Sababta ka dambaysa guusha imtixaanka ee dugsiyada Nuuraddiin (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

“Sababma ayuu Noradin sannad walba ugu guulaystaa kaalmaha sare?” Weydiintan waxa Facebook nagula wadaagay saaxiibkay Akram Cabdala Cabdalla. Waa su’aal mug leh, waxaanay ila noqotay in aan si waafi ah uga warceliyo.

Muddo sannad (2011-2012) ah oo aan macallin ka ahaa dusgiyada Nuuraddiin, waxa ii suurtogashay in aan si dhab ah u ogaado sababta ka dambaysa guusha joogtada ah ee ay ardayda Nuuraddiin ka gaadhaan imtixaannada qaranka. Wixii intaas ka horreeyay madaw ayaa igaga jiray sababta keenta in ay gu’ walba ku gacan sarreeyaan garoonnada loollanka ee jirrabka (imtixaanka) qaranka ee fasallada afraad ee dusgiga sare iyo fasallada 8aad ee dugsiga dhexe.

Guusha joogtada ah, waxa sabab u ah:
1. Waxa uu qaataa arday ka soo baxday dugsiyada oo aqoon ahaan dhisanaa. Ma urursado dad uu suuqa ka soo qarameeyay
2. Sannad walba waxa ay ardaydiisu galaan saddex imtixaan.
3. Ilaalada heerka dugsi ee imtixaannadu waa ay ka adag tahay ta heer qaran
4. Waxa uu ardayda ku barbaariyaa isku kalsoonaanta iyo qish la’aanta
5. Ardayda ku gudbi weyda imtixaannada heerka dugsi, waxa laga joojyaa sii-wadista waxbarashada, waana la beddelaa
6. Waxa ardayda maalin walba la siiyaa inta ay ugu yar yihiin toddoba xiisadood ama lix xiisadood
7. Ardayda waxa loo dhammaystiraa manhajka waxbarashada
8. Nuuraddiin waxa uu shaqaalaysiiyaa macallimiin uu ku xushay aqoon, gudbin iyo dhaqan-wanaag. Bareyaasha kuma doorto qaraaba-kiil, qof-jeclaysi iyo weji-garasho
9. Waxa uu ardayda ku dhiirrigeliyaa inay aqoonta ku tartamaan. Abaal-marin ayaa la siiyaa ardayda hoggaanka u qabata fasalladooda
10. Waxa uu ubadka ku barbaariyaa anshax iyo asluub, taas oo kobcisa waxbarashadooda
11. Ardayda u fadhiisanaysa imtixaannada qaranka, waxa uu dugsigu ka kabaa oo uu siiyaa xiisado dheeraad ah. Xiisado dheeraad ah ayaa lagu fahansiiyaa meel kasta oo iftiimin u baahan.
12. Ardayda waxa lagu carbiyaa laylisyo adag oo ka caawiya inay ku hafto-baxaan ama la qabsadaan hannaanka imtixaannada looga shaqeeyo
13. Waa dugsiga keliya ee muddo dheer (2002-2016) lahaa buugaag raadraac ah oo ku qotoma manhajka dugsiyada sare ee Somaliland, ka hor intii aan buugaagta dugsiga sare si rasmi ah loo daabicin 2016ka.

Kaalinta ay dugsiyadaasi buuxiyeen ayaa ka mug weyn in ay qof iyo laba saluugaan geeddigooda. Iyada oo la ii fili karo in aanan qiri karin sababta ay ardaydiisu sannad walba ugu guulaystaan dhibcaha sare, haddana ka masuugi maayo inaan caddeeyo in ay yihiin nal u baxaya ummadda Somaliland. Hirgelinta himilada ay dugsiyadani u taagan yihiin kama dhigi karo hal bacaad lagu lisay, hawsha intaas le’egna kuma hafri karo wax aan habboonayn.

Sawirka la socda qoraalkani waa shahaado-dharaf aanu siinnay maamulaha guud ee Dusgiyada Nuuraddiin sannadkii 2009ka, iyada oo Maansoor loogu dabbaal-dego guul uu gu’gaas dusgigu ka soo hooyay imtixaannadii qaranka.
Ugu dambayntii waxa aan hambalyo u dirayaa guud ahaan ardayda iyo dugsiyada kaalmaha sare ka galay imtixaannadii heerka qaran ee natiijadooda laga shaaciyay magaalada Hargeysa. Hambalyo ayaan leeyahay.