Saddex Dawladood oo Islaam ah ayaa Soomaalilaan la Dagaalamaya. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Oday la odhan jiray Aw Rafiic ayaa Sayidka dalalka Carabta uga keeni jiray Timirta, Xalwada iyo wixii la halmaala. Aw Rafiic wuxuu ahaa badd-mareen. Isaga oo Taleex jooga ayaa la qabtay oo wuu Xujoobay la yidhi. Ka dib inta dharkii laga saaray ayaa geed lagu xidhxidhay. Waxa lagu diray niman ilkaha qortay oo jidkiisa googooya. Aw Rafiic wuu cabaaday oo wuxuu yidhi “Tolaayey “. Ka dib Sayidkii ayaa ku yidhi ” Aw Rafiicoow maxaad yaa Muslimaay u odhan weyday?” Markaasuu yidhi” Muslimku sowkan i cunaya”.
= Sidaasi oo kale Soomaalilaan waxa in la ictiraafo toos ula dagaalamaya, Turkiga, Qadar iyo Masar. Waa Muslim Muslim cunaya. Jiritaanka Soomaalilaan in meesha laga saaro ayuu dalalkaasi qorshahoodu yahay. Soomaalilaan waxa la xulufo ah Imaraadka iyo Taywaan. Badda Cas cid aan Soomaalilaan ahayni ma bixin karto.
F.G= Xogta sare Gees ayaa buuggiisa ku qoray.