Saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa kartaa arrinta Jamal Khashoggi siyaasadda Sucuudiga (WQ: Cabdirashiid Odowaa)

Ugu horrayn waxa caddaan ah in arrinta Saudi Arabia looga shakisanyahay inay ku kacday ee khaarajinta wariyaha Jamaal khashoggi ay tahay arrin Sumcadda waddankaas hoos u dhigaysa waji gabaxna ku keenaysa,iyadoo caddaymaha iska soo daba dhacayaa sheegayaan inayna dhaafsiisnayn aqalka Boqortooyada iyo Wiilka Dhaxalka leh ee awoodda badan Maxamed bin salmaan oo magaciisa loo yaqaan ama loo soo gaabiyo (MBS).

Waxa soo baxaya warar sheegaya in koox 15 nin ka kooban oo diyaaradi keentay magalada Istanbuul ka hor khaarajinta wariyaha ay ahaayeen kuwa ugu firfircoon istaffka ilaaliya Wiilka boqorku dhalay(MBS) kooxdan oo la filayo inay yihiin kuwii khaarajiyay wariyaha la waayay.

Kooxdan 15 qof ka kooban ayaa la sheegayaa inay yihiin saraakiil sirdoonka  iyo ilaalada ugu dhow dhow wiilka dhaxalka boqornimada leh ee Maxamed Bin Salmaan(MBS) iyadoo dhamaan magacyadooda iyo sawirradooda la hayo wakhtiyo kala duwan oo ay ka ag dhawaayeen Madaxda ugu sarraysa dalka Saudi Arabia iyo Wiilka Boqorku dhalayba Nimankan ayaa la caddaynayaa inay aqoon u leeyihiin qaabka dilka loo baadho iyo khaarajinta.

Arrintan siday u socoto oo ku dhow inay qirtaan Saudi Arabia iyadoo cadaadis kaga imanayo waddamada aadka isugu dhowyihiin ee Reer Galbeedka Sida USA.UK iyo France ayaa waxa laga wada dhawaajiyay inay tahay arrin xadgudub ku ah (1)cahdiga heshiiska VIENNA Convention ee la saxexay 1961 ee ku saabsan xidhiidhka Dowladaha (2)Xeerka Xuquuqda Aadmiga ee Asaasiga ah (3)Xeerarka Qawaniinta Caalamiga ah ee Puplic International law iyo (4)Sodonka qodob ee Paris Convention ee UDHR.(qaraarka Qaramada midoobay (217) ee soo baxay 10 december 1948).

Sidaas oo ay tahay haddana Dowladda Saudi Arabia ayaan la kulmi doonin wax Ciqaab ah aan ahayn in lagula taliyo inay dib Sumcadeeda u dhisto oo ay samayso (Reform)

Waddamada reer Galbeedku waxay ka raaci doonaan danahooda oo waxa wax kasta kala wayn danaha ay ku qabaan Saudi Arabia marka laga Reebo hadallo ismaqashiin ah oo ay Dunida Tusayaan(Rethoric) mana rabaan waddanka Saudi Arabia oo ah halka laga hogaamiyo Diinta Islaamka inay ka horyimaaddaan oo dunida muslinku ku toosto.waayo Saudi Arabia waxa ku yaalla goobaha ilaahay sharfay ee dadka iyo dunida Muslinku Qadariso.

Waddamada Ruushka.Iiraan iyo Turkey iyaga waxa ku sii fogaan doona nacaybka ay u hayaan Sucuudiga iyo Reer Galbeedka

Waxa kaloo la filayaa inay ku bedelato sucuudigu  cawaaqib kaga yimaadda Dunida Galbeedka dano la is dhaafsado iyo inay hirgeliso Dimoqraadiyad badan Sida inay saxaafadda ka dul qaaddo Culayska,Inay Dumarka u ogolaato wadida baaburta iyo waxyaalo kaloo badan.

Waxa la filayaa inay dhowaan soo saran Sucuudigu warbixin kooban oo ay kaga hadlayaan arrinta dilkaas wariyaha oo ay u sheegi doonaan in dalkaasi u dhacay qaab aan Qorshaysnayn isla markaana baadhistiisa la sii wadi doono.

Sidoo kale madaxda dalalka reer galbeedka ayaa iyaguna raba inay Damba basaan oo arrinta hoos loo dhigi doono waxad ka garan kartaa hadalka uu soo saaray Madaxweyne Trump iyo Xoghayaha arrimaha Dibadda Mr Bompeo hadalkaas oo ah (Waanu arkaynnaa in la waayay wariyahas ama la dilay lkn ma odhan karnaa Ciddaas ayaa dishay).

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

0634101213