Safarkaygii Ugu Horreeyey Ee Landhan…W/Q:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Safarkaygii Ugu Horreeyey Ee Landhan

Marsiin wuxu iga soo horreeyey muddo bilo ah. Wuxu ii sheegay in casharkii ugu horreeyey ee ay qaateen uu ahaa: “wax kasta oo aad ka shakido wuxu u dhawyahay in uu xaqiiq yahay.” Waxaan waydiiyey macalimiinta wax barta. Wuxu ii sheegay in aanu xasuusan. Arrintan ayaa yaab igu noqotay. Marsiin wuxu iigu daray: “in aanad wax kasta xasuusan waxay ka mid tahay casharka labaad ee lagu barayo.”

Marsiin marka uu warkan ii sheegayo waxaad moodaa in ogsajiintu ay ku sii yaraanayso sambabadiisa, aniguna waxaan noqday sidoo kale. Miiska aanu fadhino waxyar ayuu ka durugsan yahay halka ay dadka kale fadhiyaan. Si hoose ayuu Marsiin iigu waramayaa, wuxuuna ku dadaalayaa in aan sheekadayada la maqal.

Sidee ku timi halkan ayaan waydiiyey? Wuxu ii sheegay in uu soo xaraystay shaqo lagu baahiyey mid ka mid ah mareegaha shirkadaha shaqaalaysiinta. “Muxuu ahaa booska aad soo xaraysatay ee la soo xayeysiiyey?” Ayaan waydiiyey. Wuxu ii sheegay in takhasuskiisu yahay macdanaha, booska uu soo dalbadayna uu ahaa hoggaamiye mashruuc oo macdanta ah.

“Hal sano oo aan ka maqnaa suuqa-shaqada oo aan fadhiyey ayaa soo dadajiyey in aan booskan xaraysto. Xayeysiiska shaqada waxa lagu sheegay in shirkad caalamiya oo maalgashi ay raadinayso shakhsiyaad khibrad badan u leh arrimaha macdanaha, ku noolaanshaha iyo ka shaqaynta dalalka Laatiinka, Afrika iyo Aasiya. Sidoo kale, waxa ku qornayd in la doorbidayo dadka ku hadla hal ama in ka badan oo af-qalaad ah. Maadaama oo aan ahaa qof buuxinaya shuruudahan, waxaan si xiiso leh u gudbiyay warqadayhaygii shaqo-dalbasho.”

Si fiican ayaan Marsiin ugu gurayaa sheekada, waxayna ii sameynaysaa dhadhan iyo xiiso gaar ah. Marsiin oo hadalka sii wata ayaa yidhi: “qiyaastii hal bil kaddib, waxaan helay warqad ka timid shirkad latalinta qaabilsan oo tixraacaysa warqadahaygii shaqo-dalbasho ee aan ku xareeyey mareegta shirkaddii shaqaalaysiinta. Shirkaddu waxay sheegtay in shirkad weyn oo ka mid ah kuwa dalkan laga leeyahay ay macmiil u tahay, ayna suuragal tahay in ay xiisaynaayaan qof leh khibradayda oo kale. Waxay ii sheegeen in aan haysto labo toddobaad in aan ku siiyo ogolaansho qoraal ah in ay warbixintayda oo dhammaystiran la wadaagi karaan shirkaddan macmiilka u ah. Kama labalabayn arrintan, isla markiiba waxaan u qoray qoraalkii ay iga dalbadeen.”

Marsiin wuxu ii sheegay in hal toddobaad kaddib, tilifoon laga soo wacay goor barqo ah. Gabadh ku hadlaysa tilifoonka dhankiisa kale waxay u sheegtay Marsiin in ay warbixintiisa ka heleen shirkadda WGJ, ayna u arkaan in uu yahay qof ku habboon booska shaqo ee ay raadinayaan. Marsiin wuxu ii sheegay in wada-sheekeysigii uu gabadha la lahaa uu qaatay muddo hal saac ku dhow, kaas oo ay diiradda ku saaraysay in ay faahfaahin badan ka hesho shaqsiyadiisa. Wuxu Marsiin sheegay in su’aalaha ay waydiisay ay ka mid ahaayeen kuwo ku saabsan in uu hore u galay wax fal-dambiyeed ah, isticmaalka daroogada iyo xidhiidhada uu leeyahay.

Inta kaddib, wuxuu Marsiin ii sheegay in loo soo diray iimayl ay ku jiraan warqado badan oo la rabo in uu soo saxeexo. Sidii ayaan yeelay ayuu yidhi, waxaana la ii sheegay in aan ka warsugo shirkadda, diyaarna u noqdo in wakhti kasta la ii yeedhi karo.

Muddo bil ah kaddib ayaan helay tilifoon, waxaana la ii sheegay in aan shaqada bilaabi doono, ka hor´se la i soon doono tababar. Wuxu Marsiin ii sheegay in tababarada uu qaatay ay ka mid yihiin sida loo khalkhalgaliyo wax-soosaarka shidaalka, loona tayo dilo.

“Oo ma in aan dalalka dunida waxyeelayno ayaan ka hawlgalaynaa?” Aniga oo naxsan ayaan Marsiin waydiiyey su´aashan.

“Su´aalo badan maya. Jawaabo badan maya. Shaqada aan haynaa waa sidaa. Kaliya laabta u sii daa, kuna soco.” Marsiin oo hareeraha eegaya ayaa sidan igu yidhi. Wuxu intaa ku daray in uu filayo in xeerkani uu yahay casharkii saddexaad ee la baray.

La soco

 

Qore:Axmed-kayse  Cali Rooble

Bandhige@gmail.com