Xukuumadda iyo Qaramada Midoobay ayaa qabtay aqoon-is-weydaarsi lagu eegayo Hadafka 16aad ee Horumarinta

Aqoon-isweydaarsiga waxa wada jir u qabta xukuumadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, UNDP iyo UNSOM.

Hadafka 16aad ee Horumarintu wuxu khuseeyaa nabadda, cadaaladda iyo dhismaha hay’ado dawli ah oo wax-ku-ool ah isla markaana karti leh.

Waxa la isla eegay sida ugu wanaagsan ee loola socon karo isla markaana loo qiimayn karo horumarka laga samaynayo hadafka 16aad ee Horumarinta oo saamayn ku leh hadafyada kale oo dhan.

Si loo rumeeyo hiigsiyada ay leedahay Dawladda Somaliland, waxaa la diyaariyay Hiigsiga Qaranka Somaliland ee 2030 ka & Qorshaha Horumarinta Qaranka ee labaad. Qorshahaasi waxaa uu ku salaysan yahay hiigsiyada dunnidu u jeexatay horumarka ee ay ka mid ka yihiin Hadafyada Horumarinta Raandhiiska leh (SDGs), Hiigsiyada Afrika ee (Africa 2063 Agenda) & hadafyada kale ee caalamiga ahba.

WQ&HQ waxa ay shalay qabatay ulan lagaga hadlayo muhiimada Hadafka 16aad ee Horumarinta Raandhiiska leh ee ay dunnidu dhigatay & xidhiidhka ka dhexeeya QHQ ee 2aad.

Hiigsiyada & Qorshayaahsa Qaranka Somaliland waxay ay waafaqsan yihiin isla markaana ay wax ka qabashadiisa u diyaarsan yihiin sidda SDGs ka kaleba Hadafka 16aad ee Hadafyada Horumarinta Raandhiiska Leh ee ay dunnidu dhigatay oo hiigsigiisu yahay – Dhiirigelinta bulshooyin nabad ku wada nool oo horumarkoodu raandhiis leeyahay, helidda caddaalad loo siman yahay iyo dhisidda hay’ado wax-ku-ool ah, lala xisaabtami karo, loona dhan yahay heer kasta oo ay yihiin.