Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland: istaraatijiyadda cusub ee Xasan Khayre (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland intii Khayre la wareegay waxaa ii muuqda inuu bedelay istaraatijiyaddii hore. Waana sidan abbaartiisa cusubi:

Cidda Fariinta Xambaaraysa: Waxaa muuqata in uu abbaaray beesha dhexe halkii awal cidhifyada la bar-tilmaameedsan jiray. Si gaara beelihii is-bahaysiga la magac baxay Jeegaanta dhaqankoodda, Xisbiyahanadda Kulmiye iyo qoraayaashoodda ayaa ah wakiilada rasmiga ah ee qorshaha khayre . Dabcan, waxaa jira xubno is-bahaysiga giraanta ah oo iyaguna kabaya si ay ka tahayba. Dad badan baa tani aaminsiisay in madaxwayne Muuse Biixi la og yahay oo ay wada socdaan, anigu se ma qabo arinkaa.

Fursadaha uu ka dheefayo

1. Kala xidhiidh furashadda Xukuumada JSL & Dadkeedda

2. Qorshaha Isku-furanka Geeska Afrika ee Maraykanku wato, Abiye Axmedna ka yahay hor-booddaha

3. Dayn cafinta Somaliya & Deeqaha Caalamiga  ah

4. Xaaladda Dhaqaale ee Somaliland oo liidata, musuqa iyo qaraabo-kiilka xadhkaha goostay.

5. Fashilka Siyaasada Arimaha Dibadda Somaliland & hogaaminta Biixi ee hadhaaga ah.

6. Siyaasadda qofaynta iyo qolaynta ku salaysan ee maamulka hadda jira. Waa siyaasada aaminsan in “Farmaajo” uu siyaad Barre adeer u yahay oo aan lala hadli karin, “Xasan Khayre”   Caydiid adeer u yahay oo aynu saaxiib nahay. Ma dhaadsana in Khayre & Farmaajo hal aragti waddaan.

Siddee looga hortagi karaa?

1. Xukuumad midnimo qaran oo la dhiso taas oo midaysa beelaha, Goboladda iyo aragtiyaha kala duwan ee Somaliland. Waxaa halkan soo galaya dhamaystirka heshiiskii KHAATUMO.

2. Diyaargarow wadda-hadaladda loo galo kaas oo adeegsanaya caqliga, khibradda, aqoonta iyo farsamadda dhamaan qaybaha reer Somaliland iyo xataa taageero farsamo dibadeed.

3. Galdaloolooyinka muuqda oo la awdo sid doorashooyinka oo waqtigoodda ku dhaca iyo muranka komishanka oo la soo af-jarro.

4. Warbaahinta dawliga ah iyo ta gaarka loo leeyahay oo loo abaabulo difaaca qaranka iyadoo aan waxba la yeelin madax-banaanida Saxaafadda.

5. Xisbiyadda Mucaaridka ah oo qayb ka noqda siyaasadda wada-hadallada madaama goleyaasha sharci-dejinta iyo fulintu ay hal xisbi iskugu biyo shubteen, doorashaddiina ay laalan tahay wali.