Kulan ay caawa Madaxtooyadda ku yeesheen Guddida Heer Qaran Ee waxay ku qorsheeyeen qaabkii loo gaadhsiin lahaa taakulaynta deeqaha dadka abaaruhu saameeyeen

????????????????????????????????????

Guddida heer qaran ee taakulaynta  abaaraha Somaliland oo muddooyinkan ku hawlanaa sidii deeqaha  ka kooban raashinka  iyo biyaha  loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen ayaa caawa kulan xog waran iyo xoojin ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

kulankan oo saacado badan qaatay ayaa xoogga lagu saaray sidii deeqaha raashinka iyo biyaha ka kooban loo gaadhsiin lahaa deegaamada ay abaarta ba’ani biyo iyo baad tirtay halkaas oo sidoo kale xogo khadka taleefanka (telephone) ah lagaga dhagaystay xaalada dhibta iyo heerka ay taagan tahay guddi hooseedyada taakulaynta abaaraha ee heer gobol.

Guddida oo muddooyinkii u dambeeyey  ku hawlanayd gaadhsiinta deeqda dawlada iyo muxsiniintu u hibaynayeen  walaalahooda taagta iyo tamarta daran ayaa goobta lagu xusay tirada baxday iyo inta qorshaysan ee maalmaha soo socda gaadhi doonna deegaamada abaartu diiratay.

Waxa sidoo kale dib loo eegay mudnaanta deegaamada maalmaha soo socda la gaadhsiinayo deeqaha  iyadoo laga eegayo dhinaca xaalada xaalufka.

Ugu dambayn shirkan oo u guddoominaayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ahna ku simaha guddoomiyaha Guddida heer qaran ee Abaaraha Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ku soo xidhmay qorshe hor leh iyo fulin loo balamay waxaanay ku soo gunaanadeen duco iyo in ay Illaahay ummadda u baryeen Naxariis biyo iyo  baad ba leh oo Deeqluhu ugu deeqo ummaddiisa.

bandhige@gmail.com