Rajo qaribto “Qabyaalad” (Hibo Ciise Maxamed “basbaaso”)

Laye: niyaw Tiinoow tobaadkan waxa uu madaxweynuhu sameyn doonaa isku shaandheyn, xilalka qaadis iyo xilal magacaabisyo dhawra, reerkeenu laba wasiir, dhawr wasiir ku xigeeno iyo agaasimyaal dhawra baynu lahayne tolow wax wara ma ka haysaa amaba suuqa dhago-dhagaynta wax ma ka maqashay?

kuye: inaader ciinlow horta hawli ma yara, se inagu halkeeni inaynu kasii badsano mooyee hoos in aynu uga dhacno ha maleysan, dagaalbaynu ka xignaa haddii inaga layna soo faragaliyo, oo dee see laynoo soo faro galin waddankuba ma cid kaloo aan inaga aheyn buu haystaa.

Qabyaalad, qabyaalad, qabyaalad dadkii oo dhan qabyaalad baa lahadal hayaa, daqiiqad kaliya kama madhna doodaheena kuwa cilmiyaysan iyo kuwa caadifadaysanba ha kala reebin, marka meelaha caamka ah iyo goobaha warbaahinaha la joogo waa lays wada giijiya qabyaaladana laga dhigaa ey la nacey oo qofwalba wuu heera oo canaanta iyo cayba u miisa, balse marka mafrishyada gaarka ah iyo meelahaa afka laysku saar-saarayona waxa aad wakhti loogu lumiyaa reer Qudhac iyo reer Gaydhe waxay haysataa intaas oo wasiir intaas oo shaqaale dawladeeda halka inagu intaa aynu kaleenahay.

Markii xil la magacaabayo ma waxaad moodey in qofka la qiimeeyo oo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo dadnimadiisa lagu doorbidayo, haddaad mooday waad khaldan tahay dawladdu door muhiimay ka qaadataa balse waxa intaa debadda ka riixaya shacabka oo mid walba madax–dhaqameedkiisii (Boqor, Suldaan iyo Ugaas.) culimadiisa iyo cidkasta oo is yidhaa waa loo soo istaagayaa ayuu soo kalifayaa oo uu caadifad iyo cun-cun qabiil ku soo talaalayaa amaba horey ugu talaalneydoo markaa loo sheego uun buu isagoon dhag la qabto laheyn dhankaa ka soo raacayaa.

Haa waa xaqiiq jirta in badana lagu dulmay oo wax ay xaq u lahaayeen lagaga duudsiyay, markay aamineen in aqoontooda iyo awoodooda shakhsiyeed wax u goyn doonto se way ku hungoobeen. Haddaba waxa jira dad iyagu aaminay in ay ka fogaadaan qabyaalada iyo iskala gurka oo ay wax ku doortaan aqoontooda, kartidooda iyo heerka saameyn ee ay ku yeelan karaan bulshadooda guud ahaan, sidoo kalena lagu doorto.

Maxay ku danbeeyeen dadkaasi in ay noqdaan dad aan bulshada dhexdeeda qadarin laga siin wax qiimo ahna ku yeelan waayo taasi waxay khasab ka dhigatay in kii jeclaa qabyaalada iyo kii necbaaba isku si u adeegsadaan oo qof walba olole u galo sidii uu qayrkii iyo qabiilka la dhiga ah wax ula qaybsan lahaa.

Ganacsiyada shakhsiyaadku leeyihiin (Private sectors) iyo dawladduba (public sector) marka ay xafiisyadoodu shaqaale qaadaneyaan miisaanka ugu horeeya ee la saaro waa qabiilka iyo cidii hadba cidaa hawshaa gacanta ku haysa ugu jilib dhaw, walow aaney lahayn xirfadii ku habooneyd iyo aqoontii looga baahnaa in lagu fuliyo hawshaa iyada ah, taasina waxay sabab weyn u tahay dhicisawga ku dhaca ganacsiyada laga yagleelo gayigeen iyo hoos u dhaca hawl qabadyada dawladda.

Intaas oo kaliya kuma koobnee waxay caajis iyo wahsi badan ku abuurtaa ubaxa waddanka u soo baxaya niyadii ay cilmiga barashadiisa iyo baadhidiisaba u hayeen, bal Illaah baan kugu dhaarshee waxaad suureysaa ardey dadaaley oo hadh iyo habeen u soo jeeda sidii isagoo ka mid ah dhallinyarta cilmigii u bartey dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu soo kordhin lahaa haddii ardey aan waligii dhuuxin oo aan dhuganin hal la yidhi shahaado madhan oo aan wax alla wax haba yaraatee ka hooseeya jirin sita inta gacanta la soo qabto kursi cad oo dhidid iyo orod lagu kasbado aayar uun la yidhaa fadhiiso, bal kii mutaystay haddii la baal mariyo muxuu sameynayaa.

Niyad jabka halkaa ka soo gaadha aawadii waxa laga yaaba in uu tahriibo naftiisana khatar galiyo, ma khaldana oo waddankiisii ayuu caddaalad ka waayay cid alla cid uu uga caban karo Illaahay sokadii ma jirto, bal wataase markii dadkii hal-abuurka lahaa (Creative) caynkaa loo galo yaa u gurmanaya waddankan baaba’ay.

Dadka waddanka ku dhaqani waxay leeyihiin xuquuq isku mida, si simana in wax loogu qabto ayey tahay waajibka saaran hadba xukuumadda xilka haysaa, isku cashuur baa laga qadaa haddana waxaa xaqiiq jirta ah in deegaano badan oo aad uga fog magaalo madaxyadda in aaney lahayn hal xarun oo ah xarumaha caafimaadka ee lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhalaanka (MCH), goobo lagu barto waxbarashada aasaasiga ah iyo meelo laga cabo biyo nadiif ah oo caafimaadka dadka aan halis galineyn, halka deegaanada qaar iyagoo isku dhaw ay ku yaalaan ilaa shan (5) xarumood oo lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhalaanka (MCH), iyo sidoo kale goobo waxbarasho oo tiro badan. Bal maxay kuwani galabsadeen ee ay kuwan kale uga sad badsadeen miyaan khayraadka waddanka iyo waxqabadyada horumarineed loo sineyn.

Dadkii waxa iska dhex milmay qabiil iyo qabyaalad, qabiilka in laysku garto oo laysku qaraabeysto (laysku xidhiidhiyo) weeyaan oo Illaahay (SW) ayaa qur’aankiisa inoogu cadeeyay, laakiin qabyaaladu waa nooc ka mida musuqmaasuqa waxaaney cadaw ku tahay horumarka, cadaalada, dhaqaalaha, waxsoosaarka iyo dhammaan waxkastoo bini aadamku ku horumari karo kuna liibaano if iyo aakhiraba.

Garan maayo xaajada balse haddii aan indhaha lays qabaneyn qabyaaladu waxay ahayd wax soo jireena guud ahaanba gayiga Soomaalidu dagto oo sheekooyin horeba waynu ku hayna Gun iyo Gob, Laandheere iyo Laan gaab, laakiin Somaliland waxay aad iyo aad ugu xoogaysatay laxaad aad u badan iyo cudud balaadhan ku yeelatay shantiii sanno ee ay uu xukuumadda Kulmiye haysay xilka, sida aynu lawada soconona markii ololaha doorasha ee lagu doortay ay ku jireen waxa aad loo hadal hayn jiray dimuqraadiyada iyo in Kulmiye aanu qabiil aheyn ee ay cid kasta ku jirto. Imika haddaa maxaa khaldamay, bal adba.

Haddaba waxa loo baahan yahay in lagu sameeyo cilmi baadhis sax ah oo taabaneysa waxa kor u qaadey qabyaaladda oo heer gaadhay in ay saameyso xataa Jaamacaddii waddanka oo aynu lasoconey tii ka dhacdey Jaamacadda Qaranka ee Hargeysa oo salka ku haysay arrimo la xidhiidha qodobka aynu qalinka la dul taagneyn.

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Allaa Mahadleh

Hibo Ciise Maxamed(basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com