Waxaan ka bartay Axmed Aar (WQ: Barkhad M Kaariye)

Ma jeceli qoraallada dhaadheer ee degelkan lagu baahiyo, hase yeeshee maanta kan ila akhriya.

Geeri waliba damaq gaar ah bay leedahay. Saaka ayaa warka geerida Axmed Aar i soo gaadhay in uu magaalada Borama ku geeriyooday. Damaqa ay leedahay qof aad ixtiraam u haysay, kuna qaddarin jiray oo aad wax badan ka baratay ayay leedahay geeridani.

Garashada Axmed Aar aan garanayay iyo barashadu way kala horraysay, waliba muddo dheer. Saaka xusuusta Axmed Aar baan isweydiiyay; waxa igu soo dhacday in muddo dheer ka hor ay garashadiisu iigu horraysay. Waa Wargeysyadii u horreeyay ee Hargeysa ka soo bixi jiray Sagaashanaadkii midkood oo sawirrada ku soo baxa uu dhinaca si joog qoton ah ugaga qornaan jiray; sawir-qaade Axmed Aar. Taasi waa garashadii.

Barasho markay tahay, Axmed Jaamac Aar, waxaannu isbaranay 2005. Waa wakhti dhaw, hase ahaatee dadnimada uu lahaa iyo ixtiraamka uu dhalilnyaro badan oo aan ka mid ahay warbaahinta ugu soo dhaweeyay baa ka dhigaysa inaanu muddo dheer isnaqaannay. Wakhtiyadaa aannu warbaahinta soo galnay dhallinyaro badan oo imikaba ka mid ah kuwa hormoodka u ah warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo anigaba, waxa uu ka mid ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee dhiirigelinta iyo rejo-abuurka nagu qaabilay. Sida mihnad kastaa u leedahay caqabadda, si la mid ah ayay warbaahintu u lahayd caqabad ay ka mid ahayd; in aan lagu soo dhaweynin amma laguu arko khibrad-laawe aanay ahayn in uu halkan yimaaddo!

Markaan xusuusto Axmed Aar wuu ka duwanaa dad badan oo aannu goobaha war-raadinta iyo madalaha war-sameegu isugu yimaaddo aannu ku kulanno. Salaantiisa oo kaliya ayaa dadnimo iyo soo-dhaweyn ahayd. Way yarayd inta aanannu is-arag oo gacan-qaad iyo laabta oo aannu isku salaanno aanay noo ahayn. Ma ahayn qof isla-weyni ku jirto, balse qof isdhul-dhig badan buu ahaa.

Ma illoobo maalin maalmaha ka mid ah oo uu igu yidhi; ‘Adeer, mustaqbal wanaagsan baad leedahay ee sidaa ku wad mihnadda. Ha dhegaysan dadka qaarkood, hana noqon kuwa mihnadda sida gurracan u adeegsada.’ Ka warran wakhtiga u sidaa i leeyahay, ragga qaarkood la i raaciyay si aan wax uga barto oo habka war-ururinta macallin iigu noqdaan, intaannu wada soconnay oo koobnayd haaraanka iyo hiifka wejigooda iyo hadalkooda ayaan ka dareemayay, markii dambena way iga baxsadeen!! Maanta way nool yihiin iyaguba!

Barashada Axmed Aar, waxay noloshayda ku soo kordhisay waxyaabo badan oo aan jaamacado lagu dhigan! Waxaan xusuustaa 2015, ku-sinnaan toban sanno ka dib markii aannu is-baranay, ayaannu maalin ku kulannay Maansoor Hotel, Hargeysa. Wakhtigaas ayaan ku biiray VOA oo aan ka soo wreegay BBC. Rag badan bay ku wada socdeen. Inta uu i joojiyay, ayuu igu yidhi; ‘Ma xasuusataa adeer hadalkii aan ku idhi maalintii aynu isbaranay?’ Ma hadal la illoobo ayuu ahaa. ‘Haa’ baan ku idhi. Wuxuu yidhi, ‘Imikana meel ka sarraysa ayaad gaadhi doontaa ee halkaa ka wad. Wallaahi adiga iyo rag kale oo uu Mohamed Ilig ka mid yahayba, waan idinku farxaa markaan idin arko!’ Qofka dhiirigelintaa iyo dadniamdaa leh ayuu ahaa Axmed Jaamac – Ilaahay ha u naxariisto’e.

Waxaan ka bartay sida ay wax weyn u tarto dhiirigelintu marka qofku u baahan yahay! Waxaan ka bartay wehelka qofku u noqdo qof kale marka mihnadda amma shaqada uu ku biiraa aanay soo dhaweynin! Waxaan ka bartay Axmed Aar inaan laga daalin shaqada aad qabanayso – xaddi kasta oo ay leedahayna isku heer loo qabto oo isku tabar la geliyo. Inaan laga daalin oo hagar-la’aan loo qabto hawsha lagugu aamino ayaan ka bartay. Wuxuu tusaale u ahaa isku-filnaanshaha qof ahaaneed. Ilaahay ha u naxariisto, qaranka, ehelka iyo asxaabtana samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo.