TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND OO KA SOO DAGEY GAROONKA DIYAARAHA EE HARGEYSA

HARGEYSA – Taliyaha ciidanka booliska JSL sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) ayaa goor dhaweyd ka soo degay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha oo hawlo shaqo ku maqna waxa Garoonka ku soo dhaweeyay saraakiil kala duwan oo ciidanka booliska ah, isla markaana uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidanka boolisku.

Taliyaha ayaa marar kala duwan oo hawlo shaqo ugu baxay dalka dibediisa sidan oo kale loo soo dhaweeyay.