Saadaasha Xanuunka Covid19 iyo qaaradda Afrika (WQ: Aadan Ducaale)

Xanuunka Covid19, waxa la ogsoon yahay in aan illaa hadda loo hayn daawo cidhibtiri karta. Balse waxa lagula tacaali karaa ka hor tag iyo in la yareeyo faafiddiisa. Waddan kasta waxa gaadhay xanuunkan saf-marka ah, waxa se lagu kala geddisan yahay; waqtiga lagu yaraynayo fididiisa, habka loo marayo ka hortaggiisa iyo saamaynta guud ee uu yeelanayo.

Marka la eego qaaradda Afrika, waxa jira dood qabta, in dhirbaaxo wayn uu xanuunkani ku dhufan doono qaaraddan dadka midabka madow lihi ay ku nool yihiin.

Anigu waxaan qabaa, fayraskani inuu ku faafo qaaradda Afrika waxa go’aaminaya qaab dhismeedka dadyowga qaaradda Afrika (Continent’s demography). Afar qodob ayaa laga saadaalin karaa qaabka uu Africa ugu faafi karo fayraska Covid19.

1. Celceliska da’da dadyowga ku nool qaaradda Afrika, wuu ka yar yahay dadyowga ku nool qaaradaha kale. Tusaale ahaan: kor u kaca dhimashada talyaaniga, waxa sababay, tirada dadka ku nool talyaaniga 23% waxa ay ka wayn yihiin da’da 65jirka. Kuwaas oo ah dadka ugu badan ee halis ugu jira in uu xanuunkani ku dhaco. Halka qaaradda Afrika 2% ay ka wayn yihiin da’da 65jirka. Sababtaas awgeed, xaddiga dhimashada xanuunka Covid19 way yaraanaysaa.

2. Qaaradda Afrika, waa qaaradda ugu magaalowga yar leh, marka la barbar dhigo qaaradaha kale. 56% ayaa miyi ah (rural areas).

Fayraska Covid19 ugu horrayn, waxa uu ku fidaa dhulka magaalooyinka ah. Xanuunada faafaa kuma fidi karaan si degdeg ah meelaha miyiga ah. Dadyowga ugu badan ee ku nool meelaha miyiga ah ee qaaradda Afrika, waxa si fudud uga dhaqan geli kara, go’doominta iyo kala fogaanshaha bulshada (isolation and social distancing) kaas oo ay kaga gaashaaman karaan faafaaha Covid19.

Dadka ku nool magaalooyinka (urban population) qoysku waxa uu ka kooban yahay dad badan oo isku raran, meelna ku wada nool. Suurtagal maaha in laga dhaqan galiyo go’doomin iyo kala fogaanta bulshada. (Isolation and social distancing) sidaa awgeed, waxa ay halis ugu jiraan in uu fayrasku si degdega ugu dhex faafi karo.

3. Dadyowga Africa waxa ay qarka u saaran yihiin haliso farabadan, taas oo ka dhigaysa in ay u nuglaadaan xanuunka Covid19. Dad badan ayaa jira oo uu habdhiska difaacu uu yahay mid taag daran (weak immune system) qaar kale waxa ay la nool yihiin xanuunka HIV AIDS, iyagoo qaata dawooyinka loo isticmaall xanuunka HIV AIDS ee loo yaqaan (antiretroviral therapy). Waxa jira kuwa kale oo ay cusleeyeen xanuuno u daran habdhiska difaaca ee jidhka. Lama garan karo waxa dhici doona, marka dadkaas ay la kulmaan fayraska Covid19, kaliya waxa la saadaalinayaa in ay kor u qaadi doonaan xaddiga dhimashada.

4. Heerka cimilada, kala duwanaanta da’da iyo kala filiqsanaanta dadyowga afrika, way ku kala geddisan yihiin wadamadu. In la helo xog ku salaysan kala duwanaanta bulsheed ee dadyowga afrika, waxa ay door laxaad leh ka qaadanaysaa ka hortagga sadhada Covid19. Waa suuragal in ay ku adkaato shaqaalaha caafimaadka in ay xogtan kusoo uruuriyaan waqti wanaagsan. taa beddelkeeda, bulsho kastaa, waxa ay samayn kartaa qiimayn ay ku salaynayaan ogaalkooda, isla markaana ay ka saadaalin karaan, inta ay noqon karto khatarta xanuunka Covid19 (micro level information and community risk assessment).

 

Adam Ducaale

Dhaka, Bangladesh