Markay dani ku haysaad, dadka kala ogaataa- Ma kaambayn buu u yimi Togdheer mise waa gurmad Muuse Biixi ? (WQ: Cabdirashiid Cabdi Nuur)

Waxaan jecel ahay in aan maanta ka hadlo xaaladada waddanka gaa ahaan gobolada bari Somaliland, sida aynu ognahay waxa ka jirta hadda abaar aad iyo aad u baaladhan. taas oo dad iyo duunyaba saamaysay, markaa waxaan Illaahay uga baryaayaa in Illaalahay dadka u naxariisto raxmaad degdeg ahna u shubo.

Soomaalidu waxa ku maah maahdaa:

“Reerkii kaa dulguuriyo

Dariskii wax kuugu tara

Markay dani ku haysaad

Dadka kala oogataa”

Waxaan ugu socdaa taas waxaanu maanta ku jirnaa xaalad adag, oo u baahan in  dadka lagu ka saaro laguna kala caalamadsado waxay ahayd sannad ka hor markii ay dhinac galbeed ee Somaliland ku dhuftay abaartu, tani waxaanay galaafatay naf iyo maal. Illaahay mahadii waa loo gurmaday intii laga gaadhay dadka  reer bariga ahi si walaalnimo ah ayey baaqaas iyo dhibaatada uga jawaabeen sidaa si lamida shacab waynaha reer Somaliland meelkasta ha joogaane way inala wadaageen dhibaatada jirta laakiin waxaa taariikhda  galay qolo  Hargeysa dalxiis uga yimi oo ay kamid yihiin wariyeyaal HCTV ka socaday qurbe-joog Reer  Hargeysa  ah intaas u soo socday sawirada buurta Daalo, waxa raga ka mid ahaa koox isku reer ah oo ay kamid yihiin  Agaasimihii hore TV-ga qaranka Khaddar Cali gaas, Maxamed Cabdi Ilig ilig , Agaasimaha Ururu Beeledka SONYO Iyo qaar kaloo badan, waxay in aad dadka la wadaagan xaalada adag oo haDdii shaqo u yimaadeen aynu aragno iyagoo xoolo waaraabiya Ama dad caawinya  laakiin  jees iyo  dareen laa.

Tan waa ayaan daro wayn waxaanay taasi ka turjumaysaa sida dad gaari umaalayaan maandeeq sababtoo ah gobolkasta way joogaan wariyaal hawshooda ka adagi, may ahayn ina y intaas u soo socdaan, habeen dhex  ama Perdium loo qoro wasiiro siinayaan  iyo  Muuse Biixi oo lagactii uu dadka abaaruhu saameeyeen kala bakhaylay ku  badaley in uu dhallinyaro la soo Ururiyey hudheelada ugu qaybiyo lacagtii kaambeena ka bilaabo Burco oo  maanta gurmad u baahan, maynaan filayn in maanta uu  Muuse u fadhiyo Burco dad uu TVyada  laga dawaado oo yidhaahda waxaanu ku biirnay xusbi isagoo dhalinyaraa usheeahgay waxa la lagu magacaabay jeegan  iyo hab beelayan oo aan hada shaqaynin sababtoo waxaynu u baahanahay inaynu suurino qabyaalada iyo is bahaysiga aan cilmiga ku dhisnayn maantaa  may ahayn taasi aniga oo ku hadlaya afka aqoonyahanada gobolka togdheer waxaay taasi natu saysaa in aanu muuse ahay hoggaamiyihii  Inaga saarilahaa xaalada  ku gadaaman deegaanadeena sida Deeqaha waxbarasho oo lagu musmaasuqo maxadka shaqaalaha Somaliland  haddii ay tahay tababaro ama fursada  kale ay ina  siiyaan dalalka dariska ahi, iyada oo aanay gobollada soo gaadhin  iyo qof jeclaysiga.

Shaqo la aanta baahsan ee dhalinyaradeena badaha  ku gurtay sinan laa anta fursadaha shaqo oo dad gaarihi maalan  muuse  waxanad ogaataa tani inay tahay garashada Muus waxaa maskaxdiisa ku jirtaa  kursi  balse aanu garanayn habkii loo maryey waxaan halkan ka garan kartaa  inaanu u qalabaysnayn dal u baahan  himilo fog iyo horumar baaxadleh waxay ku tusaysaa taasi baalasha uu ku  duulo ama cida uu  u rako inay muhiim u tahay isaga markaana  matalaysa qaybaha kala duwan ee mushtamaca balse aan bulshada magac iyo maamuus toona  ku lahayn matalin inay ka hadlaan masayrka umada reer togdheer muuse  wuxuu  kala qaybiyaa dadka walalaha ah ee deegaanka wada dega markasta oo uu burco yimaado maanta maaha maanlin taageero laga raadiyo dad dhibaataysan

Waxaan ku soo  koobayaa hala kala saaro Kulmiyihii shalay iyo kan maanta.