Maxaan ka baranay abaarta.
Isbadalada noloshu iyo imtixaankeedu waa lamaane isbadalkoodu, joogsanayn, inta noloshu taagan tahay, kuna xidhan isbadalada nololeed ee bulsho, iyo mid gaar u ah qofkasta, kuna xidhan xaalada qof ahaaneed, iyo u hogaasanka Rabbiga abuurtay, adoomahu way ku kala duwan yihiin imtixaanka, iyo qaabka ugu dhaco bulsho kasta, sababtuna waa qaabka habdhaqan, iyo hogaasanka , taasi oo saamaysa Nabad iyo Caano ahaanta nololeed iyo degaanta ku xeeeran, iyo qalbi dagaanta dhaawac gaadho.
Abaarta Maxaa keenay
- Duu’duub ahaan, Du’nuubta Aadamaha.
- Sida ku cad (Aa’yada Suurada Ruum 40, baalka 408) Dhul, iyo bariba, waxa kasoo butaacay xumaantii ay faleen, gacmaha aa’damigu.
Sida Dr Salman Ashqar kitaabkiisa, tafsiirka ee kooban, ku macneeyay aa’yadan biyo dhaceedu yahay, in la falay fasahaadkan, soo socda oo ay sal u yihiin labadan qodob.
- In Rabbi cibaadadiisa cid lala lamaaneeyaa
- Fasahaadka guud ahaan
Labadaa arrimood waxa ka dhasha, ciqaabahan soo socda, iyo qaar kale oo sal u ah kharibaada dunida dhamaanteed oo dhanwalba ah, waxaanay kala yihiin kuwan
- Abaar iyo Nabaad guur
- Cidhiidhi arsaaqda ah
- Cabsi badan
- Sicir barar
- Faa’iido yar, xaga ganacsiga
- Isku socodka, dadka oo adkaada
- Dulmiga oo bata
- Iyo arrimo kale, oo lamida
Aa’yada, inta ka hadhayna, waxay leedahay (si loo dhadhansiiyo ciqaabta qayb camalkiina ah), gabagabada aa’yada Rabbigeen (Subxaanah) kusoo gabagabeeyay hadal cajiiba, dhugashana leh, waxaas oo dhibi waxay u dhaceen, (si aad xumaanta uga soo noqotaan, toobad keen saafiya).
Haddaba abaartii baxday, Naxariistii, Rabbi Inoogu deeq, wakhti aynu quusad, u dhaw nahay, tamar aadmina meel gaadhi wayday, waxa ugu wayn ee aan ka baranaynaa waa
Maxaan ka baran karnaa
- Kalinimada Rabbi ee kawkan, iyo maarayntiisa wax yar iyo waxwayn.
- Tamaryaraanta Aaadamaha guud ahaantii oo dhan oo isku duuban .
- Iyo meesha kaliyee xalku yahay in ay tahay “u yaaca xagga Rabbi”.
- In mar walba naxariista iyo barwaaqada , laga raadiyo ku toosnaanta dariiqa rabi.
- In laga dheeraado, dhamaan waxkastoo ka baxsan xayndaabka diinta.
- In dhamaan laga toobad keeno dunuu’btii, sababta u ahayd abaarta.
- Iyo in la isku naxariisto, dadkeena baahana hoos loo eego.
- Ducadana la miciinsado.
- Wanaagana la is faro, xumaantana la reebo si xikmad, iyo waano san leh.
- In si fiican loo hawl galiyo, u jeedooyinka ay u taagan tahay wasaarada diinta iyo aw qaaftu.
- Iyo in culimadu tusaan bulshada isku duubni, iyagoo haddana wax badan ku kala duwan, khilaafkoodana, keenayn fagaaraha, si karaamadii iyo kalsoonidii lagu qabay u dhaawacmin.
- In qaranka iyo dalka, loo duceeyo, oo aan la habaarin madaxda, khaladkoodana hoos loogu sheego, oo aan fadeexad laga dhigin, si aan loogu dhiiran in qaranka la dumiyo, qarankoo ah hantida kaliye ee ugu qaalisan ee inaga dhaxaysa.
Maxaa inala gudboon
Bulshadeena
Bulshadu waa meesha sartu ka qudhuntay, gaar ahaan hab dhaqanka, waana warshada soo saarta, muwaadin toosan, ama mid khariba kawnka, samatabixintuna waxay u dabran tahay, isbadal ku dhaca, adeecid, dhaba iyo akhlaaq wacan oo ku qotanta kitaabka kariimka ah iyo sunaha saafiga, waayo, haani guntay ka tolantaa, kacaan dhakhso ah oo ku waajahan dhaqanka iyo asluubta guryuhu waa lama huraan, haddii si dhaba loo rabo, samatobixin dhaw, oo dhibaatada lagaga baxo, wakhtigan adag.
Aabaha iyo hooyadu waa in masuuliyada koobaad, si dhaba u qaataan, maanta habdhaqanka dhalintu waa astaan ifinaysa in khatar akhlaaqeed iyo mid diineed soo fool leedahay, halkay waxkastaa ka xumaadeena, waa guryaheena, oo saara sariflayaal hoos u dhigay, hidii iyo hoygii diimeed, ee aynu kusoo caana maalnay. …..
Waxa soo socota qaybtii 2aad….
Qalinkii : Axmed Cali Kaahin