Saddexda nooc ee ay u lebisan doonaan saddexdii Ex-wasiir ee Muqdisho tagay (WQ: Kennedy Muuse Yuusuf)

Sadexdaa Ex-wasiir ku xageen, ee Mogadishu kadegey. sadex derejo (ama labis) ayay maridonaan.

1. Marka hore sidaa maxaakimtii islamiga ahayd ayay khamisyo xidhan doonaan, markaasay qolyihii hore u sii joogey ku odhadoonaan bixiya AMISOM baa ka xanaaqdee. Dabadeedna way iska daadin.

2- Hadana waxay tolan fitishaariyo (afarjeeble) iyo koofiyado zinzibaariya. Markaasay qoladii beesha DIR ee hore Barlaamaanka ugu jirtey shakiyi doonaan, hadana markaasey iyana daadin.

3- Suudhadh kacmo gaaba ah ayay tolan. Markaasay dowladii Xasan Sheekh u ekaan, dabadeedba dowlada Farmaajo ayaa NISA (Sirtoon) daba dhigi, markaasey garanwaayi meel laga soo raacay.

Dabadeedna hudheelda xamar bay maalin ba mid fadhiisan.waxaa looga sheekeyn rag horoo madax ahaa sidii loo qarxiyey iyo ina Cumar Carte inuu dirqi badbaadey. Shabaab baa soo garaaci iyagoo Zakadii doonaya.Markaa danbe warkoodu Kheyruu gaadhi. Khayrana Farmaajuu la tashan. Farmaajo na wuxuu odhan, “ABI Ahmed wuxuu noo sheegay aniga iyo Muuse Biixi inaan wada waaweyn dhow yeelano”, imika diyaar uma nihin xil udhiibidooda. Ugu dambey suldaanadooda ayay la so hadli si cafis loogu waydiiyo dowlda SL.

Ogolaansho kadib Airport ka HARGEISA shirjaraa’id ku qaban, iyagoo odhandoona guryo aanu Xamar ku lahayn baanu soo iibineyney.