madaxwaynahu aqbali kari waayey warqada is casilaadda ah, muddo “bil” ah ayuu madaxwaynahu aqbali waayay oo diidanaa is casilaada General Hakaan taasina waxay muujisay sida aannu madaxwaynahu uga maarmayn ninka Mr.Hakaan la dhaho iyo kalsoonida buuxda ee aan la qiyaasi karin ee ninkaas uu u hayo.

General Hakaan markii uu arkay sida uu saaxiibkii Erdogan ugu dhegen-yahay ayuu ka noqday Go’aankiisii iyo hankiisii wuxuuna raacay rabitaanka Erdogan ee ah in uu la shaqeeyo isaga oo aanu ka maarmayn.wuxuuna mar kale shacabka Turkiga u xaqiijiyay inuu ka noqday go’aankisii is casliaadda, sida ayuu Erdogan ula shaqaynayay ilaa uu uga yimi Afgambiga dhicisoobay ee uu daddaalka baddan u galay fashilintiisa iyo badbaadinta saaxiibkii Erdogan iyo dalka turkiga oo uu diyar u ahaa inuu naftiisa u horo.

Arragtida Mr.Hakaan waa nin neceb yuhuudda iyo reer galbeedka iyaguna cadawgood ayay u aqoonsanyihiin Hakaan.

Sidoo kale waa nin jecel in la garab istaago muslimiinta caalamka ku dhibaataysan, waxa kale oo uu necebyahay dhaqan-ka qadhmuun-ka baddan ee cilmaaniyada ah ee turkiga mar lagu xukumi jirey.

“Cilmaaniyaddu” waa dhaqan qadhmuun iminka kusoo batay somaalidda galbeedka wax kusoo baratay oo aad in baddan qoraaladooda ka dhadhan-sanayso iyagoo leh Diintu masaajidadda ha looga yimaado xukunka iyo nidaam-ka maamulkuna ha ku dhisnaado nidaamka iyo dhaqanka reer galbeedka.

Qoraalkan waxaan ula jeedaa in uu hal-xidhaale u noqdo arragtida dhahda siyaasaddu ma laha saaxiib iyo inuu ka turjumayo saaxiibtinimaddu wanaag ay leedahay inay gaadhi karto in nafta la isku furto maalmaha adag ee nolosha, qofkii ku caawin kara maalinta adag ayaa ah saaxibkaaga dhabtaa ah, waxaba ha isku halayn kuwa kula qoslaya maalmaha farxada.

Ciwaanka qoraalkeenu waa “Saaxiibka dhabta ahi waa ka maalinta adag”

Qoraalkan oo aan soo koobay, kuna koobay nuxurka saaxiibtinimadda siyaasadda, waa qaybihii qaar kamid ah intii aan ka maqlay Afgambiga ka dhacay turkiga.

Qaybaha ugu mihiimsan ee qoraalkan yar waxan kasoo dheegtay Dhigannaha la dhaho “Afagmbigii Dhiscisoobey” ee u qoray Kamaal A. Cali.

 

FG. Xogta ugu mihiimsan waxaan kasoo xigtay  “Buuga afgambigii dhicisoobey” . Ee Kamaal A. Cali

 

W/Q. Mustafe Ahmed Geeddi-xaas

WhatsApp.0659555532