Maxamuud Xaashi muxuu ka filayey Muuse Biixi markii uu dhisayey? (WQ: Saleebaan Xaashi)

Maxamuud Xaashi, waxa uu si hagar la’aan ah uu u taageeray Muuse Biixi Cabdi, xilli uu u baahnaa cid garab istaagta, isaga oo dhexda kaga jira duufaanno siyaasaddeed oo ay ku kiciyeen Koox danno kala duwan ku midaysanaa ka hor intii aanu taageero lama filaan ah ka helin Madaxweyne Siillaanyo 2015-kii, oo raggii ka shaqeeyey taageerada Siillaanyo ee Muuse Biixi uu hormuudka ka ahaa Mr. Xaashi.

Taageeradii shuruud la’aanta ahayd ee Maxamuud Xaashi ku garab istaagay Muuse Biixi, maxaa keenay, muxuuse ka filayey Guushii doorashada ka dib.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo lagu tilmaamo siyaasi ruugcadaa ah oo ka mid ah kuwa saameynta ku leh Masraxa Siyaasadda ee Somaliland 30-kii sanno ee u dambeeyey, waxa la aamisan yahay in dhawr qodob sabab u ahaayeen inuu shuruud ku xidhi waayo Muuse Biixi, Waxaana ka mid ahaa qodobadaasi

■ Wakhtiga oo xasaasi ahaa iyo kala qaybsanaan Kulmiye ka dhex jirtay iyo doorashooyinka oo kaabiga soo saarnaa.

■Maxamuud Xaashi oo aan haysan wakhtigaasi fursad la mid ah tii uu haystay Muuse Biixi wakhtigii uu ahaa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee shirkii Golaha Dhexe ee Burco 2008.

■ Booskii uu ku gorgortami lahaa oo uu ku fadhiyey Maxamed Kaahun oo ay isku deegaan ka soo jeedaan, isla markaana ay saaxiibo dhow ahaayeen Muuse Biixi.

■ Maxamuud Xaashi waxa uu ku jiray dagaal siyaasaddeed oo salka ku hayey kasbashada codka Beesha uu ka soo jeedo, oo uu aamisanaa in hadal la’aan ay Kursiga Guddoomiyaha u geyn doono, markii uu kaga awood batay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay isku deegaan yihiin, isla markaana uu laga soo awood batay dagaalkii Kulmiye iyo Xukuumaddii Siillaanyo, kaasoo tartan adag ka waday deegaannada ay ka soo wada jeedaan.

■ Maxamuud Xaashi oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta caanka ku ah faqa hoose iyo shirarka dhinaca Salaadiinta iyo haldoorka beelaha, waxa uu rajaynayey inuu ciyaari karo kaadh ah in uu kasbado Salaadiintiisa, taas oo uu sameeyeyba, si ay Muuse Biixi kala hadlaan arrinta Xisbiga kulmiye. Arrintan Mr. Xaashi wuu filayey inuu caqabad ku noqon karo Maxamed Kaahin, waxaanu u sii diyaarsaday aragti odhanaysa waa Markayagii oo dadka qaarkood u arkayeen dood macquul ah, balse ta aanu filayn ayaa ah inuu Madaxweyne Muuse Biixi la meeraysan doono Salaadiinta iyo soo wareejinta Xisbiga ee uu doonayey in ay kula tagaan.

■ Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu filayey inuu Madaxweyne Muuse Biixi odhan doono Beesha Bariga Burco ha keenaan ciddii aan ku wareejin lahaa Xisbiga marka aan haakaha idhaahdo.

Waa aragtiyda intanu ku dar qodobada kale ee aad is leedahay Maxamuud Xaashi uu ka filayey Madaxweyne Muuse Biixi

 

Saleban Xaashi