Saddexda Dabaqadood Ee Bulshada (WQ: Mustafe Barkhad Cabdilaahi “Dhimbiil”)

Bulsho kasta waxaa loo qaybiyaa waa Saddexdan dabaqadood oo kala ah:

 

1. Dabaqadda xukunka haysaa ( ruling class)

2. Dabaqadda xoolaha/ hantida  haysata( wealth class or Capitalism class) iyo

3. Dabaqad xoogsato ah ( working class)

 

Saddexdan kooxood markay labo ka mid ahi is raacaan waxaa laga adkaadaa midka soo hadhay. Hadday  kooxda xukunka haysa noqoto mid shacabka u shaqaysa waxaa la maamuli karaa dabaqadda hantida haysata ama xoolalay da ah, waana dawladaha shacabka daneeya( people oriented states).

 

Markan oo kale dawladu waxay xakamaysaa ama siyaasad ay ku xukumayso  u samaysaa ganacsatada, waxayna dawladda noocaas ahi jaangoyn kartaa qiimaha maceeshadda,  waxaana meesha ka baxaya sicir bararka danyarta dhabarka ka jebiya.

 

Midda kale dabaqada xukunka haysa iyo dabaqadda xoolaha haysataa waxay wadanka ama bulshada dhexdeeda ka yihiin 10% sidaas darteed 90% waa xoogsatada( working class), waana kuwa xukunka madaxda u dhiibta ee  mudan In loo shaqeeyo, waxaase dhacda oo ah ta ugu badan inay is baahaystaan xoolaleyda iyo xukuumadda, halkaasna waxaa kasoo baxa in bulshada sicir barar iyo adeeg tayo xun la kulmaan, waana dhibta ina haysata.

 

Tusaale ahaan waxaa shacabka u heshiiyey xoolaleydii iyo xukuumaddii,  xoogsatadii oo danyar badani ku jirtana  jilbahaa  dhulka loo saaray. Addeegyada laga iibiyo maaha kuwo tayo leh waana qaali. Marka shacabku sicir barar ka cawdaana meelo kale oo aan shaqo ku lahayn ayay dawladdu dadka farta ugu fiiqdaa sida; xukuumadihii u dambeeyay ee Somaliland ay yidhaahdeen adeegga Zaadka ayaa sicir bararka keenay!

 

Haddaba maxay xukuumaddu xoogsatadii xilka u dhiibtay u xoreen oo ay xoolaleyda ula xulafoobeen? Sababtu wax kale maaha,  markii xisbiga  xukunka haya xilka u ordayey ayay xoolaleydu xaynka u buuxiyeen oo ay halgankii doorashadiisa qayb libaax ka qaateen. Waxkasta oo ay xukuumaddu u baahatana inay siiyaan way u kala badiyaan.

 

Sidaas darteed haddii ganacsatada ama xoolaleydu bulshada daqiiqda  dawo uga dhigaan cid kala hadli kartaa ma jirto. Hadday Alaab tayo xun tiro badan  lacag ah ka siiyaan,  iyana  waa la mid. Hadda cidda sidaas u dulmani waa dadkii codka bixiyey oo bulshana ka ah 90%! Kuwan xoolaleyda ahina ( capitalism class) waxay wax ka iibiyaan dadkaas shacabka ah,  laakiin uma naxaan.

 

Iska daa wax kale e dadka u shaqeeya badankoodu wax nolosha qofku ku istaagi karto ma siiyaan,  dawladdii ay kaga dacwoon lahaayeena waaba mid iyaga u shaqaysa oo u idman!

Marka nidaamku sidan oo kale u xoogaysto kooxda xoolaha haysata lagama adkaan karo. Sababtoo ah haddii dawladdu istidhaahdo bal xoolaleyda ama hantiileyda farageliya oo shacabkan u daneeya markaaba waxay dejinayaan qorshe ay gacan saar kula yeelanayaan masaakiintii xoogsatada ahayd.

 

Waxayna abuuraan kacdoon xukuumaddaha lagu rido, iyaga oo nacaybka shacabka ee huursan ka dhigaya mid hawl gala. Dulmigii ay qaybta ka ahaayeena waxay u xambaariyaan xukuumadda!

 

Tusaale kacdoonkii Faransiiska ka hor waxaa wada shaqaynayey dabaqada hantida ama mulkiyada dhulka lahaa iyo kuwa talada gacanta ku haya. Dabaqaddii hantida haysatay  ayaa lagu soo rogay cashuur badan,  kadib markii boqortooyadii Faransiiska dhaqaalahoodii hoos u dhacay.

 

Mulkiilayaashii beeraha oo ahaa dabaqad maal qabeen ahi waxay diideen cashuurtii waxayna gacan saar la yeesheen xoogsatadii ama shacabkii sidaas bayna nidaam maamul oo qarniyo jiray ku badaleen. Marka ay sidaas tahay shacabka marna laga shaqaysanayo ee hantida laga samaynayo marna lagu shaqaysanayo ee xilka lagu fuulayo maxaa xal u ah?

 

La soco qaybo kale oo arrintan xidhiidh la leh.