Awoodda xakamaynta nafta Q.1aad (WT: Kamaal Axmed Cali)

Awoodda xakamaynta nafta’ waa buug uu qoray qoraaga dhiirrigeliyaha nafta ee caanka ahaa Ibraahim Faqi. Sida magaciisaba ka muuqata waa buug xambaarsan xikmad iyo muhiimad aad u ballaadhan oo ay adagtahay in si sahal ah looga geyoodo. Waxa se aynu isku dayeynaa in aynu qaybo ka mid ah soo koobno si cidda aan akhriyin ay ugu hesho fursad si guud mar ah faham uga sii haysan karto nuxurka buugga.

MAROODIGII AAN ITAALKIISA AQOONIN

Ugu horreyn waxaa xiiso leh qisada uu qoraagu buuggan seeska uga dhigay; Waa maroodi aad u xoog badan oo rabbaayad ah. Ninbaa inta uu soo kaxaystay beerta dambe ee qasrigiisa ku qurxistay. Waxa uu ku xidhay silsilad ku xidhan bir weyn oo uu dhulka u qoday. Maroodigu bilowgiiba waxa uu isu dhiibay xaqiiqada ah in uu xidhan yahay, sidaa awgeed waxa uu joojiyey in uu isku dayo in uu  xorriyaddiisa helo.

Maalin dambe ayaa uu ninkii beddelay birtii u aasnayd oo waxa uu ka dhigay qori aan sidaa u itaal badnayn, oo haddii uu maroodigu isku day samayn lahaa uu si fudud u kala jebin lahaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu nin kale weydiiyey ninkii guriga lahaa, sababta aanu maroodigu isugu dayin in uu burburiyo qodinka uu ku xidhan yahay si uu isaga furo. Ninkii maroodiga lahaa waxa uu ugu jawaabay, “Maroodigani aad ayaa uu u xoog badan yahay, si fudud ayaanu isaga jebin kari lahaa xadhiga. Laakiin, dhibaatadu waxa ay ka taagantahay arrintaas aniga iyo adiga ayaa og, ee maroodigu ma oga. Mana u qiimaysna ilaa inta ay awooddiisu gaadhsiisan tahay”

Qisadan waxa aynu ka arkaynaa dhibta wax isku ‘qufulka taban’ oo ah in uu qofku maskaxdiisa uun barnaamij iyo si ay isaga ula muuqato oo taban wax uga aamino. Maroodigu waxa aanu ku kalsoonayn awooddiisa, kelidiina kuma koobna ee innaga dhammaanteen waa aynu la mid nahay. Waxa keliya ee aynu kaga duwannahay innagu bani’aadam ahaan, waa in aynu awood u leenahay in aynu aaminsanaantaas iska saari karno, oo aynu beddeli karno barnaamijkaas taban ee aynu marka hore maskaxdeenna ku qufulnay.

Isbeddelkaasina waa in uu ku bilowdo tallaabooyin aasaas ah, oo ay ka mid tahay in marka hore aynu go’aansanno isbeddel. Isbeddelka uu qofku samaynayaa waxa uu marka hore ka dhacaa qofka maskaxdiisa iyo sida uu u fikirayo.

 

LA SOCO…