Sabaax Saciid (Sheeko Gaaban)

Gabadh carbeed ayaa nolosheedii u aragtay mid aad u caajis ah oo qabow, xaajigeediina wuxu noqday mid haba yaraaate wax is bedel ah aan ku soo kordhin, nolosha qoyskana aan u horseedin xiiso iyo fir fircooni.

Go’aan bay qaadatay oo waxay tidhi maan aniguba noqdo mid xiisa gelisa nolosha qoyska.

Waxay tagtay suuqa, waxaanay soo iibisay hadiyad yar oo ay si aad u qurux badan u soo xidhay wadnayaalna dusha kaga soo dhejisay.

Aroortii hore ayay saartay sariirta. Dhinaciisa ayay garab dhigtay waxayna ku ag xidhay kaadh yar oo ay ku qoran tahay weedhan Af-Carabiga ah “Sabaax Saciid” oo ay mecnaheedu tahay “subax wanaagsan.” Kadibna way iska shaqo tagtay.

Xaajigeedii qalbiga wanaagsanaa ayaa markii uu toosay arkay alaabtii garab taallay. Kadibna xaaskiisii haydiyadda meesha u dhigtay ayuu telefoon u diray wuxuna ku yidhi sida “saaka waxaad ilawday hadiyaddii aad u xidhay saaxiibaddaa Sabaax Saciiid.”

Gabadhii Allaah ha unaxariisto..!

By: Ina Siciid

bandhige@gmail.com