Maxamuud xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland oo dhawaan muujiyay damac ah gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ayaa maanta warbaahinta la Hadlay, waxaa uu sheegay in aanuu ka qayb galaynin shirwaynaha Kulmiye, waxaanauu eedeeyay Madaxweyne Muuse biixi.
Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya shirwaynaha xisbiga Kulmiye oo dhawaan Hargaysa ka dhici doona waxa uu yidhi โShirka Kulmiye waxa uu u afduuban yahay madaxweyne Biixiโฆ.kama qayb-galayo shirka Kulmiye mana noqon doono Malxiisโ
Isagoo hadalkiisa siiwata Maxamuud Xaashi Cabdi waxaa uu yidhi:-
โMadaxweyne Biixi, waxa uu burburiyay Xeerarkii Xisbiga Kulmiye, haddii ragga qaar madaxweynaha ku yidhaahdeen labada Cad isku qaado, Muusow waxa aan ku leeyahay labada Cad iskuma heshidโ maxamuud xaashi.
Hoos ka daawo muuqaalka warkan oo dhamaystiran: