Saamaynta Caafimaad Ee Ay Leedahay Haddii Ilmahaaga Aad Seexiso Dhinacaaga (WQ: Kamaal A. Cali)

Akademiyadda Maraykanka ee caafimaadka carruurta ayaa shaaca ka qaadday in ay khatar tahay in hooyadu ay ilmaheeda is dhinac seexiso habeenkii. Sida ay ku warrantay idaacadda waddaniga ah ee NPR waxa ay xeeldheereyaashani sheegeen in sida ugu fiicani ay tahay in ilmaha kelidii la seexiyo qol u gaar ah. Waxa aanay sheegeen in carruurta qol u gaar ah la seexiyaa ay helaan hurdo ka waqti badan hurdada ay helaan carruurta uu waalidku isla seexiyo sariirta keliya ama xitaa carruurta carruurta qol la seexata waalidka. In ilmuhu uu waayo hurdo ku filan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay sababto dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in uu daciifo koritaanka jidhkiisa, dareenkiisa iyo garaadkiisuba.

Dhinaca kalana waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in carruurta dhalata oo waalidka la seexdaa ay dhibaato ku keento caafimaadka hurdo ee waalidka oo uu inta badan ku dhaco khalkhal dhinaca hurdada ahi, maadaama oo warwarka badqabka ilmaha uu ku seexanayo, waxa kale oo ay culimada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in ilmaha oo waalidka la seexda furaashku uu raad taban ku yeesho xidhiidhka kalgacal ee labada waalid.

Faa’iidada labaad ee ay khubaradu sheegeen in ilmuhu uu ka helo gaar u seexashada ayaa ah in uu goor hore barto nidaamka, madaxbannaanida iyo ku tiirsanaanta naftiisa. Waxa uu baranayaa sida uu kelidii u seexan karo isaga oo madaxbannaan waalidkiina aanu la joogin, waxa kale oo uu baranayaa sida uu waqtigisia hurdada u maamuli karo isaga oo ilaashanaya saacadda hurdada, maadaama oo aanay qasab ahayn in qoyska oo dhami ay hal mar habeenkii wada seexdaan.

Si kastaba ha ahaato ee, in ilmuhu uu waalidkii la seexdaa ma’aha faa’iido la’aan sida ay xeeldheereyaal daraaseeyey ogaadeen. Shabakadda caafimaadka qoyska ka faalloota ee ‘Healthy families home Birth’ waxa ay sheegaysaa in ay jiraan faa’iidooyin kala duwan oo ay leedahay in ilmuhu uu waalidkii garab seexdo; waxaa ka mid ah ilmaha oo ay oohintiisa iyo qaylada ama saska habeenkii ka yaraado, hurdo aad u deggen oo uu helo kalsoonida ammaan ee uu dareemayo awgeed, heerkulka jidhkiisa oo dabiici noqda iyo garaaca wadnaha oo xasila, neef-qabatowga habeenkii dadka qaar ku yimaada oo ilmaha ka yaraada, ilmaha oo caano badan oo naaska ah ka hela hooyadii maadaama oo uu barbar hurdo oo aanu hooyada culays ku keenayn. Waxa kale oo ay keentaa in xidhiidhka ilmaha iyo waalidku uu kordho ama sii adkaado.

Laakiin waxa iyaduna khatar ku ah caafimaadka ilmaha in uu qaato neefta ay sambabada waalidku soo celinayaan, taas oo khatarteedu sii badanayso haddii labada waalid midkood sigaar nuug yahay.