Janaraal William oo hogaaminaayey dagaalkii UNISOM ee 1993 Muqdisho ku dhexmaray Janaraal Caydiid ayaa ku calaacalay “We won the battle, but we lost the war.” Oo nuxur ahaan noqonaysa, goobta dagaalka waanu ku adkaanay, laakiin hadafkii dagaalka waanu ku jabnay. Sidaasi oo kale Soomaalilaan 8 bilood ayey dagaal tudhaale ah kula jirtay Huwanta, hadafka ayaa ka qalloocsamay.
= Koox aaminsan in madaxweynaha lagu xumeeyo si aanu libinta guusha u soo ceshan. Waxa ay doonayaan inay taariikhd u gasho Sool ayuu ku soo jabay.
= koox aaminsan in doorashada madaxtooyadu dib u dhici karto haddii uu dagaalku daba-dheeraado. Garxajiska xisbiga Waddani taageersan ayaa halkan soo galaya oo kala garan la’ Mucaaradada xukuumadda iyo difaaca dalka.
= Koox aamisan in dagaalka Sool uu imtixaan adag ku keeni doona madaxweynaha beddeli doona Muuse Biixi, oo muddo-xileedkiisa mashquulin doonta.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan