Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay xaflad lagu daahfurayey mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Hargeysa, waxaana Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Maayirka Hargeysa , Maareeyaha Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, gaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Ammaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka ay yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta waxaana halkaasi warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa kana war bixiyey agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Hargeysa iyo qaabka ay hawshu socoto, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha-indheeyey.

Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Hotel Maansooor ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadiisa:

“Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii dalkani u heli lahaa biyo, dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu maanta joogno. Waxa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).”

Isagoo Madaxweynuhu hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxa kaloo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaadaan, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Hargeysa laga bogsan doono.”

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuhu hadadlkiisa ku soo gabagabeeyey ahmiyada ay biyuhu nolosha u leeyihiin, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, anagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo.”

Biyo balaadhinta Hargeysa ayey dad badani u dheg taagayeen wakhtiga biyuhu soo gaadhi doonaan, balse waxay maanta arkayeen mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo Madaxweyne booqday.

Mashruuca biyo balaadhin Hargeysa ayaa wax weyn ka tari doona biyo la’aanta ka jirta Hargeysa oo marar lagu gorfeeyo baraha bulshadu kuwada xidhiidho iyo warbaahinta kale.

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com