Riyada Kaalmaha sarre iyo Imtixaanka Shahaadiga ah (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

Ardey badan oo reer somaliland ah ayaa sannaddugsiyeedkan ku taamaayey iskuna diyaarinaayey in ay gallaan kuna guuleystaan kaalmaha ugu sarreeya ee imtixaanka shahaadiga ah,afartii sanno ee dugsiga sarreba waxa ay ku riyoonaayeen una halgamaayeen siddii ay mar uun uga mid noqon lahaayeen 10 ardey ee dalka ugu sarreeya sida dhaqamiga ah,riyadaasi waa mid adag,tacab adagna uga baahan oo tiro badan oo ardeyda dugsiyada sarre guud ahaan gobollada somaliland ay wada eryanayaan,cidda ku guuleysata mustaqbalkana waxa u rumoobi doonta mid ka mid ah riyooyinkooda ugu waaweyn ee noloshooda waxbarasho.

 

saddexdii billood ee ugu danbeeyey ardeydaasi qorshaha diyaargarowgooda iyo niyaddoodaba waxa taabtey xanuunka  karoonaha oo wakhti dheer ku qaadanaya wadamada addunka in uu ka soo dhammaado,si quruxdii waxbarashadda iyo imtixaanaadkii u soo noqdaan.”Sidda ugu wanaagsan ee ardeydaasi lagula  taliyey ayaana aheyd in aan saf markaasi saameyn/waxyeellana ku yeellan diyaar garowgooda  iyo wax akhriskooda imtixaan intaba”.kuwaasi oo sidda hadda loo ballan san yahay imtixaanadooda u fadhiisan doonna ka hor inta aanu dalku si rasmi ah uga wada bixin bandooga safmarka karoonaha 27 June”.maaddooyinka xisaabta,luqadaha iyo sayniska ayaa go,aamin doonna ardeyda kaalmaha ugu horreeya ku guuleysan doonta haddi imtixaankaasi sidda loo qorsheeyey u dhaco.

 

Ardeydaasi riyadooda labaad waa in ay jaamacaddaha dalka soo fadhiistaan oo ay galaan,(iyada oo ay jirto duruufo badan oo ku gadaaman in ay ardeydu jaamacaddaha is qoraan).riyadooda labaad ayaa ah in ay sii wataan barashada gaar ahaa sayniska u badan,mid kastaa dhakhtar,muhindis(Engineer) ayuu rabaa oo niyada ku heystaa.Ardey kasta wuxuu rabaa in uu mustaqbalka bulshaddiisa baahan u adeego kuna taageero aqoontiisa,ardeydaasi oo badi ah kuwo da,yar oo cimrigoodu aannu weyneyn.

 

imtixaanaad ka qorshe iyo hawl duwan kuwii sannadihii horre dhan kasta ayey marayaan oo ay geli doonnaan, kaabigana u saaran dufacada sannadkan imtixaanka shahaadiga ah ka qalin jabineysa,oo imtixaanku kaga soo beegmay wakhti bulshadda iyo shucuubta adduunku ay hawlo kale ku mashquulsan yihiin,diyaar garowgii,qorshihii,muraajicadii iyo hawlihii dugsiyaddu ay ardeydooda ku garab istaagi jireen ayaan jirin,niyad wanaagii horre ayaan jirin,kala durug iyo kala fogaansho ayaana beddelay.

 

ugu danbeyntii Ardeyda ugu badan ee natiijooyinka ugu fiican ka heli doonna imtixaankani shahaadiga ah waxa ay inoo sheegi doonnaan in ay ku guuleysteen saddex arrimoo midkood oo ah “1.baadhid badan oo dhanka internetka2.baraha bulshada oo ay ka baxeen iskana xidheen(Social media) 3.24ka saacaddood iyaga oo inta badan wax akhriyi jirey ugu yaraan 16 ama 15 saacaddood maalintii.dhanka kale waa marka sannadkii tayada iyo awoodda isgoolada dalka la ogaan jirey,xayeysiis iyo faana laga dhigan jirey tirada ardeyda ee kaalmaha horre ka soo muuqda,kuwaasi oo ku faana dedaalka iyo horumarka ay sameyaan ardeydoodu guusha iyo libinta  ay ka soo hoyso imtixaanaadka shahaadiga ah,dugsiyadii la daalla dhacaayey culeyska ka heystey kharashka,kirada,dhaqaale yarida iyo mushaharaadka ayaa haddana isku diyaarinaaya imtixaanaadkaasi,guusha imtixaanku in ka badan inta lacagta ayey ku xidhan tahay akhriska iyo aqoonta,xilligan lagama fekiraayo baabuurti ardeyda la siin jirey iyo dahabkii intaba, waxa keliya laga fekirayaa sidii imtixaan looga qaadi lahaa.guusha ugu weyni waa in imtixaan la  qaado,si gaar ah markasta waxaan calanka ugu siddaa ardeyda dugsiyada dawliga ah oo aan u rajeynaayo guul,waayo kuwasi ayaan wax ku soo bartey waxna isoo barey.kaalmaha sarre haddii ay sannadkan jiraan,si ka duwan sidii horre ayey u jiri doonnaan.

 

Abdifataah M.Ahmd

 

Ceelaabe_10@hotmail.co