Maxaabiis gaadhaysa 2,140 ayaa laga sii daayey xabsiyada Riwaandha, dadka xorriyadda helay waxa ka mid ah hoggaamiyaha mucaaridka

Maxaabiis tiradoodu tahay 2140 ayaa laga Sabtidii laga sii daayey xabsiyada Riwaandha iyadoo aan wax tafaasiil ah laga bixin. Sida la sheegay waxa maxaabiista lagu sii daayey cafis madaxweyne.

Maxaabiistan waxa ka dhex muuqda hoggaamiyaha mucaaridka Victoire Ingabire oo iyadu xataa ku eedaysnayd in ay qiran wayday masuuliyaddii kaga aadanayd xasuuqii Riwaandha iyo fannaanka caanka ah ee Kizito Mihigo.

“Waan uga mahadcelinayaa madaxweynuhu in uu xorriyaddaydii ii soo celiyey” ayay tidhi hoggaamiyaha mucaaridka Ingabire ka hor intii aanay ka bixin irridda xabsiga sida ay daabacday wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxweynaha Riwaandha ayaa lagu sheegaa in uu yahay nin aan dulqaad u lahayn dadka ka soo hor jeeda isla markaana gacan bir ah ku qabta ciddii is dhaqaajisa. Taas taas oo lagu ladhay muddada dheer ee uu xilka hayey waxay keentay in warbaahinta qaarkeed ku xantaan kali-taliye.

Hase ahaatee dhinaca kale waxa lagu ammaanaa in uu Riwaandha oo uu ka dhacay xasuuqii ugu xumaa ee dunida ka dhacay wixii ka dambeeyey Dagaalkii labaad uu gaadhsiiyey horumar aan la qiyaasi Karin iyadoo ka dhex widhwidhaysa waddamada Afrika.

Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com