Khaladka 3aad: Maanta ha khaldin si aanad berri isu ciil kaambiyin ama u Shallaayin:
Nin karameedkii Reer Buuhoodle ee la odhan jirey Aadan Galaydh oo noolaa 100 sano kahor wuxu yidhi: Markaan Tamar hayey Talo ma’hayn: Maanta oo aan Talo hayona Tamar ma’hayo. Ninkaas waxa la mid ah qof kasta oo xil soo qabtay oo aan waajibkiisii gudanin. Run ahaan Siyaasiyiinta hore oo dhami waxa ay ka midaysan yihiin hal arin: taas oo ah Taladu waa mar aad Garan weydo iyo Mar aad Gaadhi weydo. Waxaanay u hadlaan sida islaantii waayeeshay ee aragtay gabdho yaryar oo la sirayo oo niman maskaxda ka xadayaan. Ee kaddib xusuusatay sidii iyada beenta loogu sheegi jirey markii ay gabdhahaas yaryar le’ekeyd; ee tidhi Aniga oo gabadh yar la ii celiyo baa wax garan lahaa.
Khaladka 4aad: Khaladka ugu weyn ee Hoggaamiye ka tago waa hoggaamiye ka tegis la’aan?
Alexander The Great oo ahaa ninkii mar dunida badankeedaba qabsaday waxa markii uu dhimaney laga kari waayey qof na hoggaamiya oo aanu is daba taagno noo sheeg, khaladkaas uu ku magacaabi waayey hoggaamiye ama successor waxay dhaxal-siisay ciidamadii Mecedonia dagaal dhexdooda ka socday muddo kudhow 200 oo sanadood.
Khaladka 5aad: Damaca Gacanyarayaashu waa hoogga Hogaamiyayaasha!
Boqortooyadii Cabbaasiyiinta iyo Casrigii Dahabiga ahaa ee Haarun Al Rashid waxa illaa maanta bar madow ku ah Barmuukiyiintii oo ahaa gacanyarayaashii Amiirkii Muuminiinta. May u noolayn, daacadna uma ay ahayn boqorka ee waxay lahaayeen ajande u khaas ah oo ku salaysnaa awood iyo dhaqaale urursi; damacaas qaawan ee gacan-yarayaashii Haaruun ayaa wiiqay Dowladdii weynayd ee Cabbaasiyiinta. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen oo ay dowladdiiba la wada wareegeen ayuu ku baraarugay Harun Al Rashid oo Raisal Wasaarihiisii Jacfar Bin Yaxye Bin Barmuuk qoorta kaga gooyey Makka agteeda, laakiin dhibtii ay geysteen Barmuukiyiintu waa tii taqadii iyo kalsoonidiiba ka qaadday illaa aakhirataankii ay afka ciidda dartay Dowladdii Cabbaasiyiintu.
Khaladka 6aad: Ma la’ baajin karayey September-11
Sida laga soo xigtay General Elfatih Erwa oo kamid ahaa madaxda Suudan, qaladka ugu weyn ee Maraykanku sameeyeen wuxu ahaa buu leeyahay markii Osama uu ka baxayey Sudan 1996: waxanu siinay saddex ikhtiyaar oo kala ah: In aanu u soo dhiibo Maraykan, In aanu sucuudiga u dhiibno iyo In aanu dalka ka saarno. Dalkiina ka masaafuriya laakiin Soomaaliya uun yaanu aadin bay nagu yidhaahdeen. Waxanu ku nidhi wuxu rabaa In uu aado Afghanistan! ha aado bay Maraykanku yidhaahdeen ee faraha ka qaada. Sida uu 2011kii daabacay Magazine ka guunka ah ee The Atlantic raadintii Usama Bin Ladin waxa markii dambe Maraykanka kaga baxday lacag gaadhaysa 3000 oo Billion oo Dollar (3Trilions)
Khaladka 7aad: Maxaa keena qoomamada iyo is-ciil kaambiga marka Xukunka laga dego;
Xabsi ku yaalley Ruushka ayaa waxa soo booqday Wasiirkii Cadaaladda ee Midowga Sovieti, markii uu qolalka eeg eegayey buu wuxu arkay qolkii gaar ka ahaa (Solitary confinement Cell) ee saraakiisha kacaandiidka ah lagu xidhi jirey oo aad u dayacan oo intuu qabowgii darooray xitaa biyo dhex jiifaan. Wasiirkii taliyihii buu amar ku siiyey in uu qolkaas hagaajiyo; qolkaas mar dambe yaanan sidaas ugu soo noqon ee rinjiyee oo kululeeyana ku xidh’ buu kula sii dardaarmay. Muddo yar kaddib baa wasiirkii la casilay, habeen madowna ciidan loo diray oo xabsigii lagu soo tuuray! Taliyihii baa u furay qolkii caanka ahaa; saa waa sidii uu 6 bilood kahor kaga tegey oo muu hagaajin; dhirbaaxo ayuu isla kala jiiday oo taliyihii indhaha kaga dhuftay; miyaanan ku odhan qolkaa hagaaji oo kululeeye (Heater) ku sii xidh. Qolkii oo biyihii qaboobaa dhex jiifaan baa lagu tuuray.
Khaladka 8aad: Kalsoonida Xad-dhaafka ah baa keenta Khaladaadka Siyaasiga:
Roomaankii hore Janaraalka dagaal yahanka ah waxa ay daba dhigi jireen adeege xusuusiya in aanu isu qaadan wax intiisa ka weyn, waxaanu dhegta u saari jirey (remember you are a mortal) ogow naflay baad tahay oo waad dhiman kartaaye!
Khaladka 9aad: ilaalinta Sirtu waa u muhiim siyaasadda
Rasuulku (CSW) wuxu yidhi Ammuurihiinu Sir ha idiin ahaadaan.
Sirta oo baxda waxa ka dhasha khasaare weyn, Sanadkii 2000 Wasiirkii Maaliyadda ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in sanadka cusub uu xaraashayo kaydkii dahabka ee ingiriiska, dhawaaqaas hordhaca ahi wuxu jebiyey oo dhulka geliyey sicirkii dahabka dunida. 69% dahabkii UK Waa la iibiyey isaga oo xaraash oo kale ah, khaladkaas uu sameeyey wasiirkii maaliyaddu waxay UK ku khasaartay in ka badan 5 billion oo Giniga ingiriiska ah oo xiligaas u dhigmi karayey balaayiin Dollar.
Khaladka 10aad: ilduufka siyaasadda
Wasiir Khaarajiyihii hore ee mar soo maray Soomaaliya Dr Abdirahman Jama Barre oo ay walaalo ahaayeen Maxamed Siyaad Barre wuxu BBC da Soomaaliga mar sii horreysay u sheegay in markii Dowladdii Soomaaliya la heshiinaysay Mengistihii Ethiopia sanadkii 1987kii uu kula taliyey Maxamed Siyaad in uu la heshiiyo Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii jabhadda ugu weyn ee hubaysan, tanaasulka Ethiopia loo samaynayana in jabhadaha Soomaalida loo sameeyo, laakiin waa la iga diiday buu yidhi. Xiligaas 1987kii belaayoba Soomaalida kuma dhicin wixii xiligaas ka dambeeyey baa kabaha afka lagu wada qaatay gees ka gees.
Ninbaa lo’ ka luntay, lo’dii oo Libaax cunay buu u tegey markii uu soo laabtay ayuu arkay meel lo’du martay intaan Libaaxu helin; Halkaa markay maraysay Yax lahaydee ayuu ku calaacalay!
La soco qaybaha dambe
W/Q: Cismaan Abokor Dubbe