Sadexdan garoon oo ah hanti guud kuna yaala degmada Ibraahin-Koodbuur, mar kaliya ayaa la wada damcay in la qaato. W/Q: (sharmaake Muhumed Mumin )

Ka koobaad waa garoonka kubada kolayga, waxana la sheegayaa in la siiyey Siciid Sheekh Cumar oo hudheelkiisu ku dhagsanyahay, hawshana waxa la wada kooxo ka ag dhaw madaxtooyada.

Garoonka labaad waa kii hanuuninta oo mudo ba isaga laguma ciyaarin, waxana la keenay ciidan, cida la siiyey wali ma cada balse waa awood qarsoon marba hadii ciidan la soo dhoobay. War jiraaba cakaaruu iman.

Ka sadexaad waa kii dhalinta ee 31ka May oo qayb ka mid ah doraad la dhagax dhigay si loogu sadqeeyo labada kale . Waa sadex aafo oo is huwan, waana boob cad balse aan la mahadin doonin.

Dhalinta degmada Koodbuur waxay diyaar u yihiin in dariiq kasta oo ay nabadu ugu horayso u maraan sidii ay hantida umadda u ilaashan lahaayeen. Waana masuuliyad wadaniyadeed.

Haddaba maxaa dhalinta la gudboon si ay ugu guulaystaan ilaalinta garoonadan iyo hantida umadaba ?

1. In aan la niyad jabin lana joojin xaq u dirirka, dedaal na aan la yaraysan meel uu gaadhaba. Waayo qof kasta oo hanti umadeed qaadanyaa wuxu aaminsan yahay in hal todobaad uun la hadal hayn doono, waana sida bulshadeena inta badan looga bartay.

2. In aan la kala qaybsamin, haddii suuqa borobogaando la soo galiyo, sida in dhalinta xisbiyo, qabiilo iyo xaafado loogu kala abtiriyo. Hadalada inta badan la adeegsado waxa ka mid ah, hadii cid xaafadeena ahi imika aanay qaadan xukuumadaha dambeba cid shisheeye way siin doonaan.

3. In aanay dhalinyartu u dhego dhigin cago juglaynta uga iman karta dhinacyada boobka wada sida in loogu hanjabo Xadhig amaba si gaar ah loo soo beegsado.

4. Waa in qof kasta oo degmada dagani ka qayb qaataa ololahan lagu ilaalinayo garoonada ciyaaraha sida Xildhibaanada, Culimada, ganacsatada, masuuliyiinta xukuukada iyo Xisbiyada mucaaradka, aqoonyahanka, warbaahinta iyo gaar ahaan dhalinyarta degmada oo iyagu ah awooda koobaad. Waa in si nabdoon loo gaadhsiiyaa masuuliyiinta ugu saraysa ee leh go’aamada ilaalinta hantida umdadda, gaar Madaxwayne Muse Bihi Abdi iyo Mayor Abdikarim Ahmed Mooge .

5. Ugu dambayn waa in si guud dhalinyarada wadanku ilaashadaan hantida umadda ee ku yaala magaalooyinkooda, degmooyinkooda iyo xaafadahooga. Dadka aad ka ilaashanasaan ha noqdeen kuwo kuu dhaw iyo kuwo kaa fogba.

 

 

Qore : sharmaake Muhumed Mumin

Bandhige@gmail.com