Faallo: Abiy Axmed waa hoggaamiye dhisaya mustaqbalkii siyaasadeed ee uu xilkan ku sii haysan lahaa

Waxa diyaariyey: Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar

Hogaamiyaha dhabta ahi wuxu leeyahay qorshayaal uu u dajiyey siyaasada mustaqbalkiisa, wuxuu diyaariyaa sidii uu xilka ugu sareeya u qaban lahaa hadii uu hayana mar kale loogu dooran lahaa.

Hogaamiyuhu waa qofka marka uu xilka hayo  sameeyo talaabooyin ku cusub dalkiisa gudihiisa iyo dibaddaba ka sameeya isbedel taariikhda u gasha, oo talaabo kasta oo uu qaada abuurta doodo iyo hadal hayn talaabadaasi laga faaloodo.

Ra’isal wasaaraha Da’yar ee boqolka Milyan ee qof hogaaminayaa wuxuu sameeyey taariikh ku cusub geeska afrika iyo guud ahaan Afrika oo ku dayasho mudan.

Talaabo kasta oo uu qaada waxa ay u samaynaysaa sumcad iyo inuu shucuurta shacabkiisa kasbado.

Wuxuu hore ugu talaabsaday in dalalkii ay siyaasada isku hayeen la heshiiyo iyo in mucaaradkii Itoobiya ku kacsanaa la wada heshiiyo, taas oo siyaasaddii Itoobiyo jiho cusub u jeediyey.

Wuxuu wasiiradiisa ku amray in aanay kaxaysan baabuurta qaaliga ah ee shiidaalka badan lagu isticmaalo maadaama oo dal faqri ah madax u yihiin, waxa kale oo uu amray in wasiirkii xawliga shaqo la qabsan waayaa uu tareenka ka hadhayo, waana ta keentay inuu shan bilood isku shaandheyn cusub ku sameeyo si dhiig cusub oo la jaanqaada horumarka xawliga ah ee uu rabo la samaysa ama la fahma.

Muxuu xilalka ugu waaweyn ugu kala magacaabay Soomaali iyo Canfar:

Taalabada la hadal hayaa ee uu imika qaaday ee indhihii caalamka iyo tii dalkiisa gudihiisa ku soo jiidaya waa  xilalkii ugu waaweynaa ee uu u dhiibay dad aan waligood Itoobiya mansabkaasi ka gaadhin, taladda Itoobiya halka lagu jarana aan qayb ka ahaan jirin iyo inuu tiro is leeg ka kala dhigo rag iyo dumar oo toban rag iyo toban nin uu magacaabay, tobankaasi dumarka ahina xiiso gaar ah ayey ka dhigtay siyaasadiisii.

Ujeedadda uu ka leeyahay waa mid mustaqbalka isaga anfacaysa, wuxuu doonaya in Itoobiya ka dhigo dal dimuqraadi ah oo shacabku doortaan madaxdoodda cod iyo qof, si u doorashadaasi ugu guulaysto waa inuu helaa qoomiyado taageera, taas ayaa keentay inuu Soomaalida iyo Anfarta soo dhoweysto, iyo inuu si buuxdo u helo  taageerada dumarka oo iyagun cudud gaar ah oo qoomiyad ku dhisnayn ah.

Waxa kale oo jirta in labada qoomiyadood ee Tigreyga iyo Amxaaraddu ay ku kacsan yihiin Abiy, isla markaana diidan yihiin inay oromo Itoobiya hogaamiso, sidaas darteed waxa uu rabaa sidii qoomiyado kale oo Oromada la safta u hello, waxaanu ka bilaabay labadii qoomiyadood ee ay Oromada jaarka ahaayeen si xidhiidh wanaagsan iyo is garabsi siyaasadeed uu u hello, wuxuu jeegaaan u samaynayaa Oromada si aanay Oromo xilka uga degin hadii  doorashaddu noqoto hal qof iyo hal cod.

Ra;isal wasaaruhu wuxuu Axmed Shide oo Soomaali ah  ka dhigtay gacantiisa midig, waxaanu ku soo tijaabiyey kartidiisa qalaalahaasi ka dhacay deegaanka Soomaalidda, waxaanu ka dhigtay shakhsiga kaliya ee loo daba fadhiisto deegaanka Soomaalidda.

Sidoo kale, Axmed Shide isna wuxu ku guulaystay isbedelka ka dhacay JIgjiga, markii uu xisbigii Soomaalida la wareegay waxa uu soo saaray madaxweynihii deegaanka iyo inuu siyaasada deegaanka dajiyo.

FG:Hadii uu sida soomaalida  u fikirayo Axmed Shide waxa uu dib ugu soo noqon lahaa deegaanka oo uu madaxweyne ka noqon lahaa mar hadii uu xisbigii uu isagu la wareegay, waayo wuxu is barbar dhigii lahaa madaxweyne iyo wasiir ka dibna  madaxweynuhu ka dooran lahaa siday u badan yihiin soomaalidu, imisaad  aragtay Soomaaliya isagoo wasiir fadaraal ah inuu ka doorto inuu maamul goboleed madaxweyne ka noqdo.

nasiib wanaag isagu sidaas muu yeelin, waxaanu door biday inuu xaga sare u socdo oo uu Itoobiya wax la qaybsado, waxaanu wadda qorshihii xisbiga Soomaalida ay  kaga mid noqon lahaayeen xisbiga talada Itoobiya haya . Maanta mar hadii uu gaadhay wasiirka Maaliyadda hal talaabo ayaa ka xigta inuu noqdo Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Aynu dib ugu noqono siyaasada Abiy Axmed wuxuu  kaliya uun iska eegi karaa labada qoomiyadood ee Tigreyga iyo Amxaarada, inta kale  wuxuu qorshaha ka dhigtay in aanay gacantiisa ka bixin.

Hogaamiyaha dhabta ah waa shakhsiga siyaasada mustaqbalkiisa sii dhisa ee ka fikira baritoole waxa iman doono iyo qorshaha uu marar kale oo badan xilkan ku soo noqon lahaaa.